Diyaar Ma U Tahay Waqtigaan Adag Ee Ku Sugaya

Waxa jira waqti aad ka guuri doontid aduunkan kurbada badan una guuri doontid aduun farxad badan ama aduun shar badan. Waa xili ka mid ah xiliyada lagu qoray ee dhamaanteen wada mari doono, xiligaas waa wakhtiga kugu danbeeysay aad indhahaaga saari doontid aduunkan, xiligaas waa xiliga wajigaagu ka muuqan doono kurbada ku haysata ee sakaraatul mootka.waqti

Waa xiliga uu gaalku ku aamini doono, faajirkuna ku yiqiinsan doono, waa xiliga aad baran doontid aduunka dandarradayda, waa xili aad dareenmi doontid inad inbadan ka gaabsatay waxyaabahu Ilaahay ku faray. Waa xili aad ka dhaawacmi doontid kana xanuusan doontid ilbiriqsiyada macaasida kugu dhaafay.

Waa xiligaas xiliga ay bartamaha wadnahaagu ka soo baxay doono qaylo dhaan iyo oohin, waa xiliga aad qaylin doontid “ILAAHO, ILAAHO!!, ALA ILAAHO I CALIYA, ILAAHO I CALIYA, RABIGII I ABUURO I CALIYA, WAA INTAASO AAN CAMAL WANAAGSAN OO AAN KII HORE LA MID AHAYN QABTAAYE” Waa xiligii aadka u darna ee wax kala goaaminayse, xiliga ee uu soo dhaadhici doono rasuulki Ale malakul mowtka oo uu ku yeedhi doono, waa xiliga aad is waydiin doontid “ALA MA MEEL NAXARIIS LEH AYAA LAIGU YEEDHAYA, MISE TALOW WAXA LAIGU YEEDHAYA NAARTiI KULULEED” Ala wanaagsana xiligaa hadaa lagu dhaho
quran

Markaasay ilbiriqsi kaliya naftaadu Rabigii abuuray iskugu dhiibaysa, oo labada dhudhun isku marmaan. Markaasad dagi doontaa aduunyo la yaab leh, iyo guryo caqiibo leh. Xiligaas ayaad ka guuri doonta aduunyadan dhibaatada badan una guuri doonta meel uu Ilaahay ugu talo galay adoomihiisa wanwanaagsan, xiliga ayaad ka guuri doonta jaarkaaga sharka badan lana jaari doonta Rabigii ku abuurtay.

Ogow dhimashadu ma leh wakhti go’an iyo meel u gaar ama da’ u gaar ah. Si lama filaan ah ayu ku haleelaya. Walaal su’aashan kaaga tagi doona waxay tahay: Diyaar ma u tahay xiligaa? Ku baraaruji asxaabtaada iyo qaraabadaada su’aashan adigoo la wadaagaya qoraalkan.

Source: faaido

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *