Dhallinyaro, dhaqanku wuu ka mug iyo miisaan culus yahay, kana ballaadh iyo baaxad wayn yahay dhaanto, labo go’ oo cad cad iyo xoogaa agab-guriyeed ah oo madal lagu soo ban-dhigo. Dhaqanku, waa koobaha wax wal oo aynu wadaagno. Waxaa hoos yimaadda oo uu dallad u yahay is-dabayaalkii farsamo, fikrado, funuun iyo farshaxan ee soo taxnaa tan iyo intii aynu soo jirnay.
Waxaynu leenahay dhaqan guur, dhaqan gareed, dhaqan dhaqasho, dhaqan beerasho, dhaqan farsamo, dhaqan barbaarineed, dhaqan marti-soor, dhaqan is-maamul, dhaqan colaadeed, mid nabadeed iyo boqollaal kale oo mid ba goonnidii u baahan in buugaag laga qoro. Waxaynu leenahay xeerar boqollaal ka badan oo ay soomaalidu kusoo dhaqnayd kummanaan sano. Xeerarkaa waxa ka mida: xeer guud, xeer guur, xeer ergo, xeer xoolaleey, xeer beeraley, xeer colaadeed, xeer mageed, xeer ugaadheed, xeer fardooleey, xeer biri-ma-gaydo (7-da xurmadda mudan) iyo boqollaal kale oo mid ba gaarkii usii kala qaybsamaya. Waxaynnu leennahay af guuna oo lagu qiyaaso in uu ka kooban yahay 2 illaa 3 malyan oo eray, sidaa daraadeed na uu ku noqday mid ka mida saddexda af ee dunida ugu hodansan.
Waxaynu leenahay suugaan ay miiddu ka da’ayso. Marka laga reebo gabayga, geeraarka, guurowga, masafada iyo buraanburka, godka heesta ama jiiftada kaligeed baa waxaynnu u leennahay in ka badan 300 oo ciyaar dhaqameed. Ka warran haddii ay dhallinteennu kaliya ka taqaan dhaanto iyo dhowr kale?
Dhallinyaro, dhaqanku waa baadi-soocdeenii. Aynnu baranno dhaqankeenna, oo aynu wax ka waydiinno inta innaga waawayn. Mar hadduu dhaqanku yahay baadi-soocdaada, wax ka ogaanshihiisuna waxay ka dhigan tahay wax ka ogaansha qofka aad tahay. Mahadsanidiin.
W/Q: Mubarak Hadi