Waxaa jira habdhaqanno iyo ereyo astaan u ah anshax wanaag, iyo quluubta dadka oo aad kasbato. Qoraaga Lisa J. Goins ayaa warbixin ay ku baahisay majaladda caanka ah ee Reader’s Digest waxa ay ku xustay ereyada iyo dhaqannada hoos ku xusan oo ay sheegtay in ay astaan u yihiin anshax wanaagga qofka. Ereyada faahfaahintooda innaga ayaa ku darnay ee qoraalkeeda kuma ay jirin.
1. Salaanta:
Salaantu waxa ay ka mid tahay furayaasha quluubta, sidaas awgeed waa in aad caadaysato salaanta qof kasta oo aad la kulanto. Islaamku waxa uu ina baray in salaanteenna koowaad ay tahay ‘Salaamu Calaykum’.
2. Codsiga (Fadlan iwm):
‘Fadlan’ waa erey muhiim u ah xidhiidhka maalinlaha ah, xitaa haddii waxa aad dalbanaysaa yahay mid aad xaq u leedahay in aad amar ku hesho, ama qofka aad u sheegaysaa yahay hawlwadeen kaa daraja hooseeya. Ereygani waxa uu qofka ku beeraa kalgacal, kalsooni iyo soo dhowaanshiyo.
3. Mahadsanid:
U mahadnaq qof kasta oo sama aad kala kulantaa waa astaan ilbaxnimo iyo anshaxwanaag oo aad qofka ku kasban karto.
4. Ka jawaabidda Mahadnaqa (Adigaa mudan iwm):
Dad badani marka loo mahadnaqo ma yaqaannaan wax sax ah oo ay ku jawaabaan, ama waaba ay iska aamusaan. Laakiin in mahadnaqa aad ka jawaabtaa waa astaan anshax wanaag.
5. Raalligelinta – (Raalli ahoow):
Mar kasta oo aad gasho xuduudka qof kale idiin dhexeeya, mar kasta oo aad ka gaabiso xaq iyo waajibaad uu kugu lahaa, ama aad ku gefto waa in aad raalli gelin ka bixiso. Laakiin iska jir in aad raalligelinta ku talaxtagto, ama si aan loo baahnayn aad ugu celceliso.
6. Dadka magacooda ugu yeedh:
In qof aad magaciisa ugu yeedhaa waa astaan anshaxwanaag oo qofka ku abuuraysa dareen ah in aad xurmaynayso.
Waxa ay culimada cilminafsigu ogaadeen, marka uu qofku magaceenna xasuusto in aynu dareenno xurmayn iyo muhiimad uu ina siinayo, taas oo saamayn togan ku yeelata xidhiidhka iyo sheekada qofka ina dhex maraysa.
Sida ugu habooni waa in aad qofka ugu yeedho magaciisa ugu fiican, dabcan naanaysta waxaa ka mudan magaca rasmi uu u leeyahay, haddii aanay ahayn naanays ka weynaatay magaciisa oo uu isagu dadka isugu sheego.
7. Waan ku faraxsanahay aragtidaada / kulankaaga, iwm:
Qofka aad kulan la qaadato ama isbarasho isugu timaaddaan, u muuji in aad ku faraxsantahay kulankaas iyo sheekadii idin dhex martay. Waa erey dareen gaar ah ku abuura qofka, sababna u noqon kara in uu xidhiidh adagi idin dhex maro.
8. Tacsida:
In qofka geeridu ku timid, ama khasaare kale iyo dhibaato la kulmay aad ereyo tacsidayn iyo sabirsiin ah ku tidhaahdaa, waxa ay abuurtaa dareen isu soo dhowaanshiyo. Tacsidu waxa ay ku fiicantahay hadalka fool ka foolka ah, haddii kale in ay noqoto qoraal, weliba warqad gacanta lagu qoray ah. Labadan hab waxa ay abuuraan dareen gaar ah, laakiin waad isticmaali kartaa hababka kale ee lagu xidhiidho.
9. Dhegeyso aragtida kale:
U dulqaadashada dhegeysiga aragtiyaha kaa duwani, waa astaan anshaxwanaag, iyo awooddaada shakhsiga ah.
In hawshan aad wadato iyo go’aamadaada aad u talo badsato, ciddii waayoaragnimo iyo aqoon u lehna aad la tashataana waa calaamad kale oo muujinaysa isku kalsoonaantaada.
10. Ku deeqista kaalmaynta:
Naxariista, dhibirsanaanta iyo kaalmaynta dadku waa calaamadaha gobannimada iyo anshax wanaagga. Qofna ha ku dhaafin dhibta, xitaa haddii aanu kaalmo ku weydiisan, dhibna ha u arkin in uu kaa diido.
Cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey majaladda ‘The Journal of Social Psychology’ oo ka faalloota cilminafsiga bulsho ayaa muujisay, in kaalmaynta iyo gacansiinta dadku ay qofka ku abuurto dareen farxadeed weyn iyo nafis nafsadeed.
11. ‘Laga yaabaa in aad saxantahay’:
Weligaa qofka aad doodaysaan, si cad ha ugu odhan waad qaldantahay. Kuma qasbanid in aad qofka aragtidiisa ku raacdo, laakiin waa aad ku qasbantahay in aad ku ixtiraamto.
Qofka aragti aad kaaga soo horjeedda la yimaadda, adiga oo tusaya in aad ka saxantahay, haddana dareensii in qudhiisu uu saxnaan karo. In aad ku tidhaahdo “Waa aad qaldantahay!.. waa been!, iwm” waxaa ka fiican in aad ku tidhaahdo, “Way dhici kartaa in aad ka istaagtay dhinac kale …, laakiin aniga waxaa igala habboon in aynu ka eegno ..” Ama ‘Anigu dhan kale oo ka dhow ayaan kaa tusayaa … iwm”
Waa ereyo aad ku xakamayn karto in khilaafku uu faraha ka sii baxo, qofkana u soo istaajin kara in uu aragtidaadana bal kula qiimeeyo, waana suurtagal in uu jidkaaga ku soo dhaco.
12. Ha diidin casuumad:
Diidmada aan cudur daar maangal ah lahayn ee casuumadda iyo yeedhmada laguugu sharfaa, waxa ay hoos u dhigaysaa xushmaddii laguu hayey, waxa aanay kuu muujinaysaa shakhsi aan niyad fiicnayn. Waxa se ka sii xun, in yeedhmadii aad diidmo kaga jawaabto xilli waqtigeedii aad u soo dhowaaday. Dhaqso uga jawaab yeedhmada iyo casuumadda aad diidayso, adiga oo u samaynaya sababo maangal ah.
13. Sheeko wadaag:
Anshaxdarrada waxaa ka mid ah in aad kooto ku qabsato sheekada. Xitaa haddii ay jiraan wax badan oo ay tahay in aad sheegto, ku dadaal in cidda kale aad soo geliso, fursadana siiso. Qofka kale dareensii in ay jirto wax uu isaga qudhiisu kugu soo kordhin karo, iyo sheeko uu hayo oo ku xiise gelin kartaa.
14. Bogaadinta iyo qiraalka:
Ha u muuqan qof aan la socon guulaha walaalaha ku xeeran, ama iska indha marinaya wanaagga u soo kordha walaalkii. Ku dadaal in aad qofka ku bogaadiso waxa fiican ee uu sameeyo, qir sarrayntiisa iyo waxa uu ku wanaagsan yahay, guulaha uu gaadhana u hambalyee.
W/D: Qoraa Kamaal Marjaan
https://www.facebook.com/marjaankam