Dhalaanka Oo Si Deg Deg Ah U Saqiira (Infant Death Syndrome)

Dhimashada deg dega ah ee ilmaha yar yar (Infant Death Syndrome) waa mid badanaa ku dhacda dhalaanka da’doodu u dhaxayso 2-3 bilood, waa xaalad aan sharaxaad badan laga bixin badanaa, waxay badanaa ku dhacdaa si deg deg ah ama kadis ah taasoo saamayn wayn ku yeelata waalidiinta ilamaha dhalay. Xaaladan waxay badanaa dhacdaa marka ilmuhu hurdaan, ilma yar oo waalidkiisu seexiyeen asagoo caafimaad qaba ayaa laga yaabaa hadhaw markay damcaan inay quudiyaan ay ku baraarugaan geeridiisa taasoo maskax ahaan waalidka saamayn ku reebi karta.

Inkastoo aan si sax ah loo ogayn waxa sabbaba saqiirida dhalaanka yar yar, hadana waxay u muuqataa in qayb kamid ah maskaxda ilmaha yar ay wax ka qaldameen sida qaybta neefsashada ama qaybta qaabilsan kasoo kicida hurdada.

Maxaa sabbaba saqiirida dhalaanka

Qodobo isku dhaf ah oo ay ugu xoog badan yihiin kuwa khuseeya deegaanka uu ilmuhu ku noolyahay, hurdada iyo caafimaadka jirka ilmaha ayaa sababa saqiirida dhalaanka.

Qodobada saameeya caafimaadka jirka ilmaha:

  • Dhibaatooyinka maskaxda ilmaha, caruurta yar yar qaarkood waxay ku dhashtaan xanuuno maskaxeed kuwaasoo sahal uga dhigaya ilmaha inuusan waqti badan noolaan. Ilmaha qaarkood waxaa dhibaaato kahaysataa qaybaha maskaxda ee xukuma neefsashada iyo hurdo kasoo kicida.
  • Ilmaha oo ku dhasha miisaan yar, hadii ilmuhu ku dhashto miisaan yari waxay dhibaato ku keeni kartaa koriimada jirka ilmaha sida koriimada maskaxda iyo qaybaha kale ee muhiimka ah. Taasoo ugu danbyan ilmaha ku keeni karta dhimasho deg deg ah.
  • Hab dhiska neefsashada ilmaha oo infekshin soo weeraro: ilamaha badanaa saqiira waxay bilowgeedii hore waalidkoodu ku arkeen hargab iyo cabbur taasoo ay keeneen infekshino soo weeraray jirkooda taasoo sabab u noqota geeridooda.

Qodabada saameeya hurdada iyo gogosha uu ilmuhu ku seexdo

Gogosha ilmuhu ku seexdo ama qaabka ilmaha loogu seexiyo sariirtiisa ayaa saamayn wayn ku yeelata caafimaadka jirkiisa.

  • Ilmaha oo loo seexiyo beer beer ama dhinac dhinac: hadii ilmaha la seexiyo ayadoo calooshiisa hoos la marinayo ama dhinacyada loo jiifiyo waxay khatar wayn ku keeni kartaa caafimaadka ilmaha. Waxaa fiican in dhalaanka loo seexiyo dhabarka.
  • Ilmaha oo lagu seexiyo firaash ama gogol aad u jilicsan: hadii ilmaha yar lagu seexiyo meel aad u jilicsan waxay ilmaha ka xiri kartaa neefsashada, waxayna sabab u noqon kartaa dhimashadiisa. Sidoo kale ilmaha la huwiyo buste, ee korka laga saaro waxay ka xiri kartaa hawada.
  • Imaha oo waalidkiisa hal sariir la wadaaga: in ilmaha iyo waalidku hal sariir wadaagaan waa shay khatartiisa leh, sababtoo ah waxaa laga yaabaa in  waalidku hurdo culusyahay sidaa daraadeed maryaha hooyadu huwantahay ayaa ilmaha neefta ka xiri kara ama hooyada laftirkeeda ayaa isku soo rogi karta ilmaha ayadoo aan ogayn taasoo keeni karta in ilmahuhu neefsasho la aan u dhinto.

Dhalaankee halis ugu jira saqiiridda?

Inkastoo ilma kasta ay xaaladan ku dhici karto hadana waxaa jira caruur halis gaara ugu jira inay yaraanta ku dhintaan. Waxaana kamid ah;

  • Wiilasah: wiilashu waxay ku jiraan halis kabadan tan gabdhuhu ugu jiraan inay saqiiraan.
  • Da’da ilmaha: ilmaha da’doodu u dhaxayso 2-3 bilood  ayaa ah kuwa halista ugu badan ugu jira inay saqiiraan.
  • Dhacdooyin soo laa laabtay oo qoska horay ugu so dhacay ayaa sidoo kale ka dhigi kara mid halis ah, hadii qoyska horay ilma uga soo saqiireen waxaa wali jiri kara halis ah in ilma kale ka saqiiraan, maadaama sabbabta keentay aysan cadayn.
  • Ilmaha la nool dadka sigaarka cabba: ilmaha la nool dadka sigaarka caba ayaa halis wayn ugu jira inay saqiiraan. Maadaama sigaarku halis ku yahay caafimaadkooda.
  • Ilmaha dhiciska ah: ilmaha dhashta waqtigiisa kahor wuxuu halis wayn ugu jiraa inuu yaraanta ku saqiiro maadaama uu ifka yimid asagoo aan koriimadiisu dhamays tirmin.

Sidee looga hortagi karaa xaaladan

Sida diinteena suubani inoo cadaysay dhimashadu maahan wax qofna ka hortagi karo, waa xaalad dabiici ah oo qof walba sugaysa. Balse waad caawin kartaa ilmahaaga sabbabna waad u noqon kartaa bad baadadiisa adoo raacaya qodobadaan soo socda:

  • U seexi ilmahaaga dhabar dhabar tani waxay ka khaatr yartahay in ilmaha loo seexsho caloosha ama dhinacyada. Marka ilmuhu soo tooso wax dhib ah kuma jiraan inuu sidii la rabo loo seexsho, isku day inaad qodobkaan si taxadar leh u qaadatid waayo waa muhiim in ilmaha dhabar dhabar loo seexsho.
  • Ku seexi ilmahaaga sariir ama firaash adag oo aan buush buush ahayn, iska ilaali inaad birkin ama qalabka caruurtu ku ciyaarto ku ilowdidi sariirta ilmaha.
  • Iska ilalai inaad ilmaha dusha ka saartid buste, bustaha ama marada aad ilmaha huwinaysid hoosta ka gali furaasha si uusan ilmuhu sanka iyo afka iskaga daboolin, kadib inta soo hartay huwi ilmaha, markaas ilmuhu ma awoodo inuu soo wada duu duubto bustaha.
  • Seexi ilmaha kaligiis, tan micnaheedu maahan in ilmaha kaligiis qol gaara la seexiyo waxaan ula jeedaa sariir gooniya ku seexi ilmaha. Sababtoo ah sariirta dadka waawayn maahan mi ilmaha lagu hakayn karo. Wuu ka dhici karaa cunuga sariirta wayn ee dhinacyada ka furan, Sidoo kale ilmuhu wuxuu madaxa ka gali karaa birkimaha hoostooda taasoo neefta ku dhajin karta cunuga.
  • Nuuji naaska ilmahaaga, tani waxay yarayn kartaa infekshinada ilmaha ku dhaca waxayna ka qayb qaadan kartaa koriimada iyo caafimaad qabka cunuga.

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *