Dhawr Sababood Oo Aad Uga Libin Gaadhi Karto Wax Kaste Oo Aad Jamato

-Weligaa fadhiga haku sugin; dhanka waxaasi kaa jiro u soco. Noloshu waa dalab iyo qaadasho keliya.

-Garo qiimaha waxa aad rabto; kedibna si bilaa maagmaag ah u bixi qiimahaa. Gorgortan ma leh.

-Sii ahmiyadda koobaad; ka horaysii waxyaabaha kale oo dhan.

-Garasho fog u lahaw oo aad ugu faradhuudhuubnaw. Akhri, dhagayso oo daawo macluumaad ku saabsan marwalba.

-Ka sheekee oo abuuro jawi maskaxeed ku aaddan waxaas ad rabto.

-La saaxiib dadka ku talax tegay guulana ka gaadhay waxaa ad rabto oo ka ag dhawaw meelaha u ehelka ah.

-Rajee in uu kuu dhabaabayo waxaasi. Aammin in aad u qalanto helidiisa. Weligeed suurogali mayso helida wax aadan aaminsananayn in aad u qalanto.

-Ku seexo oo kusoo toos. Layli oo maskaxdaada ku shub barnaamijka waxaa ad rabto. Isku akhri mararka aad toosto iyo mararka aad sii seexanayso; labadaa jeer ayay maskaxdu ugu wax qaadasho og tahay (receptive).

-Eebbe -swt- talada uga hadh marka aad dedaalkaaga bixiso. Isaga talasaaro oo bari in uu kuu hirgaliyo waxaas. Isaga la’aantii waxba ma hirgalaan e.

W/Q: Mohaned Omer

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *