Dhiig Ku Shubid (Transfusion)

In badan oo ka mid ah bukaanka ku jira isbitaalada ayaa u baahan dhiig ku shubid. Tallaabadan ayaa faaido u leh qofka bukaanka ah ee uu hooseeyo cadadka dhiigiisu. Waxaa kale oo ubaahnaan kara in dhiig lugu shubo dadka maraya qalliimada, dadka lakulma shilalka iyo haweenka dhalayya. Muhiimada habkaan ayaa ah mid lagu badbaadiyo bukaano wajihi karey xaalado halis ah. Dhiig ku shubidu waxay siyaadinaysaa cadadka dhiigga oo markii hore hooseeyey sababo la xariira oo noqon kara in uu heerka wareega dhiigga waxbadani ay ka dhumeen sida shilalka iyo qalliimada ama in uusan dhuuxu samaynayn inta loo baahanyahay ee unugyada kala duwan ee dhiiga.

Dhiigu waxaa uu ka koobanyahay unugyo kala duwan sida kuwa cadcad, kuwa cascas, iyo xinjiraha. Qaybta dareeraha ah ee dhiiga ayaa loo yaqaana plasma. Unugyada ayaa qaybta shaqooyin kala duwan oo faaido u leh jirka. unugyada cas/gaduudan ee dhiiga ayaa qaada ogsijiinta waxayna ka koobantahay macdanta loo yaqaano ”Hemoglobin” HB. Unugyada cad ayaa jirka u qaabilsan difaaca. Waxayna ka hortagaan waxyaabaha jirka soo weerara sida bagteeriyada iyo fayruska. Unugyada loo yaqaan platelets ayaa iyagu jirka u qaabilsan xinjirowga waxayna ka hortagaan in xididadu ay lumiyaan cadad badan oo dhiig ah. Hadii uu dhaawac gaaro xididada sida shilalka oo kale waxaa loo baahanayaa awood ama xakamayn ka balaaran tan ay qabtaan unugyada platelets.

Dadka qaar ayaa lagu shubaa unugyada ay sida khaaska ugu baahanyahan yihiin iyadoo ay mar walba la socoto dareeraha plasma. Hadii dhiig lagu shubo qofka waxaa macnaheedu yahay in bukaanku ama qofka u baahan dhiig shubidu uu helay cadad ugu yaraan ku filan si xubnaha jirkiisu ay u helaan ogsijiinta iyo macdan.

Dadka qaba boogta alsarka waxaa ku dhici kara dhiigbax, kaasoo lagu arki karo saxarada ama mataga. Dhiig baxaan ayaa noqon kara mid halis ah, waxaana uu qofku noqon karaa mid ay lasoo darsaan xaalado ay kamid yihiin suuxdin, waxaana lagama maarmaan noqonaysa in dhiig lagu shubo. Sidoo kale dadka ay balaartaan xidida veynis-ka loo yaqaano ee uurku jirta ayaa iyaguna ladarsi kara dhiigbax waana muhiim inay helaan dhiig ku shubid hadii ay gaaraan heer ay soo baxaan calaamadaha dhiig yarida sida wadna garaac.

Sidee loo doortaa dhiig bixiyaha?

Qofka bixinaya dhiigga ayaa waxaa laga rabaa inuu buuxiyo dhawr shuruudood oo muhiim ah. Sharuudahaan ayaa ah kuwo looga hortagayo si uusan u dhicin wax khalad ah ama khatar ah. Waxaa looga baayanyahay dhiig bixiyaha inuu buuxiyo qodobadaan hoos ku qoran

  • Inuu u dhaxeeyo 16 ilaa 60 sanadood
  • In culayska jirkiisu uusan ka hoosayn 45kg
  • In hadadka HB giisu aysan ka hooseyn 12.5g/dl
  • Inuusan lahayn wax xumad ah ugu yaraan 2 asbuuc
  • In caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay
  • Inuusan qaban wax xanuun ah
  • Inay isku dhiig yihiin qofka uu dhiiga u shubayo ama uu leeyahay deeq bixiyaha guud sida nuuca OW.

Dumarka ayaan lagula talin inay sameeyaan dhiig shubid, maadaama ay bilwalba helaan caadada. Dhiiga ku dhuma caadada ayaa cadadkiisu kala duwanyahay waxaana sidoo kale loo tix galiyaa dumarka in dhiigoodu uu ka yar yahay kan ragga.

Waa maxay khataraha ka dhalan kara

Inkasto oo dhiig ku shubidda laga taxadaray ay faaido u leedahay qof dhiigiisu hooseeyo, hadana waxaa jira in mararka qaar ay ka dhalan karaan xaalado caafimaad. Dad badan oo lagu shubay dhiig ayaa waxaa lasoo darsay xasaasiyad taasoo uu baahan in si gooniya loola tacaalo. Waxaa kale oo qofka lasoo darsi kara qandho, maadada”Iron” oo ka badata jirka, hadiisan uu caafimaad qabin dhiiga lagu shubay waxaa ka dhalan kara xanuuno sida kuwo la isku gudbiyo oo uu ka mid yahay xanuunka dilaaga ah ee AIDS iyo sidoo kale cagaarshaw.

Dhakhtarka ama kalkaaliyaha ka masuulka ah qofka lagu shubayo dhiigga ayaa laga rabaa inay si wanaagsan uga warqabaan, waana inay mar walba ogaadan waxa ku cusub qofka sida xumad ama xasaasiyad. Cunada iyo cabida biyaha waa mid mar walba ay haboontahay in lagala tashado dhakhtarka maadaama ay kala duwanaan tahay cadadka dhiig ku shubid ee qof walba u baahnaan karo.

Dadka dhiig bixiyayaasha ah waxaa lasiiyaa cabidaan badan iyo nafaqo soo celin karta cadadkii dhiiga ee ay bixiyeen, waxaana mar walba muhiim ah inay nastaan oo aysan samayn wax la xariirta jimicsi ugu yaraan 48 saacadood.

Talo:

Hadii aad tahay kalkaaliye ama Dhakhtar waa inaad la socotaa xaalka uu wajihi karo qofka markii lagu shubo dhiiga. Waana in sifiican looga taxadaro qofka bixinaya dhiiga, Hadii aad tahay qof raba inuu dhiig ku deeqo qof kale oo muslim ah, waxaad ogaataa iney jirto cadad aan laga badin karin inta aad deeqi kartid, sidoo kale in dhiig la shubo waxay lee dahay faaidooyin qaar, waxaana ka mid ah in dhuuxa uu sameynayo dhiig cusub oo fresh ah, dhiig aad shubtidna waa mid kugu soo kabmi karo muddo gaaban.

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *