Dhukayga Muxuu Taraa, Maxaa Se Dhici Kara Haddii Dhegta Laga Saaro?

faaidada dhugayga dhegta,

Dad badan ayaa aaminsan in dhukayga uu yahay wasakh dhagta ku aruurtay oo u baahan in laga nadiifiyo.

Dhegta qeybteeda dibadda wuxuu Alle ku abuuray qanjiro sameeyo dhukayga, markii la sameeyo kadib, wuxuu u dhaadhacaa gudaha.

Dhukayga wuxuu leeyahay faa’idooyin badan oo ay ka mid tahay:

  • Wuxuu qooyaa dhegta, kana ilaaliyaa qallaylka iyo cuncunka.
  • Dhukayga waxaa ku jiro maaddo jeermiska kala dagaallanto in dhagaha wax gaarsiiso.
  • Dhukayga wuxuu xuubka maqalka ka ilaaliyaa inuu dhaawac gaaro oo si fudud wax kuma gaari karaan.
  • Haddii boor, cayayaan ama wasakh dhegta gasho, dhukayga ayaa ka hor istaaga inay gudaha u gasho, oo wuxuu u shaqeeyaa sida wasakh celin oo kale.

Badanaa qofka uma baahno inuu dhagahiisa ka soo saaro dhukayga khaasatan hadduusan dhib ku haynin, weliba caruurta dhagaha looma nadiifiyo illaa inuu dhakhtar ku taliyo mooyee.

Waxyaabaha keeno in dhegta la nadiifiyo waxaa ka mid ah: in dhukayga uu dhegta owday oo maqalka yaraaday.
Waa muhiim in laga fogaado in dhagaha la qoryeeyo maadaama dhaawac gaari karo xuubka maqalka oo hadduu dilaaco halis noqon karto.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

-Somalidoc

Check Also

Haddii Aad Ka Cabanayso Hurdo Xumo, Ku Dedaal Caadooyinkan Wanaajiya Tayada Hurdada

Hurdadu waxay aasaasi u tahay nolosha iyo  caafimaadka qofka. Waxa ay maskaxda ka dhigtaa mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *