Marar kala duwan ayaa ay aadamaha soo mareen xanuunno iyo masiibooyin dabiici ah oo ay ku le’deen, dhulkana geysay noloshooda oo dhinac kasta ah. Marka taariikhda dib loo eego xanuunno badan oo aadamaha aqoontooda iyo waayo aragnimadooda ku cusub ayaa dillaacay oo intii dawo iyo tallaal loo helayey gumaaday qaybo badan oo dadka ka mid ah. Laakiin masiibo kasta iyo xaalad kasta oo xanuun waxaa ka dhasha halyeey magac ku hela badbaadinta dadka, kaddib marka uu soo saaro dawo ama tallaal soo afjarta dhibaatada xanuunka.
Dadka sidaas halyeeynimada ku hantay waxaa ka mid ah Louis Pasteur oo bahda saynisku ay ku naanaysto ‘aabihii cilmiga difaaca jidhka’. Waxa uu ku xeeldheeraa cilmiga barashada nolosha iyo noolaha ee ‘Biology’. Waxa aanu baadhis iyo aqoon dheer si gaar ah ugu lahaa arrimaha caafimaadka.
Louis Pasteur waxa uu magaca iyo sharafta gaarka ah ku helay baadhistii cilmiga ahayd ee uu ku sameeyey sababaha keena xanuunka iyo hababka looga hortegi karo, iyada oo xilligaas aanay suurtagal ahayn in cidi garato habka uu u shaqeeyo habdhiska difaaca jidhka aadamuhu, isla markaana aan aqoon loo lahayn kala saarista Fanigaga (Fungi), Bakteeriyada iyo Fayraska, taas oo barashadoodu ay muhiim u tahay fahamka daweyntooda.
Waa kuma Louis Paseur
Dalka Faransiiska ayaa uu ku dhashay dabayaaqadii bishii laba iyo tobnaad ee 1822 kii. Waxaa dhalay aabo danyar ah oo ahaa askari sida oo kalana si uu nolosha carruurtiisa u bixiyo ku shaqaysta dahaadh marinta iyo hagaajinta hargaha la hoodhiyo, si looga faa’iidaysto saantooda. Laakiin waxa uu ahaa hawlkar ka soo baxay labadaas shaqo ee dhibta badan, oo uu ta hore ee askarinimada ah billad sharaf ku qaatay xilligii dagaalkii Napoleon Bonaparte.
Louis waxa uu ahaa wiil yaraantiisiiba ay ka muuqatay maskax badnaantu, waxa aanu goor horeba xariif ku noqday sawirka iyo midabbaynta. Shan iyo toban jirkiisii waxa sameeyey sawirro farshaxan aad u qurux badan ah, oo uu ku xardhay qaybo ka mid ah sawirrada qoyskiisa iyo saaxiibbadii. Kuwaas oo illaa maanta yaalla hoyga hiddaha iyo dhaqanka ee magaalada Paris.
Nolosha saboolnimo iyo waqtiga adag ee la joogay, haddana aabihii kama ay reebin in uu wiilkiisa kula dadaalo waxbarashada. Sannadkii 1840 kii ayaa uu Louis dhammaystay shahaadada koowaad ee waxbarashada jaamacadda. Waxa uu shahaadada ku qaatay cilmiga farshaxanka iyo suugaanta oo ah labada arrimood ee yaraantiisiiba la dareemay hibada uu u leeyahay. Laakiin intaas kuma uu joogsan, ama waalidkii kulama uu kaaftoomin, balse waxa kale oo uu bilaabay waxbarasho jaamacadeed oo dhinaca cilmiga ah. Laba sano kaddib shahaadadaas hore ayaanu mar kale dhammaystay shahaadada koowaad ee barashada jaamacadda oo markan ah Saynis. Louis halkaas ayaa uu ka sii waday waxbarashadii oo sannadkii 1847 kii uu qaatay shahaadada sare ee ‘Doctorate’ oo uu ka qaaday jaamacad lagu amgacaab kuliyadda sare ee macallimiinta oo ku taallay magaalada Paris.
Louis waxa uu dhowr sano ka shaqaynayey cilmibaadhisaha iyo macalinnimo uu wax kaga dhigi jiray mid ka mid ah dugsiyada saree e Paris. Sannadkii 1868 kiina waxa uu u dallacay macalinnimo jaamacadeed oo uu cilmiga Kimistariga ka dhigi jiray jaamacadda magaalada Strasbourg oo ku taalla woqooyiga bari ee dalka Faransiiska.
Louis intii uu jaamacaddaas macallinka ka ahaa waxa uu guursaday Maria Lauran oo uu dhalay guddoomiyaha jaamacaddu. Waxa aanay dhaleen shan carruur ah.
Shanta carruur ah saddex ka mid ah ayaa uu dilay xanuunka Tayfoodhka (Typhoid) loo yaqaanno. Dhimashada carruruta arrinta kaga xanuunka badnayd waxa ay ahayd in xanuunkan aan waqtigaas loo hayn wax dawo ah oo lagula tacaalo dadka uu ku dhaco. Isla markaana aanay jirin tallaalo lagaga hortegi karaa. Xaaladdaasi waxa ay Louis ku dhiirrigelisay go’aan ah in uu baadhis cilmiya ku sameeyo xanuunkan iyo siyaabaha dadka looga badbaadin karo. Laakiin aanu xanuunkan ku koobnaan ee sida oo kale uu baadho guud ahaan habka uu jidhka aadamuhu isaga difaaci karo fayraska, bakteeriyada iyo jeermiyada.
Toddobaatanaadkii qarnigii 19naad ayaa uu Louis Pasteur ku guulaysatay aragtidiisii salka u noqotay cilmibaadhisaha lagu ogaaday tallaalo kala duwan. Inkasta oo ay saynisyahanno badani ka hor yimaaddeen, isla markaana hay’adda caafimaadka ee dawladda Faransiisku ku qanci weyday. Haddana Louis Pasteur waxa uu ku adkaystay kuna guulaystay in uu horumariyo nidaam guud ee tallaal, kaas oo ka qaybqaatay aasaaska cilmiga iska difaaca cudurrada faafa ee kala duwan.
Louis Pasteur waxa uu tallaadan ku helay aragti ay dhinacyada kale oo dhami khatar u arkayeen balse markii dambe midho dhal noqotay, taas oo ah in qofka jidhkiisa lagu beero cudur-sidaha xanuunka laga tallaalayo, oo laakiin la dilay ama la daciifiyey awooddiisa. Kaas oo marka uu jidhka aadamaha galo sabab u noqonaya in jidhku dagaal geliyo habdhiskiisa difaaca, si uu isaga saaro xanuunka soo galay.
Dagaalkaas habdhiska difaaca ayaa ah in uu soo saaro dheecaanno iyo maaddooyin lid-jidh-gale ah oo ku habboon nooca xanuunka qofka lagu beeray oo ah kan laga tallaalayo. Dagaalkaas kaddib jidhku waxa uu hawlgelinayaa qaybta xusuusta difaaciisa. Taas oo ka caawinaysa in habdhiska difaaca jidhku uu baraarugo, dhaqsana uu u xasuusto habkii uu xilligii tallaalka samaystay ee uu kula dagaalamay jeermisyada, bakteeriyada iyo Fayraska ama walax kasta oo noocan laga tallaalay la xidhiidha, si fudud ayaanu u dilaa.
Dadaalkaas bilowgii lagu diiday Louis waxa uu ugu dambayntii keenay natiijadii uu muddada dheer ka shaqaynayey ee ahayd in uu tallaal u helo xanuunka ubadkiisa dilay ee Typhoid iyo xanuunno kale. Iyada oo dhinaca kalana habkan uu maray uu noqday dhabbe uu jeexay oo aasaas u noqda habka ay tahay in tallaal loo sameeyo iyo xeerarka lagu dhisayo.
Natiijooyinka kale ee uu Louis cilmibaadhisihiisa ku helay waxaa ka mid ahayd; sababta khamiirka ama dhanaanka ku keenta asiidhka sharaabka miidka khudradda ah, ama caanahuhu in ay tahay noole ili maqabatay ah oo bakteeriya ka mid tahay oo ku dhalanaya.
Waxa kale oo uu sannadkii 1862 kii markii ugu horreysay taariikhda ogaaday in dareeraha oo la kariyo kaddibna dib loo qaboojiyaa ay dilayso bakteeriyada. Habkan oo isaga loogu magac daray ayaa loo bixiyey Pasteur.
W/Q: KAMAAL MARJAAN