Dhiig Karka Xiliga Uurka

Dhiig karka xiliga uurka waa xaalad halis ah balse qariib ah taasoo sababta qalal xilliga uurka.

Qalalkaas waxaa keena isku dhex yaac ku yimaada maskaxda xiliga uurka taasoo keenta wareer, rabsho, dagaal iyo waliba maahsanaan.

Dhiig karka xilliga uurku waxay ku dhacdaa dad aad u tira yar qiyaas ahaan waxay kudhici kartaa 1% wax kayar waana sababta aan u dhahnay waa xaalad qariib ah.

Sababaha dhiig karta xiliga uurka

Xaalada loo yaqaano “Eklampsiya” (Eclampsia) waxaa kahoraysa xaalad kale oo ka yara sahlan oo loo yaqaano Preeclampsia taasoo ku dhacda dumarka uurka leh, preeclampsia waxay kaga duwantahay tan hore malahan calaamadaha aan soo sheegnay, waxaana lagu yaqaanaa cadaadiska dhiiga oo yara kaca marka gabadha uurka lihi kujirto isbuuca 20aad.

Dhakhaatiirtu ilaa hada si toosa uma ogaan sababta dhabta ah ee keenta preeclampsia balse waxaa jira waxyaalo loo malaynayo inay ka danbeeyaan xaaladan. Waxaa kamid ah;

  • Cadaadiska dhiiga oo siyaada: preeclampsia ama dhiig karka xiliga uurku wuxuu sababa in cadaadiska dhiigu uu siyaado, kadibna wuxuu gaaraa heer uu cadaadiskaas ku dhaawici karo xididada dhiiga qaada ee jirka. Dhaawacan wuxuu yareynayaa dhuunta ama tuuubada xididada dhiiga qaada, sidoo kale waxaa barar ku imaanayaa qayb kamid ah xididada dhiiga u qaada xubnaha muhiimka ah sida maskaxda. Hadaba hadii bararka ku yimid xididada maskaxda uu wax yeeleeyo awooda maskaxda iyo shaqadeeda caadigaa waxaa dhacaya qalal ama in qofku isku soo kogo.
  • Kaadida oo ay soo raacaan borotiin (proteinuria): dhiiga karka xiliga uurku wuxuu saameeyaa shaqada kilyaha, waxaana lagu gartaa kaadida oo uu soo raaco borotiin.  Taasoo ah calaamad muujinaysa in kilyaha uu dhaawac soo gaaray. Caadi ahaan kilyaha waa ay ka filtar gareeyaan kaadida si borotiin uusan usoo raacin, calaamadaha lagu garto in dhaawac xaga kilyaha ay jiraan waxaa ka mid ah, kaadida oo laga helo borotiin.

Yaa qatarta ugu jira dhiig karka xilliga uurka?

Dadka la oran karo waxay halis u yihiin inay xaaladan lasoo daristo waxaa kamid ah

  • Dumarka horay u qabay dhiig karka caadiga ah
  • Gabdhaha badanaa qaba madax xanuunka
  • Dumarka da’doodu ka wayntahay 35 sano
  • Dumarka da’doodu ka yartahay 20 sano
  • Gabdhaha mataanaha caloosha ku sida
  • Gabdhaha markaas leh uurkoodii koowaad
  • Dumarka nafaqo daridu hayso ama cunto xumidu hayso
  • Dumarka qaba cudurka sonkorowga ama qaba cudurada xididada dhiiga ku dhaca

Waa maxay astaamaha?

Xaaladan waxay leedahay calaamado lagu yaqaan, sidoo kale waxaa jiri karta in calaamadahan qaarkood ay keeeneen cuduro kale oo awal bukaanku qabay ama hadaba ku cusub, sidaa daraadeed waxaa fiican inaad dhakhtarkaaga la tashatid si loo ogaado waxa jira.

Astaamaha dhiig karka xiliga uurka waxaa kamid ah;

  • Wajiga iyo gacmaha oo barara
  • Madax xanuun
  • Cayil siyaado ah
  • Lalabo iyo matag
  • Araga oo daciifa
  • Kaadida oo dhibta bukaanka
  • Qalal
  • Miyirka oo daboolma
  • Murqo xanuun

Dhiig karka xiliga uurka iyo dhibka uu u gaysto ilmaha uur jiifka ah:

Dhiig karka xiliga uurku wuxuu saameeyaa ibida ama mandheerta, saan ognahayna mandheertu waa xubinta ilmaha u qaabilsan nafaqo gudbinta iyo quudinta gaarka ah. Hadaba marka cadaadiska dhiiga hooyadu siyaado waxaa yaraanaya dhiiga maraya mandheerta taasoo sababaysa in ilmihii uurka jiifay uu waayo nafaqo ku filan, taasoo sababaysa in ilmahaas uu hadhaw ku dhashto asagoo kayar intii laga rabay ama miisaan ahaan aad uga yar intii saxda ahayd caafimaad ahaan.

Gaba gabadii dhiiga karka xiliga uurka maahan xaalad mar walba sii jiraysa, sida caadigaa xaaladan waxay dhamaataa marka ay gabadhu dhasho, balse hadii ay markaas kadib dhamaan waydo ama dhib kale keento waxaa khasab ah in bukaanka siyaabo kale loola tacaalo.

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *