Dhibta Loo Mari Karo Socodsiinta Fikiradaha Cusub, Dhakhtarkii Faraxalka Awgii Loo Ciqaabay!

Ignaz Philipp (1818 – 1865) oo u dhashay dalka Austria waxa uu ahaa dhakhtarkii taariikhda reer galbeedka ugu horreeyey ee xaqiijiya in nadaafadda gacmuhu ay qayb weyn ka qaadato caafimaadka qofka. Fikirkaas oo uu isku dayey in uu ku fuliyo dhakhaatiirtii ka hawlgelaysay Cisbitaal Dhalmada ahaa oo uu ka shaqaynayey. Sida oo kale waxa uu curiyey isku dhiska kiimikaad ee Calcium hypochlorite (Bleaching Powder) oo kaalin weyn ka qaatay nadaafadda gacmaha.

In kasta oo gacma dhaqashada dhakhaatiirta ee uu soo jeediyey ay yaraysay faafitaankii jeermiska ee dhimashada keeni jiray, haddana arrintani waa ay u qudh-qudhsami weyday xeeldheereyaashii cilmiga iyo dhakhaatiirtii xilligaas joogay. Waxa aanu fikirkiisani abuuray cadho badan.

Ignaz Philipp markii uu ka hawlgalay cisbitaalka Vienna waxaa ka jirtay arrin ay dhakhaatiirtu u maaro la’aayeen. Waxa uu cisbitaalku lahaa laba qaybood oo Dhalmada ah, midkood shaqaalaha ka hawlgalaa waxa ay ahaayeen dhakhaatiirta ragga ah iyo ardaydooda, qaybta kalana dumar umulisooyin caadiya ah ayaa ka shaqaynayey. Mucjisada dhacday qaybta ragga waxaa si layaab leh ugu badnayd xaaladaha ah in dumarka umulaya uu ku dhaco xanuun ah dhiiggooda oo sumoobayey ama jeermis sadhaynayey, hooyooyin badan ayaana ku dhiman jiray. Qaybta dumarka se dhibtaasi kama ay jirin. Arrintani waxa ay abuurtay faham ah in dumarkii aaminaan in dhakhaatiirta ragga ahi ay yihiin sababta cudurkan, waxa aanay xanuunkii u bixiyeen ‘Daacuunka dhakhaatiirta’. Xaaladdu waxa ay gaadhay in dumarka ay diidaan in ay ku umulaan cisbitaalka qaybta raggu ay ka shaqaynayeen.

Ignaz Philipp muddo ayuu daraasanayey waxa jira laakiin xal dhaqso ah ma uu helin, illaa markii dambe nin saaxiibkii ahaa oo dhaawac yari ka soo gaadhay gacanta uu u geeriyooday xanuunkii ‘Sumowga dhiigga’ xilli qalniin lagaga samaynayey cisbitaalka. Markaas ayaa uu Ignaz Philipp gartay sirta; Ragga dhakhaatiirta ahi waxa ay qalniino kala duwan ku samayn jireen maydadka si loo ogaado xaaladda dhimashada, laakiin dumarka iyagu umulisooyin keliya ayaa ay ahaayeen. markaa ragga oo jeermiyadii iyo bakteeriyadii ay gacmahooda iyo guudkoodaba saarantahay ayaa dumarka ay ka dhalinayaan sadhaynayey, sidaas ayaa ay noqotay natiijada uu gaadhay.

Markaas ayaa uu qaatay go’aan ah in dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la shaqaynayey uu ku amray in ay gacmahooda ku maydhaan maaddooyinka jeermiska iyo bakteeriyada dila, ka hor inta aanay qalniin keliya samayn, waxaana markiiba la dareemay hoos u dhac ku yimid tirada bukaankii uu xanuunku ku dhacayey.

Haddaba, haddii uu Ignaz Philipp filayey in guushan cilmi ee uu soo hooyey uu ku kasban doono ammaan iyo billado lagu taxo, taasi ma’ay dhicin ee markii uu xeeldheereyaashii caafimaadka ee Vienna hor dhigay waxaa kaga timid diidmo, xaqiraad iyo in wax macno darro ah loo arko. Intaas oo keliya ma’aha ee waxaaba lagu bilaabay dhaliil iyo weerar, waxaa xitaa laga shakiyey caafimaadkiisa maskaxeed.

Waxaas oo dhan waxa ay dhakhaatiirtu u samaynayeen keliya iyaga oo is leh difaaca sharaftiina ragannimo, waxa ay iska caabbinayeen dhaliisha bulshada dhexgashay iyo naanaysta ah in ay iyagu sababta xanuunkan yihiin, saaxiibkood Ignaz Philipp-na waxa ay u arkeen nin aragtidii dumarka xoojinaya, illaa ugu dambayn lagaba eryey xilkii uu cisbitaalka ka hayey.

Waxa uu ku qasbanaaday in uu iskaga haajiro magaaladii Vienna. Waxa uu tegey Budapest, caasimadda dalka Hungary oo uu shaqo cusub ka bilaabay, laakiin markiiba halkiisii ayaa uu ka bilaabay fulinta aragtidiisii cilmi. Shaqaalihii la hawlgalayey ayaa uu amray in ay faraha dhaqaan mar kasta oo ay bukaan u shaqaynayaan, weliba ay isticmaalaan maaddooyin jeermiska dilaya. Sidii hore oo kale ayaa markanna looga hor yimi, shaqadiina waa laga eryey.

Ignaz Philipp markii shaqadii dambe laga caydhiyey waxa uu galay xaalad dayac ah, cadho aad u badan oo uu ka qaaday sida loola dhaqmay iyo calool xumada ay ku abuureen saaxiibbadiisii cilmiga ayaa sabab u noqday in uu si kakan oo aan gabbasho lahayn meel kasta uga weeraro dhakhaatiirta; dayacaad iyo danayn la’aanta Bukaanka iyo in ay yihiin ‘dhagarqabayaal jaahiliin ah’ ayaa uu ku dhaliilay.

Arrintaas ayaa ay u adkaysan waayeen, waxa ay u arkeen dacaayad dhaawacaysa sumcadda mihnadeed ee ay bulshada ku dhex leeyihiin, sidaas awgeed go’aankoodu waxa uu noqday in ay u maleegaan dhagar saaxadda ka saarta.

Sannadkii 1865 kii ayaa ay ka codsadeen in uu booqdo xarun dadka Xanuunnada dhimirka qaba lagu hayo si uu u qiimeeyo, talana uga dhiibto xaaladdeeda. Markii uu tegeyna hore ayaa loogu tukhaantukhiyey oo koox u diyaarsani ay xoog u adeegsadeen in ay ku daraan dadka Bukaanka ah ee goobta lagu hayo.

Markii uu isku dayey in uu is difaaco waxa lagu sii qiray waallida lagu sheegayo, waxaa lagu xidhay goobaha loogu talagalay dadka xaaladdoodu darantahay ee dhibaatada geysan kara, waxaana la mariyey ciqaabo loo qorsheeyey oo jidh dil badani ka mid yahay.

Muddo aan badnayn oo si adag loo ciqaabay kaddib, Ignaz Philipp si rasmi ah ayaa uu u xanuunsaday, nabar ciqaabtii ka soo gaadhayna waxa uu ku noqday Gaangeri / Teetano (Gangrene).

Nasiibdarro duruufahaas ayaa uu u dhintay, iyada oo dembiga keliya ee uu galay uu ahaa in uu helay masalo cilmiya oo nafaha dadka badbaadinaysay.

Isaga oo 46 sanno jir ah ayaa uu u dhintay sababta ah keliya in uu ka rayi duwanaaday dadkii kale oo weliba ah kuwii cilmiga la bidayey.

Laakiin 20 sanno kaddib geeridiisii ayaa la garawsaday aqoontii uu ku baaqayey. Waxa uu cilmigii qiray muhiimadda caafimaad ee ay leedahay in dhakhaatiirtu ay gacmahooda ka dilaan jeermiska iyo bakteeriyada, ka hor inta aanay bukaan qalin ama dhiiggiisa gaadhin.

Arrinta dareenka lihi waa in Ignaz Philipp uu u dhintay curintan cilmi ee uu doonayey in uu nafaha dadkiisa ku badbaadinayey.

Maantana taallo aan waxba ka tarayn ciilkii uu u dhintay oo muujinaysa muuqaalkiisa iyo sawirka hooyooyinkii iyo dhallaankuu nolosha la rabay ayaa ka taagan Budapest iyo magaalooyin kale oo badan.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *