Dhibta Iyo Dheefta Caafimaad Ee Ku Jirta in Gabadhu Ay Uur Qaado Da’da 40 Jirka Kaddib (Qaybta 2aad)

Saamaynta togan ee uur qaadista da’da 40 jirka ka weyn

Marka khatarahaas laga yimaaddo, waxaa iyaguna jira faa’iidooyin kala duwan oo ay culimada caafimaadku xaqiijiyeen in laga helo uurka haweenka da’doodu ka weyn tahay 40 jirka. Waxaa ka mid ah:

1. Cimri dherer:

Waxa ay warbixintu sheegaysaa, dumarka uurqaada marka ay da’doodu 30 sano jir ka weyn tahay in ay aad ugu dhowdahay in ay ka cimri dheeryihiin haweenka dhiggooda ah ee aan da’daas uur ku qaadin. Haddii aynu si kale u dhigno, in gabadhu ay da’dan uur ku qaaddaa waa calaamad muujin karta in ay ka cimri dheertahay gabadha da’deeda ah ee aan uurqaadi karin.
Cilmibaadhiso hore ayaa lagu ogaaday, dumarka ugu badan ee da’doodu ay 95 sano jir gaadhaa in ay yihiin dumarka uurqaaday iyaga oo ka weyn 29 sano jir.

Waxa uu cilmigu xaqiijinayaa in gabadha 30 jir ka weyn, ee caafimaad ahaan la ogaado in habdhiskeeda taranka / uurqaadistu uu caafimaad qabo, si dabiici ahna u shaqaynayo. In calaamadaha gabowgu ay aad uga raagaan.
Waxa kale oo ay khubarada caafimaadku sheegaan in hooyada oo dhasha carruur saddex ka badani ay tahay calaamad lagu garan karo in ay ka cimri dheertahay hooyada carruur intaas ka tiro yar dhasha ee da’deeda ah ama aan carruur dhalin.

2. Shaqada maskaxda:

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa tilmaamaya in uurqaadista da’weynaantu ay caawiso caafimaadka guud ee gabadha, taas oo inta badan faa’iidadeeda la arko marka ay gabadhu dhaafto da’da uurqaadista ee caado-goyska loo yaqaanno.

Cilmibaadhisaha dheeraadka ah ee arrintan lagu sameeyey waxa ay sheegayaan in uurqaadista da’ weynaantu ay raad fiican oo caafimaad ku leedahay maskaxda hooyada. Tijaabooyinka arrintan lagu sameeyeyna waxa ay ka marag kaceen, dumarka carruur dhalay da’da 35 jirka kaddib. In awooddooda xusuustu ay aad uga sarrayso dumarka da’dooda ah ee iyagu da’ 35 ka yar ku dhalmo joojiyey, ama aan ubadba dhalin. Arrintan sababteeda ayaa ay culimadu la xidhiidhinayaan raadka fiican hormoonnada taranka ee Progesterone iyo Estrogen ku yeeshaan caafimaadka shaqada maskaxda.

3. Awoodda barbaarinta ubadka:

Warbixintu waxa ay sheegaysaa in hooyada ku jirta da’aha Labaatanaadka iyo soddonaadku aanay inta badadn si buuxda ugu wada bislaan waajibaadka barbaarinta ubadka. Marka la barbardhigo hooyada da’deedu ay tahay 40 sano jir iyo ka weyn, oo ay khubarada cilmiga bulshadu tilmaameen in ay u bisishay hooyonimada. Isla markaana awood iyo tamar u leedahay barbaarinta fiican ee ilmaheeda, marka loo eego hooyooyinka da’da yar. Warbixintu waxa ay sheegtay in dumarka ka weyn 40 sano jirku ay leeyihiin tamar iyo dulqaad ka caawinaya in ay ka jawaabto baahiyaha ilmaheeda.

Waxa se xusid mudan in cilmi ahaan la aaminsan yahay in ay adagtahay uurqaadista da’da afartan jirka ka weyni.

4. Dhaqaalaha:

Arrinta kale oo inta badan khusaysa qoysaska ay haweenku qaybta ka yihiin soo saarista dhaqaalaha qoysku, waa in gabadhu marka ay da’da afartan jirka gaadho, inta badan ay tahay gabadh aqoonteedu u soo dhammaystirantahay, isla markaana leh mihnad shaqo. Sidaa awgeed nolosha qoysnimo ee xilligaas u bilaabata waxa ay u helaysaa fursad ka badan ta ay u heli karto marka ay weli ku jirto marxaladda dhismaha aqoonta iyo mihnadda.

Tusaale ahaan afartan jirku waa da’ qofku rag iyo dumarba ku kasbado aqoon iyo waayo-aragnimo shaqo oo fiican, sida oo kalana fursad u helo in uu dhiso il dhaqaale. Dhinaca kalana waa da’ uu qofku waayeelo oo aanay ku badnayn is bedbeddelka nolosha ee ay shaqadu ka mid tahay. arrimahaas oo dhan ayaa la aaminsan yihiin in ay gabadha siinayaan fursad ay waqti fiican ugu hesho barbaarinta ubadka ay da’daas ku bilowdo dhalmadooda.

5. Hooyonimada iyo hiigsiga dhalinyaronimo:

Qodobkan oo dhinac kala xidhiidha isla qodobkii hore, laakiin aad uga sii ballaadhan. Waa in marka ay gabadhu da’ yari ku noqoto hooyo, inta badan uu ku dhaco jaahwareer nafsiya oo la xidhiidha sida ay isu waafajin karto waajibaadka hooyonimo ee ku soo kordhaya iyo ka dhabaynta himiladeedii dhalinyaronimo.

Waxa ay doonaysaa in ay hesho fursaddii ay ku raaxaysan lahayd dhalinyaranimada, oo ay ka mid tahay in ay aqoonteeda dhisto, in ay waayo-aragnimo yeelato, in ay mihnad samaysato, in ay dhaqaale abuurto iyo in ay magac kasbato. Laakiin hooyonimadu waa duni kale oo u baahan tamarta iyo waqtiga la gelinayo intaas aynu xusnay oo dhan. Sidaa awgeed waxaa ay daraasadaha cilmiga bulshadu muujinayaan in hooyada 35 jirka ka yar ay inta badan dhibaato ka qabsato korinta ubadka, laguna arko xaalado nafsi ah oo mararka qaarkood saamayn ku yeesha barbaarinta ubadka. Taas oo ay aad ugaga duwantahay hooyada ka weyn da’da 35 jirka, oo iyada lagu arko farxad iyo raalli ahaanshiyo buuxa oo ay u hayso korinta iyo barbaarinta ubadkeeda. Taasina ay faa’iido badan u leedahay carruurta.

GUNAANAD:

Waxaa cilmi ahaan iyo waayoaragnimo ahaanab xaqiiqo ah uurku da’ kasta oo ay gabadhu ku qaaddaba in uu yahay xaalad gaar ah oo leh saamayn caafimaadka jidhka iyo nafsiga ahba la xidhiidha. Sidaas awgeed waxaa waajib ah in hooyo kastaa ay marxaladda uurka hesho daryeel caafimaad oo gaar ah, iyo ka warhayn joogto ah oo lagu eego xaaladdeeda iyo ta ilmaha ay siddo labadaba.

Waxa kale oo xusuusin ah; in warbixintani aanay ka digayn in hooyadu ay uur qaaddo da’ gaar ah, balse ay tahay baraarujin ay gabadh kastaa u baahan tahay in ay ogaato xalaadaha ku lammaanaan kara uurka iyo barbaarinta ubadka.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *