Sheehan’s syndrome waa xaalad dhiig bax saa’id ah oo dhacda xilliga dhalmada ama kahor. Xaaladdaan caafimaad ahaad waa mid khatarteeda leh sababtoo ah dhiigga badan ee ka luma hooyada xiliga ay dhalayso waxaa uu u keeni karaa khataro caafimaad sida inuu yaraado dhiiga maraya hab wareega jirka.
Yaraanshaha dhiiga ayaa keeni kara in unugyada ama xubnaha jirka aysan wada helin dhiig ku filan kaasoo u keena ogsijiin iyo macdanada kale, kana qaada waxyaabaha wasaqda ah ee jirku soo saaro sida karbon dhayogsayd.
Xaaladaan ayaa ah mid timaada marka qanjirka loo yaqaano bituwitari uu soo saari waayo hormoono xadi saxan ah ama dhamaystiran. Xaaladdaan ayaa ku yar wadamada horumaray, waxaana aad ay ugu badan tahay wadamada hada soo koraya.
Maxaa sababa?
Inkastoo la tuhunsanyahay inay jiraan qodobo badan oo ka qayb qaata imaanshaha xaaladdaan, hadana waxaa si cad loo ogyahay in dhiig baxa saa’idka ah ee ku yimaada hooyada xilliga dhalmada uu saamayn ku yeesho soo saarida hormoonada ee qanjirka bituwitari. Sidoo kale waxay xaaladani imaan kartaa markii uu aad u hooseeyo cadaadiska dhiiga.
Qanjirka bituwitari (pituitary) ayaa ah midka maamula inta badan qanjirada kale ee jirka ee soo daaya hormoonada.
Tusaale hadii loo baahan yahay in la siyaadiyo ama la yareeyo hormoon waxaa fariin u diraya bituwitari qanjirka ay quseyso inuu soo daaya ama yareeyo hormoonka.
Hadii ay yaraadaan hormoonada fariimaha sida ee ka imaanaya qanjiraka bituwitari, waxaa yaaranaya shaqada kale ee ay qaban laahaayeen qanjirada kale ee jirka, taasoo waxyeelo ku keenaysa shaqada jirka.
Xaalad kasta oo keeni karta dhiig bax saaid ah ama cadaadiska dhiiga oo aad u hooseeya xilliga dhalmada sida cilado kajira mandheerta, ama in hooyadu ay uurka ku sido caruur mataano ah waxay siyaadinaysaa fursadaha uu ku dhici karo dhiigbax xilliga dhalmada.
Waa maxay astaamuha?
Astaamaha iyo calaamada ayaa ah kuwo soo baxa waqti kadib markii hooyadu la daristo xaaladdaan, waqtigaan ayaa noqon kara billo ilaa sanad.
Maadaama bituwitari uu yahay qanjir kontoroola qanjirada kale ee jirka, hadii xanuun ku yimaada sida dhiigbax waxaa yaraanaya soo saarida hormoonada ee qanjirada kale. Astaamaha iyo calaamadaha inta badan lagu arko dadka la nool xaaladdaan caafimaad waxaa kamid ah
- Hooyada oo ay ku adagtahay ama aan awoodin inay ilmaha naaska nuujiso sababtoo ah caanaha ka imaanaya naaska waxaa soo dayntooda ka masuul ah hormoonada loo yaqaano ogsitosin iyo borolaktin kuwaasoo soo saaridoodu aysan macquul ahayn hadii uusan qanjirka bituwitari soo daynayn hormoonada maamulla qanjirada kale,
- Timaha loo yaqaano bisqinta/shuunka oo aan lagu arag dadka qaba xaaladaan. Shaqada maskaxda oo yaraata, hooyada oo miisaan badani ku kordho, daal, cadaadiska dhiigga oo hooseeya iyo xiisaha loo qabo galmada oo guura ayaa ah astaamo inta badan lagu arko dadka qaba sheehan’s syndrome.
Sideee looga hortagi karaa
In si fiican loola tacaalo hooyada xiliga ay dhalayso loona diyaariyo qalabka dhiigjoojinta ayaa ah qodob aad u muhiim ah oo looga hortagi karo dhiigbaxa xiliga dhalmada. Sababta uu ugu badan yahay wadamada soo koroya ayaa ah in dumarka wadamadaas ku dhaqan ay ku umullaan guryaha taasoo keenaysa inaysan helin daryeel caafimaad.
Mala daaweyn karaa?
Xaaladdaan ayaa ah mid khatarteeda wadata hase yeeshee waxaa jira fursado lagu daweyn karo. Inta badan waxaa la adeegsadaa daweeynta loo yaqaano hormone therapy. Daawadaan ayaa ah mid hooyadu qaadanayso waqti aad udheer.
Talo:
Isbitaalada oo lagu dhalo ayaa ah arin aad u wanaagsan, waxayna yarayn kartaa heerka dhiigbaxa hooyada, inta badna hooyooyinka soomaalidu waxay door bidaan guryaha taasoo wadan karta khatar caafimaad. Waxaa wanaagsan in laga warqabo lana ogaado xiliga foosha lana geeyo isbitaalka hooyada foolanaysa.