Faa’idada Ay Leedahay In Aroortii Laga Soo Tooso Hurdada & Waxyaabaha Ay Cilmi Baarayaashu…..

Dhamaanteen waxaa jecel nahay in aroorta hore soo toosno, balse in yar oo naga mid ah ayaa sidaas sameeya maalin kasta. Marka laga soo tago macaansiga hurdada, arrimo ay ka mid yihiin stress-ka, walwalka, niyad jabka, dawooyinka qaar iyo xanuunada raaga ayaa keeni kara inay qofka ku adkaato aroor hore tooska.

Qaar ka mid ah daraasadii u dambeeyay ayaa tilmaamaya in xiriir wayn uu ka dhexeeyo wax-soo-saarka iyo aroor hore tooska. Waxaa la arkay in dadka aroorta hore hurdada kasoo kaca ay ka wax soosaar wanaagsan yihiin kuwa hurdada ku daaho. Dabcan marka aad aroorta hore soo kacdo waxaad haysataa saacado dheeraad ah taas oo wax ku fadhida nolosha maanta ee mashquulka badan ee la wada ordayo. Waxaa la arkay in dadka aroorta hore soo toosa ay caado u leeyihiin fiid hore seexashada, tanina waxay faaido boqolkiiba boqol ah ay u leedahay caafimaadka.

Hurdadu waxay cusboonaysiisaa nudeyaashaada oo ay ku jiraan kuwa maskaxda iyo maqaarka. Hurdo la’aantu waxa ay xumaysaa wax soo-saarka qofka, caafimaadkiisa, iyo quruxda maqaarkiisa.

Hadaba aan eegno sababaha ay tahay in qofka uu ugu dedaalo aroor hore tooska:

Faa’idooyinka waa weyn ee aroor hore tooska:

Waxa ay qofka ka caawisaa inuu joogteeyo cunno caafimaad leh:

Quraacdu waa cunnada ugu muhiimsan ee maaliintii, waa shidaalkii uu qofku ku howl gelayay taas oo kobcisa awoodda inuu qofku si wanaagsan u shaqeeyo maalin kasta. Marka aad xilli hore soo kacdo jirkaagu wuxuu si dabiici ah ugu baranayaa inuu raashin cuno subaxdii. Quraacda oo laga tago waxa ay keentaa in qofku uu caadaysto cunnooyinka aan caafimaadka u roonayn, waxayna ku riixdaa inuu cuno cunnooyinka qashinka “junk food.”

Waqti fiican oo aad jimicsi ku samayn karto:

Sababaha ugu badan ee ay dadku ku marmarsiyoodaan ee ay iskaga dayaan jimicsiga aroortii waa inay goor dambe hurdada ka soo kaceen. Inaad aroorta hore soo kacdo waxay ku siinaysaa waqti badan oo aad ku jimicsan karto. Inkastoo galabtii la samayn karo jimicsiga, balse jimicsiga aroortii waxa uu ku siinayaa firfircooni iyo tamar.

Caafimaadka maqaarka:
Si la mid ah jimicsiga iyo quraacda, aroor hore toosku waxa uu kaa caawin karaa wamaajinta tayada maqaarkaaga. Waxaad isweydinaysaa sidee? Marka aad caadooyinkan maalin kasta joogteyso caafimaadka maqaarkaagu si dabiici ayuu u kobcaa, wuxuu helaa qoyaan dabiici ah, waxaa wanaagsanaada oxygene-ta iyo qulqulka dhiigga ee gaaraya. Sidoo kale, dadka aroorta hore so kaca waxa helayaan waqti dheeraad ah oo maqaarkooda ay ku subkiyaan, kuna nadiifiyaan.

Kobcinta wax soo-saarka:
Saacadaha u horreeya ee subaxdii waa kuwa ugu wax soo-saarka badan maalintii.
Marka aad aroorta hore hurdada ka soo toosto waxay kaa caawinaysaa inaad diiradda saarto howlaha muhiimka ah iyadoo aysan jirin wax kaa jeedinaya. Waxaa intaas dheer, dadka badankoodu waxay maskaxdoodu olugu firfircoon tahay subaxdii taas oo ka qayb qaadanaysa  qaadashada go’aanno wanaagsan. Sidaas si la mid ah, dadka aroorta hore toosa, waa dad ku wanaansan qorshe dejinta sida ay tilmaamayaan daraasaadku.

Ufiirsiga oo wanaagsanaada:
Inaad aroorta hore soo kacdo waxay kobcisaa heerka u fiirsigaaga. Maadaama aysan jirin wax dhugmaada carqaladaynaya sababtoo ah dadka dadka badankoodu wlay hurdaan. Awoodda u fiirsiga maskaxda oo sarreysa waxay caawinaysaa in howlaheeda si wacan u gudato.

Hurdada oo wanaagsanaataa:
Inaad samaysato waqti go’aan oo aad seexato iyo waqti go’an oo aad soo kacdo waxay wanaajisaa tayada hurdaada. Jirkaagu waxuu baranayaa jadwalkaas, waxaana fududanayaa inaad dhaqso u gam’do fiidkii iyo inaad si fudud usoo kacdo aroortii. Caadadani waxay faaido u leedahay nidaamka hurdada iyo soo jeedka ee jirkaaga, waxayna caawinaysaa inaad soo kacdo adigoo dareemaya inaad si fiican u seexatay.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

maaraynta waqtiga,

5 caado Oo Qofka u Suurtagelin Kara in Waqtigiisu u Nidaamsamo

Dad badan oo innaga mid ah waxa ay dhibaato ka haysataa Maaraynta waqtiga, illaa heer …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *