Digtooni La’aanta Iyo fudeydka Badan Ee Caruurta

Digtooni la’aan iyo firfircoonida badan ADHD waa xaalad joogta ah oo saameysa malaayiin caruur ah. ADHD waxey isugu jirtaa dhiibaatooyin si joogta ah isku raaca sida feejignaan la’aan soo noqnoqota, firfircooni xad dhaaf ah iyo waxqabasho degdeg ah.

Caruurta qaba ADHD waxaa la dersa kalsooni la’aan, xiriirka oo ka xumaada iyo wax barshada oo ay ku dhacaan. Astaamaha qaar waxey noqdaan kuwa soo hagaaga marka ay koraan, in kastoo dadka qaar aysan weligood ka korin xaaladdaan.

Astaamaha

Wax yaabaha ugu horeeya ee lagu garto digtooni la’aan iyo firfircoonida badan waxaa ka mid ah.

  • Feejignaan la’aan
  • Firfircooni xad dhaaf ah: sida wax qabad kusoo boodo ah.
  • Astaamaha ADHD waxaa inta badan la dareemaa marka ay ilmaha ka yar yihiin 10 sano, astaamahana waxey noqon karaan kuwo dhexdhexaad ah iyo kuwa daran.

Xaaladaan waxay ku badan tahay wiilasha marka lala barbar dhigo gabdhaha.

Waxaa jira saddex nooc oo ADHD ah

  • Astaamaha waxey u badan yihiin digtooni la’aan
  • Astaamaha waxey u badan yihiin firfircooni xad dhaaf ah
  • Labada ba
  • Digtooni la’aan

Cunuga waxaa lagu arkaa:

  • Feejignaan la’aan iyo qalad aan loo meel dayin uu ku sameeyo casharada dugsiga
  • Diirad saarid la’aan shaqo ama ciyaar
  • Inuusan dhageysan marka lala hadlo
  • In ay dhib ku noqoto isku duba rididda shaqooyinka
  • Wax lumis badan
  • Ilowsho badan
  • Firfircoonida xad dhaafka ah
  • In ay dhib ku tahay meel fariisasho
  • Dhaqdhaqaaq badan
  • Orod iyo bood bood aan habooneyn
  • Hadal badan
  • Soo dhexgelidda sheekada dad kale
  • Adeegsiga gacmaha iyo lugaha

Maxaa sababo?

In kastoo an si dhab ah loo garaneyn waxa sababo digtooni la’aanta iyo firfircoonida badan, wax yaabaha lala xiriiriyo waxey salka ku hayaan dhanka koriimada.

  • Hiddaha: Xaaladda ADHD waa mid lagu arko qoyska, ayadoo ay ka dhigan tahay in hidda sidaha uu qeyb ka qaato xaaladdaan
  • Deegaanka: waxyaabaha qaar ee laga helo deegaanka sida suntan loo yaqaano lead
  • Koriimada: dhibaatooyinka koriimada maskaxda waa kuwo qeyb ka qaato xaaladda ADHD

Dhibaatooyinka lala xiriiriyo xaaladdaan:

Xaaladda ADHD waa mid ka dhigi karta nolosha caruurta mid adag. Caruurta qaba xaaladdaan waxay:

  • Dhib ku qabaan wax barashada, waana mid u hogaamin karta iney ku fashilmaan wax barashda
  • Unugul yihiin shilalka iyo dhaawacyada kala duwan ee aan soo gaarin caruurta kale
  • Unugul yihiin ineysan naftooda kalsooni ku qabin
  • Dhib ku qabaan la macaamilka bulshada
  • Unugul yihiin iney la qabsadaan maandooriyaasha

Baaritaanka xaaladdaan

Guud ahaan ma mudna caruurta in lagu tilmaama xaaladdaan ayadoo aan lagu arkin astaamaha muhiimka ah inta aysan gaarin 10 sano.

Majirto baaritaan khaas ah oo lagu ogaado xaaladda ADHD.

In kastoo calaamadaha ADHD mararka qaar lagu arki karo caruurta aan gaarin xilliga dugsiga, baaritaanka xaalaadan ee lagu sameeyo caruurta waa mid adag, sababtoo ah dhibaatooyinka koriimada sida hadalka oo soo daaha ayaa ah mid lagu qaldi karo xaaladda ADHD.

Sidaa darteed caruurta aan gaarin dugsiga oo looga shakiyay ADHD waxey u baahan yihiin qiimeyn uu sameeyo dhaqtar ku taqasusay, sida dhaqtarka maskaxda iyo kan dhimirka, dhaqtarka ku taqasusay koriimada caruurta.

Daweynta:

Daweynta caadiga ah ee loogu talo galay xaaladda ADHD waxey isugu jirtaa dawo, tababar iyo la talin. Daweyntaan waxey khafiifisaa astaamaha digtooni la’aan iyo firfircoonida xad dhaafka ah, hasa yeeshee daweyntaan ma ahan mid gebi ahaanba ka daweyn karta xaaladdaan.

Check Also

caafimaadka lafaha, lafo xanuun,

Qaababka Loo Adkeeyo Lafaha, Caafimaadkoodana Sare Loogu Qaado

Sidee u xoojin kartaa caafimaadka lafahaaga? Waxaad u baahan tahay macdanta kalshiyaam iyo fitamiin D …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *