Ducada Hurdo La’aanta Iyo Soo Jeedka

Wuxuu leeyayahay asxaabiga la yiraahdo zayb binu thaabit RC Nebigii Ilaahay ayaan u sheegtay oo cabasho u gudbiyay anigoo ka cabanaya soo jeed igu dhacay oo habeenkii oo dhan waan galgalanayaa oo hurdadii baan raadinayaa, hurdo ma helayo.

Markaas ayuu nebigu baray ducadii uu akhrisan lahaa ee uu uga bogsan lahaa cilladaas ama xanuunkaas.

waana ducadaan:

Ilaahow xidigihii waa dhaceen, indhihiina waa xasileen oo dadkii oo dhan waa hurdeen, adiguna Allihii nool oo u qumaya adduunkaan ayaad tahay. Gamaanyo kuma qabato iyo lulmo, hurdadana kuma qabato, Allaha noolow, oo u taagan koonkan dhanow, Habeenkeyga ilaahow xasili oo deji, ishaydana ilaahow seexii.

Asxaabiga Zayd ibnu Thaabit RC waxa uu yiri markaan ducadaan akhriyay Ilaahey wuxuu iga qaaday hurdo la’aantii iyo soo jeedkii.

Check Also

sonkorta, mooska, timir,

Waxyaabaha Ugu Wanaagsan Ee Sonkorta Lagu Beddelan Karo

Sonkortu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka la aaminsan yahay in ay caafimaadka u daran …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *