Dhiigkar isir ku yimaadda: Caddaymo lagu ogaaday daraasado cilmi ah oo lagu baadhay dadka dalalka Yurub iyo woqooyiga Ameerika, ayaa caddaynaya in dadka awoowyadooda hore ee labada waalid ama midkood ka soo jeedo Afrika ama Koonfurta Eeshiya ama labadan oo isku jira ay khatar aad ah u yihiin in uu dhiigkar ku dhaco, marka la barbar dhigo dadka isirkoodu ka soo jeedo dalalka dhaca gobalka Qawqaaska loo yaqaanno ama dadka ku isir leh dadkii asal ahaan loogu yimid qaaradda Ameerika oo loo yaqaanno Amerindian ama Hindida Maraykanka. Arrintaas oo la xidhiidha dhinaca hiddesidayaasha iyo hannaanka shaqo ee unugyada dadka deegaannadan kala duwan u dhashay.
– Milix badan: Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Michigan Health system ayaa sheegay in bulshooyinka dhaqanka u leh in aanay dadkoodu cunin mulixda badan uu ku yar yahay cudurka dhiigkarku, marka la barbar dhigo bulshooyinka milixda aad u cuna.
– Dufanka badan: Mihnadlayaal badan oo caafimaad ayaa caddeeyey in cuntada uu dufanku ku badan yahay ah qofka ku keento dhiigkar. Si kastaba ha ahaato ee in badan oo ka mid ah khubarada ku xeeldheer cuntada ayaa sheeya in dhibtu aanay ahayn xaddiga dufanka uu qofku cunay, balse ay tahay nooca dufanka. Iyaga oo xusay in dufanka laga soo saaro dhirta kala duwan, sida saliidda laga sameeyo geedka Afakaadhaha, lawska, saytuunka iwm. Sidoo kale dufanka ku jira kalluunka ee Omega ayaan waxba dhibaato ah keenin balse caafimaadka u fiican. Halka dufanka xooluhu haddii uu jidhka ku bato uu khatar caafimaad ka keeno.
– Xaaladaha nafsiga ah: Daraasado kala duwan ayaa daahfuray caddaymo sheegaya in culayska maskaxda, sida walbahaarka iyo qulubka, fikirka badan iyo xaaladaha la midka ah ee nafsaddu haddii ay muddo qofka ku jiraan ay saamayn xun ku yeeshaan badqabka wareegga dhiigga.
Daraasad ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa iftiiminaysa in shaqaalaha ka shaqeeya xakamaynta hawada sare iyo maamulidda duulimaadyada, sida kuwa kala haga diyaaradaha ay shaqadani aakhirkaku keento dhiigkar. Daraasaddu waxa ay iftiiminaysaa in guud ahaan shaqooyinka la xidhiidha arrin maamuliddeedu maskax iyo feejignaan dheeraad ah u baahan tahay in ay badanka keento dhiigkar.
Dhiigkarka carruurta:
Caadi ahaan dhiigkarka sida aynu hore u soo xusnay waxaa lagu yaqaannaa dadka waayeelka ah, sidoo kale waxa uu sababaha aynu kor ku soo xusnay awgood ugu dhici karaa dhammaan dadka ay da’doodu ka weyn tahay 25 sano jir, laakiin marar dhif ahna carruurta laftooda waa lagu arki karaa.
Sida ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin, inta badan dhiigarka carruurta ku dhaca waxaa u sabab ah, dhibaato caafimaad darro oo ilmuhu uu ka qabo wadnaha ama kelyaha. Laakiin sababta ugu badan ee dhakhaatiirtu ay sheegeen in dhiigkarku uu carruurta ugu dhaco ayaa ah ilmaha oo cunto xumaysta, taas oo macnaheedu yahay in cuntada uu cunayaa ay tahay mid aan isaga da’ ahaan ku habboonayn ama caafimaad ahaan aan uba fiicnayn, ama hannaanka isu dheellitirka ee loo maray oo qaldan. Sidoo kale dhiigkarka carruurta waxaa keena ilmaha oo jimicsi jidheed samayn waaya.
Cabbirka dhiigga carruurta:
Si loo garto ilmuhu in uu dhiigkar leeyahay waxa ay u baahan tahay in dhowr jeer oo kala duwan oo weliba xilliyo kala duwan ah la cabbiro dhiigga ilmaha, taas oo haddii uu ka sarreeyo halbeegyada hoos ku xusan loo aqoonsanayo in ilmuhu uu dhiigkar leeyahay:
Da’da | Dhiigga sare | Dhiigga hoose |
1-12 months | 75-100 | 50-70 |
1-4 years | 80-110 | 50-80 |
3-5 years | 80-110 | 50-80 |
6-13 years | 85-120 | 55-80 |
Diyaariye: Kamaal Marjaan