Dhir Iyo Cunnooyin Sare U Qaada Rabitaanka Jinsiga Ee Haweenka

Hamiga galmada oo hooseeya waxa ay ka mid tahay cilladaha caafimaad ee caanka ah ee sheegtaan haweenka. 

Sababo badan ayaa masuul ka ah hoos u dhaca rabitaanka jinsiga ee haweenka, waxaana ka mid ah isticmaalka dawooyinka uurka looga hortago, qalleylka farjiga, dawooyinka qaar iyo isbeddellada hormoonnada ee jirka. Inkastoo ay jiraan dawooyin loo adeegsado in si deg deg ah loo soo celiyo doonista jinsiga sida fiyaagarada (viagra), haddana cilladaha la socda dawadan waa kuwo saamayn kara caafimaadkaaga mustaqbalka. 

Sida ay daraasadku tilmaamayaan, waxaa jira dhir iyo cunnooyin dabiici ah oo lagu kobcin karo hamiga jinsiga. Sii akhri. 

Xulbada: 

Sida ay iftiimiiyeen daraasado dhowr ah, xulbadu waxa ay caawin kartaa sare u qaadista doonista jinsiga. Waxaa la xaqiijiyay in ay tahay dawo waxtar badan oo kordhisa hamiga jinsiga ee dumarka. 

Tufaaxa: 

Tufaaxu waxa uu saamayn togan ku leeyahay doonista jinsiga ee haweeneyda. Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinno, macdano iyo enzymes dhiirigeliya rabitaanka galmada. Waxaa la arkay in haweenka cuna hal xabbo tufaax ah maalin kasta ay wanaagsanaato tayada noloshooda galmada.

Geedka maca: 

Waa dawo dhaqameed muddo loo adeegsan jiray sare u qaadista bacrinimada (awoodda uuraysiga) iyo hamiga galmada. Daraasadihii u dambeeyay waxa ay iftiiminayaan in geedka maca uu kobciyo doonista galmada ee haweenka, khaasattan dumarka ku jira howlgabnimada dhalmada kadib. 

Sacfaraanka: 

Waxaa la cadeeyay in sacfaraanku uu yahay dawo tayada badan oo sare u qaada doonista jinsiga ee dumarka.  

Afakaadhada: 

Afakaadhadu waa miro waxtar ballaaran u leh kobcinta hamiga jinsiga ee ragga iyo dumarkaba, waxaana laga helaa fitamiinno iyo dufanno caafimaad leh. Waxa ay wanaajisaa qulqulka dhiigga iyo qanaacada galmada dumarka.

Akhriso: Qiimaha Caafimaad Ee Midhaha Afakaadhada & Cilladaha Ay La Dagaallamaan

Geedka Jinseng: 

Waa geed faaido badan oo la xaqiijyay inuu dawo u yahay kacsi la’aanta dumarka. Sida lagu arkay daraasad la sameeyay, Geedka jinseng, waxa uu kordhiyaan hamiga dumarka iyo tamartooda galmada. 

Shukulaatada madow: 

Sida ay tilmaamayaan daraasaadku, isticmaalka shukulaatadu waxa ay siyaadisaa heerka hormoonnada galmada la xiriira ee jirka, waxayna kobcisaa xasiloonida qofka. Shukulaatada waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “phenylethylamine”  taas oo ka shaqaysiisaa hormoonnada galmada ee jirka, dumarkana ka caawisa in dareenkoodu uu si fudud u kaco. 

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *