EAT THAT FROG: Talooyin Kaa Caawinaya In Aad Shaqada Kuu Taal Waqti Yar Ku Dhammaysato (Qebtii 2-aad)

Qoraagaa iyo dhiirrigeliyaha horumarinta nafta ee Brian Tracy, Buuggiisa ‘Eat that Frog’ (Rahaas cun) oo ka mid ahaa buugaagtii waqtigiisii loogu iibsiga badnaa, waxa uu ku soo bandhigay habab aad u heersarreeya oo lagaga hortegi karo cagajiidka iyo culayska marar qofku dareemo ee shaqada dib dhiga. waxa aynu soo turjunay talooyinka muhiimka ah ee uu Tracy ku qoray, oo uu mid kasta ku bilaabay erey kooban oo maskaxdu qabsan karto:

  • Bilowga hortii si fiican u diyaargarow: Ku dadaal in hawl kasta inta aanad bilaabin ka hor, aad si fiican u diyaargarowdo. Weligaa ha bilaabin shaqo ha ku gelin si aan qorshe iyo diyaargarow lahayn. Diyaargarowga fiicani waxa uu dammaanad u yahay dhammaystirka ugu fiican ee shaqada iyo in laga gaadho natiijo wax-ku-ool ah.
  • Waajibkaaga gudo:

Waajibka halkan waxaa looga jeedaa in aad barato wax kasta oo shaqadaada ku cusub, ama ku soo kordha hadba arrimaha iyo hawlaha aad jeceshay in aad ku xeeldheeraato. Ku dadaal in aad adigu wax isbarto. Hubka ugu fiican ee arrintan aad u adeegsan kartaa waa wax-akhris joogto ah iyo in aad raadraadiso wax kasta oo cusub, kana feejignaato in ay ku dhaafaan aqoonta iyo waayo-aragnimada hadba ku soo kordha shaqadaada.

  • Xooji xirfaddaada gaarka ah: Mar kasta naftaada ka warayso, hawsha ay is leedahay si xirfad iyo kartiyi ku jirto ayaa ay u qaban kartaa. Is weydii, awoodahaaga gaarka ah. Ogow waxa aad dadka kale dheer tahay. Su’aalaha noocan ahi waxa ay kor u qaadayaan kalsoonida aad naftaada ku qabto, waxa aanay ku barayaan waxa aad dadka kale dheer tahay ee aad tahay in aad ka faa’iidayso.
  • Sunto caqabadaha ku horyaalla: Hawl kasta oo aad qabanayso, inta aanad bilaabin waa in aad xadiddo caqabadaha kaa hor iman kara. Baro taakooyinka horyaalla horumarka aad doonayso. Ha ku dagmin in aad caqabadaha qaar yaraysato, iyada oo naftaadu ku siinayso kalsooni ah in aad si sahal ah uga gudbi karto.

Waxaa muhiim ah in aad barato caqabadahaas. Kaddib bilowg in aad si xeeldheer uga fikirto sida aad uga takhalusi karto, midiba ta ay ka soo horreyso. Waa hab aad uga fiican habka ah in aad hawsha gasho adiga oo aan ogeyn caqabadaha kaa hor iman kara, kaddibna hadba ta kaa hor timaadda uun arka, ta xigtana suga. Taasi waxa ay keeni kartaa niyadjab iyo in hadba caqabad aanad sii ogeyni waqti kaa lumiso.

  • Tallaabo-Tallaabo: Ku dhaqan siyaasadda ah, tallaabo tallaabo in aad hawlahaaga u qaaddo. Weligaa ha ku degdegin in aad natiijada gaadho adiga oo aan hawshaba bislayn. Dooro bartilmaameed sugan, qor tallaabooyinka is xiga ee ay tahay in aad qaaddo si aad u gaadho bartilmaameedkaas, kaddib bilow tallaabo tallaabo in aad u gasho hawsha kaa xigta gaadhista natiijada aad hiigsanayso. Waxaa hubaal ah in haddi iaad habkan raacdo aad arki doonto natiijo aad kaaga farxisa.
  • In yar naftaada cadaadis saar: Waa in aad samaysato hab aad adigu isku waajibisay oo aad naftaada cadaadis ku saarayso. Waxaa ka mid ah in aad ku dadaasho in hawl kasta oo aad qabanayso aad u yeesho ballan kama dambays ah oo aad hawl kasta ku qabanayso iyo waqtiga aad dooanyso in aanay kula dhaafin gaadhista hawshaas (Deadline) iyo jadwal hawleed nidaamsan oo aad u marayso hawshaas. Waa in aad nafta ku riixdo joogtaynta hawshaas iyo in aanad ka caajisin.
  • Laban-laab awooddaada shakhsiga ah: Baro heerka heerka tamartaada iyo awoodda kugu jirtaa inta ay le’eg tahay, sida awoodda aad u leedahay gudashada waajibaadka kuu yaalla. Baro awoodda aad u leedahay jimicsiga, wax-akhriska, iyo waqtiyada ugu fiican ee aad leedahay firfircoonida ugu fiican ee aad waajibaadkaaga ku qabsan karto. Kaddib bilow in aad ku dadaasho sida ugu habboon ee waqtiyada kalana aad ku kordhin karto awoodahaaga, iyo tamarta kugu jirta.

Hababka ugu habboon ee aad awoodahaaga shakhsiga ah ku kordhin karto waxaa ka mid ah, in aad cunto caafimaad qabta si caafimaadka ku habboon u cunto, jimicsi joogto ah in aad samayso, in saacado hurdo oo kugu filan aad hesho iwm.

  • Naftaada dhiirrigeli: Joogtaynta kutub akhrisku, waxa ay maskaxda siisaa awood iyo habfikir tolmoon oo ay kaga gudbi karto dhibaatooyinka soo waajaha, waxa kale oo ay qofka gelisaa dhiirrigelin uu ugu dul yeelan karo culayska ay leeyihiin gudashada hawlaha ka sokeeyaa. Dhegeysiga muxaadarooyinka ka warramaya horumarinta nafta, ka qaybgalka duruusta iyo tababarrada dhisidda shakhsiyadda iyo horumarinta nafta, iyo la macaamilka dadka raadka togan iyo aqoonta ku reebaya maskaxdaadu intuba waxa ay ka mid yihiin siyaabaha aad naftaada u dhiirrigelin karto
  • Ku tababaro dib u dhigista waxtarka leh: Waxa ay culimada cilminafsigu sheegeen in inta badan uu qofku ka baqo bilowga hawlaha ku cusub; culayska shaqada oo u uu arko in aanu qaadi karin, ama aqoon lahayn, iyo sababo la mid ah ayaa ku keeni kara in uu ku dhici waayo bilowga hore ee shaqada, muddana uu ka warwareego gudo galkeeda. Sida ugu habboon ee uu kaga bixi karaa waa in uu naftiisa u sheego in ay hawshaas qaban karo, kuna kalsoonaado kartidiisa. Laakiin waxaa jira dib u dhigis shaqo oo isagu waxtar leh.

Inta aanad shaqada bilaabin qor liiska hawlaha kuu yaalla, kaddib ka fikir sida ay u kala muhiimsan yihiin, kuna dadaal in aad dib dhigato shaqooyinka aad ogtahay in aanay ku dhaafayn ama ugu yaraan in khasaaraha ka imanayaa ka yar yahay khasaaraha ka imanaya dib u dhigista hawlaha kale ee kuu yaalla. Marka ay hawl muhiim ahi ku taallo dib u dhigo daawashada barnaamijyada iyo filimada aad xiisaynayso, sida oo kale dib u dhig ama iska jooji ballamaha haasaawaha asxaabta iyo nasashada ah ama aan lahayn faa’iido la mid ah faa’iidada ay leeyihiin hawlaha kale ee kuu yaallaa.

Intii awooddaada ah ku dadaal in aad iska caabbido qabashada iyo waqti ku luminta hawlaha aan lahayn muhiimadda ay leedahay shaqada kuu taallaa.

  • Hawlaha adag ku horree: Maalin kasta marka aad toosto waxa aad dejisataa ama habeennimadii sii dejisataa liiska hawlaha kuu yaalla oo dhan, kaddib u kala hormee sida ay u kala culus yihiin. Shaqadaada ku bilow hawlaha culayska ama adayga lagu tirinayo. Qodobkani waa ka uu u taagan yahay magaca buugga aynu qormadan ka soo qaadannay ee ahaa, ‘Cun rahaas’ gaar ahaan ha ku dhegga ahaa ‘cun rahaas weyn’.
  • Abla-ablee hawlaha kuu yaalla: Si ay kuugu fududaato in hawlaha u kala fuliso sida ay u kala muhiimsan yihiin, waxa aad u baahan tahay in aad hawsha lafteeda qaybo yaryar u qaybiso ama goballo ka dhigto, si fulinteedu u fududaato. Hawsha aad jajebisaa waxa ay kaa qarinaysaa baaxadda hawsha kuu taalla oo laga yaabo haddii aad mar wada eegto in ay niyad jab kugu riddo.
  • Waqtigaaga seero ku kala xidh: Siyaabaha ugu fiican ee waqtiga qiimihiisa aad ku dareemi karto, isla markaana ku garan karto horusocodka hawsha aad waddaa samaynayso iyo in aad waqtiga sidii saxda ahayd uga faa’iidaysanaysaa waa in aad waqtigaaga u kala xidho qaybo, aad mid kasta ku xisaabtanot waxsoosaarkiisa; sida toddobaad, bil ama sannad, adiga oo mid kasta hawl u gaar ah ku sargoynaya.

Tusaale ahaan hal  toddobaad waxa aad gaar uga dhigtaa hawl ah in aad subaxdii oroddo, (Jimicsi), ama bil waxa aad u xidhaa waqti go’an in aad internet baadho si aad uga hesho xogta aad u baahan tahay, ama hal sano waxa aad nafta saartaa in ay ka jibbo keento barashada af (Luuqad). In aad waqtigaaga sidaas u kala xidhaa, waxa ay aad u dhiirrigelinaysaa in naftu ku xisaabtano waqtiga oo ay ku dadaasho in hawsha u taalla ay dhammayso inta aanu dhammaan waqtiga aad u goysay.

  • Samayso dareenka xaaladaha gaarka ah: Waqtigaaga oo dhan ha ku buuxin, gudashada waajibaadka shaqo ee kuu yaalla. In waqtigii aad shaqada u qoondaysay ay hawl kale oo daruuri ahi kaa soo dhexgashaa waxa ay sababi kartaa in xagaldaac ku yimaaddo habsami u socoshada qorshihii aad wadatay. Si aanay taas kuugu dhicin, waxa aad mar kasta qoondaysaa waqti firaaqo ah oo aad ugu talagasho gudashada waajibaadka degdegga ah ee soo baxa.
  • Shaqada aad gacanta ku hayso xoogga saar: Iska jir in aad maskaxda u dirto halwo is burinaya oo tiro badan. Marka aad shaqo bilowdo, ku dadaal in aad dib u dhigato hawlaha kale ee aanay ahayn waajib degdeg ah ama shaqo si caadi ah loogu dhex qaban karo shaqada aad gacanta ku hayso. Ku dadaal in aad barato kuna tababarato xirfadaha iyo cilmiga kaa caawinaya hal-abuurka iyo wanaajinta shaqada aad qabanayso.

W/T: Kamaal Axmed Cali

Wargeyska Geeska Afrika

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *