Digniin Caafimaad: Roosetadu Sun Ayay Ku Tahay Bishimaha

rooseetadaQaar kamid ah waxyaabaha la isku qurxiyo ee agteenna laga jecelyahay waxay wataan maadooyin kiimiko ah oo waliba dhib gaysanaysa ..

Waxaa kamid ah haddaba waxyaabahan la isku qurxiyo rooseetada ama guduudsiga bishimaha, hadba qofku siduu uyaqaano ..

WAXYAABAHA QARSOON EE UU KA SAMAYSANYAHAY AF CASEEYUHU:

• Methylparaben

Waa mid kamid ah maadooyinka qaybta ka ah lagana sameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo ee ay soo saaraan shirkaduhu gaar ahaan kuwa Maraykanka meesha ay midawga Yurub ay mamnuuc ka tahay in loo adeegsado waxyaabaha la isku qurxiyo kadib markii lahelay Inuu xiriir ka dhaxeeyo cudurka kansarka

Waxaana uu sidoo kale keenaa gubasho jirka iyo indhaha ah. Daraasaad la sameeyay ayaa sugay in ay ku dhex jirto khatar eyana shaqa tirta hormooniska qumanka jirka iyo waliba inuu keeno kansar.

• Retinyl Palmitate

Wuxuu u samaysanyahay qaabka (Vitamin A) iyadoo ay suura gal tahay Inuu sun ku noqdo haweenka uurka leh, waxaa lagala qayb dhigay kuwa ay khatartoodu dhex dhexaadka tahay Maadaama aanan loo helin caddaymo kufilan in ay calaaqo kadhaxayso kansarka AMA khatarro kale.

• D&C Red
Tallaabooyin iyo tijaabooyin lagu sameeyay waxa laga sameeyo midabbada af caseeyaha (Pigments) ayaa keentay natiijo ah In laga gaabsado adeegsiga maadooyinkan illeen waxay saamayn ku yeelanaysaa hab dhiska dareemayaasha jidhka (The Nervous system), taasoo na siin karta digniin ah in aynu ka feejignaanno adeedsiga af caseeyaha.

• Tocopheryl Acetate: Kuna caanka ah ama loo yaqaano (Vitamin E) oo asagana qayb ka ah in badanoo soo saarida ama waxyaabo badan oo laga sameeyo waxyaabaha la isku qurxiyo ah, oo oy kamid yihiin bishima casaysiga, waxyaabaha qabawga keeniyo karaymaha salaysan (Creams basis).
isagana waxaa lagala qayb dhigay kuwa ay khatartoodu iska dhex dhexaadka tahay waayo wuxuu keenaa CAAROOW, CUN CUN ama Rash Disease, iyo HARGANS, keenana mararka qaar sumaw.

Source: dailymedicalinfo

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *