Waa in ayu mar walba xasuusnaano in wax kasta oo nolosha innagu soo maraa uu yahay fursad aynu ku ogaan karno xaqiiqada nafteenna, isla markaana aynu aqoonsanno in aanay jirin waayo-aragnimo aan faa’iido lahayn, haddii ay ugu liidato waxaa hubaal ah in aynu ka baranayno casharro aynu kala soo baxno, si ay innooga caawiyaan in nolosheenna mustaqbalku ay noqoto mid ka duwan tii aynu soo marnay.
Sheeka-baraleyda iyo filimada Hollywood ee malo-awaalka ah, ayaa lagu arkaa laba qof oo is jecel oo inta ay is calmadaan noloshooda inta hadhay farxad ku dhammaysto. Laakiin, nolosha runta ahi sheekooyinkaas quruxda badan waa ay ka duwan tahay. Waxa ay u badan tahay in jacaylku aanu sidiisaba garowshiyaba ka helin dhinaca kale.
Qormadani oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljasiira waxa ay ka warramaysaa duruufaha nolosheed ee qofku uu la kulmo marka uu la noolaado jacayl aanu dhinaca kale la wadin iyo waxa ay tahay in uu sameeyo, si uu uga adkaado duruufahaas dhibta badan.
Xeeldheere lagu magacaabo Sisal Morasca ayaa warbixin uu sii daayey talefishanka ‘Channel’ ee dalka Kanada’ waxa ay ku sheegtay in inkasta oo ay suurtagal tahay in raggu ay ku dhacaan jacaylka dumarka, oo aanay gabadhu la wadin, haddana runtu ay tahay in haweenku ay yihiin kuwa dhibta ugu badan kala kulma xaaladda jacayl ee aan lala wadin.
Dumarku abuur ahaan ayaa ay u samaysan yihiin dabeecadda ah in ay wax kasta u raadiyaan faahfaahin dheeraad ah iyo in ay u fiirsadaan sida uu ku yimi iyo macneyaasha ku duugan, taasina marar badan waxa ay keentaa in faahfaahinta ay helaan ay noqoto mid iyaga khatar ku keenta. Dhibta haweenka hela waxaa ka mid ah in dhoolla caddayn yar oo ay qofka kale ku aragtay, dhaqaaq dabacsan iyo deymo ama sheeko si gaar ah u dhisani ay sabab u noqon karaan in markaba ay gabadhu u qaadato in ninkaasi uu dareen jacayl u muujiyey, marar badanna ay dhacdaba in iyaduna sida ay ruuxaas uga fikirayso ay marka dambe jacayl run ah u qaaddo.
Caadi ahaan jacaylku qofka uu ku dhaco waxa uu ku beeraa dareen xiisaynaya in uu fasirto oo fahmo macaamilka dhinaca kale, isaga oo weliba ku qiimaynaya sida ay isaga niyaddiisu jeclaan lahayd.
Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in qofka aad jeceshay oo aad ogaato in aanu jacaylkaas kula qabin, ay dhibaato aad u xanuun badan qofka qalbigiisa ku keento.
Marka uu xaalka qofkan oo kale ugu ladan yahay waa marka qofka uu jeclaaday ee kaga baxay ama la wadi waayey u hayo xusuuso aan fiicnayn. Waayo mar kasta oo dareenka caashaq soo laba kacleeyo, maskaxda qofku waxa ay sawiranaysaa ceebaha iyo dhaliilaha ay qofkan u hayso, sidaa awgeed waxa ay isku samirsiinaysaa in aanu ahayn qofkii ku habboonaa in uu jacayl u hayo.
Tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qofku kaga gudbi karo duruufaha adag ee ka dhasha jacaylka lala wadi waayey, waa in uu naftiisa u sameeyo waqti tacsiyeed u gaar ah. Waa hab dadka ku xeeldheer cilmiga bulshadu kula taliyaan qof kasta oo gooya xidhiidh uu qof kale la’ lahaa, xitaa haddii uu yahay xidhiidh bani’aadamnimo oo caadiya.
Waa run in jacaylku uu xusuusta qofka ku sii jirayo muddo, laakiin waxaa muhiim ah in qofku uu naftiisa ugu celceliyo xaqiiqada ah in qofkan uu jeclaa aanu u soo socon, sidaa awgeed ay ku qasban tahay in ay la qabsato duruufaha nololeed ee qofkaas la’aantiisa ah.
Marka aynu fahanno xaqiiqada ah in jacaylka aynu qabnaa uu yahay mid aanu dhinaca kale innala wadin, waxaa qasab ah in aanay maskaxdu helin waqti badan oo ay kaga fikirto dhibta heshay ama ku sawirato maalmihii wanaagsanaa ee qofka aynu jecelnahay aynu la soo wadaagnay.
Waxaa muhiim ah in aynu nafta ku mashquulinno hawlo kale oo u diida in ay hesho firaaqo ay kaga fikirto ruuxa ay jeclayd. Waa run in ay adagtahay in qofka la jecel yahay dhayal lagu illaawaa, laakiin waxaa suurtagal ah in maskaxda laga ilaaliyo in ay hesho waqti ay ku qaadato xusuusta jacaylkaas.
Talooyin wax ku ool ah:
In habeen iyo dharaar dhexdood aynu jacayl kaga bogsannaa, waa arrin ma dhacdo ah. Maskaxdana ku hay in aanay dadku isku mid ka ahayn u nugaylka dhibta ka dhalata caashaqa guulaysan waaya.
Xeeldheereyaasha cilmiga xidhiidhka bulshadu waxa ay kula taliyaan qof kasta oo waaya ruux uu jeclaa, geeri iyo gaabsi midka uu doono ha ku waayo ee, in uu maro tallaabooyinkan:
Oohinta: In qofku mararka qaarkood nafta u fasaxo in ay oohin ku cabbirto culayska nafsiga ah ee uu ka qaaday jacaylka lagaga baxay ama lagu diiday, waxa ay nafta siisaa nafis dheeraad ah iyo in ay aqbasho in qofka ay jeceshay aanu diyaar u ahayn in uu dhibtan oo dhan la qaybsado, sidaa awgeed ay xanuun badan illowdo.
Heesaha iyo filimada: Marar badan dadka xaaladdan oo kale ku dhacdaa waxa ay miciin bidaan dhegeysiga heesaha calaacalka ah iyo daawashada filimada laga jilayo xaalado la mid ah kuwa ay ku jiraan. Waana run in ay xanuunka haya dhaymo u noqon karaan, oo ugu yaraan daqiiqadaha uu daawanayo ama dhegeysanayo uu wax badan ku raaxaysto, laakiin khubarada cilmiga bulshadu waxa ay qirayaan in ay dawashada filimadan ama dhegeysiga heesahani keliya sii hurinayso dareenka laabta qofka gubaya.
Jarista xidhiidhada: Qofka xaaladdani ku dhacdo waxaa lagula taliyaa in uu jaro dhammaan xidhiidhada bulsho ee uu leeyahay, ugu yaraan in uu waqti xaddidan joojiyo. Waa run in ay tahay arrin aan hawlyarayn, gaar ahaan marka qofka jacaylka kaga baxay ama ku diiday uu yahay qof u dhow, sida marka ay isku shaqo, jaamacad ama deegaan yihiin iyo marka ay ehel yihiinba.
Xusuus tirtir: Waxaa fiican in qofku uu iska fogeeyo ama ka takhaluso dhammaan sawirrada, farriimaha, qoraallada iyo shay kasta oo xusuusta jacayl maskaxda ku soo celinaya.
Dib ugu noqon hab fikirkaaga: Waxa ay khuabrada cilminafsigu ku talinayaan in qofka xaaladdani heshaa uu ku dadaalo in uu beddelo hannaanka uu u fikiro, iyo in uu ku dadaalo in xusuustiisa ku riixo in ay ka fikirto arrimo ka duwan kuwa ay marka hore ka fikiri jirtay, sida in uu hawlo cusub bilaabo, in uu safro ama in uu shaqo kale u wareego.
Naftaada waqtgi la qaado: Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in qofka xaalad jacayl lagaga baxo ama lala qaadi waayaa uu ku dadaalo in uu naftiisa u sameeyo waqti gaar ah oo ay kelideed isla shawrto, si uu dib ugu noqdo waxa ka qaldan sida ay naftiisu arrimaha nololeed u kala mudnaysiiso, iyo waxa uu mustaqbalka doonayo.
W/D: Kamaal Marjaan