Faa’idada Cabitaanka Lawska & Mooska La Isku Shiiday Iyo Xilliyada Ugu Fiican Ee La Cabo

Casharkeennna maanta waxaan soo qaaadanaynaa cabitaan nafaqo badan kaas oo ka kooban moos, laws timir iyo caano. Waa cabitaan diyaarintiisu ay fududahay, dhadhan ahaan macaan, caafimaad badanna laga helo.

Mooska oo ka mid ah cunnooyinka cunistooda sida aadka ah loogula taliyo xirfadlayaasha ciyaaraha kala duwan, waxa uu hodan ku yahay maaddooyin nafaqo, oo ay ka mid tahay potassium, wuxuuna jirka ka caawiyaa in aysan tamartu ka bixin, waxa uu sidoo kale xoojiyaa hab-dhiska difaaca jirka.

Mooska waxaa ku jirta maadada fibre, sidaas darteed wuxuu uroon yahay dheefshiidka calool istaaggana wuu ka hortagaa.

Dhinaca kale, Lawska waxaa ku jira macdano iyo fitaamiinno kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan. Faa’idooyinkiisa waxaa ka mid ah inuu kor u qaado caafimaadka wadnaha iyo ka hortago buurnida iyo xanuunka sonkorowga.

Lawsku wuxuu dhalaal siiyaa maqaarka iyo timaha wuxuuna daahiyaa soo shaac bixidda astaamaha duqnimada sababtoo ah waxaa ku badan fitamiin E iyo dufanka Omega 3.

Cabitaanka mooska iyo lawska oo xiliga suxuurta la cabbo waxaa lagaa helaa tamar iyo nafaqo taas oo qofka ka caawinaysa inuu howl-maalmeedkiisa si wacan u guto, sidoo kalena cibaadeysto isagoo dareemin tabar darro iyo gaajo toona.

Cabitaankani waa mid u fudud habdhiska dheefshiidka, taas oo qofka ka ilaalinaysa raaxo darrada xilliga hurdada ee cunista cunno culus.

Soonka kadib, waxaa cabitaankan laga dhigan karaa quraac maadaama uu qofka siinayo tamar iyo firfircooni.

Qaabka diyaarinta:

  • Jar jar mooska oo ku rid mashiinka cabitaanka lagu shiido
  • Ku dar laws aad biyo ama caano ku radisay
  • Ku dar caanaha
  • Ku dar dhowr xabbo oo timir oo aad lafta ka saartay.
  • Isku shiid

Cabitaanka dabiiciga ah waxaa laga helaa nafaqo kala duwan, culeysna ma saaro beerka iyo kilyaha. Fadlan ku dadaal, kana fogow cabitaannada warshadaysan.

Check Also

daalka iyo tabar yarida, caajiska

Cuntooyinka La Dagaallama Daalka Iyo Tamar Yarida Ee Qofka Siiya Firfircoonida

Daalka badan waa cillad caan ah oo saamaysa malaayiin dad ah, waxaana inta badan keena cunno …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *