Faaidada Kalluunku U Leeyahay Caruurta Yaryar

kalluunkuProfessor Hildegard Bertsrempel oo ku xeeldheer nafaqaynta iyo faa’idooyinka cuntada ayaa waalidiinta kula talisay in ay ku dadaalaan in ubadkooda ay toddobaad kasta laba jeer siiyaan mar ama laba jeer qiyaas ah 25 illaa 35 giraam oo kalluun ah midkiiba. Hildegard oo ah bare-sare oo jaamacadeed waxa ay sheegtay in kalluunku uu hodan ku yahay maaddooyinka  iodine oo Soomaalida qaarkood u yaqaannaan Saliid-Naar, iyo asiidhka dufanka leh ee lagu magacaabo Omega3, labadaas maaddo oo lagama maarmaan u ah koritaan caafimaad qaba oo ay helaan maskaxda iyo indhuhu.

Hildegard oo xubin ka ah, degelka “Caafimaadku waa jidhkaaga nolosha” oo Jarmal ah ayaa iyada oo sii faahfaahinaysa arrintan waxa ay tidhi, “Waxaa fiican in waalidku uu carruurta yaryar siiyo kalluun, kaas oo bilowga hore ay ka dhigayaan kalluunka aan dufanka badan lahayn, sida nooca salmon ka loo yaqaanno iwm. Iyada oo weliba ay fiican tahay in aan la shiilin, sida inta badan aynu u isticmaalno.

Check Also

Sababaha Calool Ololka keeno & Talooyin Caawinaya Qofka Uu Ku Badan Yahay

Calool ololka waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee dunida maanta aad caanka uga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *