Faa’idada Sisinta Iyo Saliid Macsaradu Ay U Leeyihiin Ragga

Ninka marka uu gaaro lixdameeyo sano waxaa hoos u dhacayo xaddiga hormuunka raganimada ee loo yaqaan testosterone ilaa bar inti uu sameyn jiray dhalinyaranimadiisi, sidaa awgeed qaar ka tirsan dhaqaatiirta sida Dr. Lily Kindeblan waxa ay leeyihiin ninka waxa uu weynayaa inta u dhexeysa 1-2% hormuunka testosterone wixi ka dambeeya sanadka 35 jirka, hoos udhacaasne waa wax caadi ah, laakin qeyb ka mid ah raga oo 10 ilaa 15% gaareyso heerka hormuunka waxa uu hoos udhacayaa heer ka sareeya sida dabiiciga ah, taasoo soo dedejineyso inay soo baxaan astaamo jinsiga ah ama galmada la xariira iyo kuwo aan jinsiga la xariirin wixi ka dambeeya da’da kontomeeyada ama lixdameeyada .

Hormoonka raganimada ee testosterone waxaa soo saara unugyada leydig cells oo ku dhex yaal xiniinyaha ragga , dabadeedna nudaha jirka ayuu galaa isagoo sameysta receptors, sidaa awgeed waxa uu saameyn ku leeyahay murqaha, lafaha, qanjidhada iyo habdhiska dareen wadka dhexe (Central Nervous System ).

 Hoos udhaca ku yimaad testosterone waxa uu keeni karaa astaamo fara badan sida kuwan hoos ku qoran oo noqon kara calaamado digniin ah:

Daal jir iyo maskaxeed, Xasuusta oo qasanta, Hurdo la’aan, Tabar yari murqaha ah, Niyad jab, Lafaha oo tabar yareeya, Miisaanka oo kor u kaca, Rabitaanka galmada oo hoos u dhaca ama xubinta taranka raga oo kici weysa, iyo kuwo kale. Calaamadahan waxaa kaloo lagu arki arkaa cudurro kale.

Haddaba da’da keliya ma keento hoos udhaca hormuunka raganimada, balse waxaa jira sababo kale oo keena, waxaana ugu weyn cuntada uu qofka cunayo oo aan dheeli tirneyn, aalamiito la’aan, maandooriyaasha noocyadooda kala duwan iyo cadaadiska qofka ka soo wajaha shaqada.

Wax Ma laga qaban karaa hoos udhaca hormoonka testosterone?

Talooyinka soo socda wax weyn ayay ka tari karaan:

  • Qaadashada cunto isku dheeli tiran oo ay ku jirto dufan maalin kasta, tamarta guud ee maalinlahana ka ah 30%
  • Cunidda cunno uu ku jiro zinc xaddi dhan 5 ilaa 15mg maalinti, waxa ay kaa caawineysaa inuu jirka sameeyo hormoonno isu dheeli tiran oo kugu habboon
  • Sameynta alamiito ama jimicsi heer dhexe ugu yaraan 3 jeer usbuucii
  • Sameynta galmo haddii aad xaas leedahay, waayo waxa uu jirka ku dhiiri gelinayaa soo saaridda hormoonka, sidaa awgeed waxaa habboon in qofka xaas leh uunan ka safrin ama haddii uu safrayo uu horay uwato si caafimaadkiisa u dheeli tirnaado.
  • Ka fogaashaha carada badan iyo cadaadiska nafta

Waxaa jira dawooyin lagu daweeyo hoos udhaca dareenka galmada ama rabitaankeeda balse taasi waxay ku habboontahay in qofku la tashado dhaqtar ku shaqo leh arrintaa.

Haddaba isu soo wada duuboo sisinta ayaa laga heli karaa dhammaan waxyaabaha kor ku xusan ee jirka siinaya dheeli tirnaan xag nafaqo ah, waxayna xoojisaa dareenka galmada, waxaana mararka qaar lagu sheegaa inay ahaan jirtay waayihi hore dawada lagu xoojiyo galmada sida maanta dawada loo yaqaan fiyaagra.

Dadkeena soomaaliyeed waxaan talo ahaan u jeedi lahaa inay ka faa’iideystaan sisinta iyo wax kasta oo laga sameeyo, waayo waxaa layaab leh dad dalkooda lagu beero cunnooyinka ugu nafaqada badan dunida sida sisinta oo misna macluuli leyso sanad kasta. Sisinta nooc kasto oo loo sameeyaba nafaqada way ku jirtaa, ama saliid ka sameyso ama mac macaan ka dhigo ama cabitaan ka dhigo, balse markasta waa inaan niyadda ku haynaa sisinta ma lahan haraa nafci la’aan ah, xataa murufkeeda waa borotiin, marka waa inaan soomaaliyey dib isugu laabanaa oon dib u qaabeynaa cuntooyinka aan ka sameyn karno dalagga aan beerno, kuwaasoo si fudud aan ku lumino nafcigooda aqoon darri awgeed.

Akhriso: 11 Cunto Oo Lagu Kobciyo Rabitaanka Kulanka Gogosha

W/Q: Dr. Abdulkadir Insi

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *