Haweenay ayaa u timi Dhakhtar, iyadoo ka welwelsan dabeecada odaygeeda oo aad u kululaatay.
Dhakhtarki ayaa su’aalay: “Waa maxay dhibta jirta?
Haweenaydi ayaa tiri: “Ditoore, ma garanayo waxaan yeelo. Maalin kasta markaan wax yar doodno ninkayga waxaa ku siyaada caro sabab la’aan. Aad bayna ii baqdin gelisaa.”
Dhakhtarkii ayaa yiri: “Dawo ayaan u hayaa taa. Goortii ay u muuqato in ninkaagu caroonayo, soo qaado koob biyo ah afka ka buuxso ka dibna ku hay afka sidi qof ku luq-luqanaya, ha tufin hana liqin ilaa uu ka tago ama seexdo.”
Bil ka dib ayay haweenaydi ku soo noqotay Dhakhtarki iyadoo yiditiilo iyo farxad ka buuxdo. Waxayna ku tiri, “Ditoore, Alla maxaad fikrad cajiib ah i siisay. Mar kastuu bilaabo inuu aad u sii caroodo, biyahaan afka buuxsanayay kuna haynayay ilaa uu xanaaqa ka baaba’o.
Waxaan la yaabahanay sidee koob biyo ah sidaa u sameyn karaa?
Dhakhtarkii ayaa ugu jawaabay: “Biyaha waxba ma sameyn. Inaad afkaaga xirato ayaa farsamada iyo xeelada keentay!!
Hadaan toos kuu oran lahaa afkaaga xiro ma aadan yeesheen”