Dhabar Xanuunka & Suxuunta Lafdhabarta: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Bismillah,

Waxaan casharkaan ku qaadaa dhigi doonnaa cillad ka mid ah cilladaha keeno dhabar xanuunka taasoo astaamaheedu ay ka mid yihiin dhabar xanuun siyaado ah markii la foorarsado, la qufaco ama la hindhiso, mararka qaarne xanuunka oo u gudbo barida iyo bowdyaha, lugahane laga dareemo kabuubyo ama qodxo oo kale.

Dhabar xanuunka noocaan ah wuxuu ka yimaadaa cillad lafdhbarta ugaar ah, qofka bini’aadanka lafdhbartiisu waxay ka kooban tahay 33 laf oo afka soomaaliga lagu dhaho “Ricir” ama “Xaroor”, labadii xaroorba waxaa u dhaxeeyo carjaw wareegsan “Saxuun” afka qalaadne lagu yiraahdo “Disc”.

1- Ricirta ama xaroorta.
2- Saxanka xaruurta: wuxuu u dhaxeeyaa labadii ricirba.
3- Xangullaha: wuxuu dhex maraa lafdhabarta dhexdeeda.

Saxuunta wxuu alle ugu talagalay in lafaha ay kala ilaaliyaan, jugtane ka difaacaan lafaha iyo xangullaha, sida ka muuqdo sawirka kore, qeybta midig xigto, waxa ka dhex muuqdo oo midabka jaallaha leh waa “Xangulle” ama “Spinal Cord”, wuxuu la xiriiraa maskaxda bini’aadanka waa sidii fiilada korontada oo kale, wuxuu dareen siiyaa jirka oo idil.

Xangullaha waxaa sidii laanta geedka oo kale kasii farcamo dhowr neerfo kuwaasoo jirka u kala goosha, waxayna ka qeyb qaataan dareenka iyo dhaqdhaqaaqa jirka qeybihiisa kala duwan, meesha uu qofka xanuunka ka dareemayo waxay tilmaan ka bixinaysaa ricirta ama saxniga dhaawaca qofkaasi ka gaaray.

Waxaa xanuunkaan la dareemaa, markii saxuunta ricirrada u dhaxayso ay booskeeda ka soo baxdo kadibne cadaadis ay saarto xangullaha ama jiridka neerfaha “nerve root” ee meesha ka soo baxa sida aad uga jeedid goobaabinta madaw ee sawirka kore aan ku muujinnay.

Waa meeqo nooc dhaawaca saxuunta xaroorka?

Saxuunta “disc”, waxaa ku dhaca dhowr cilladood oo badankood ay isku astaan yihiin, waana sababta qofka loo saaro sawir lagu ogaanayo dhaawaca ama cilladda nooca ay tahay.

  • Saxan burburay: waa carjawda oo burburto, waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa “degenerative disc” waa cillada ku badan dadka da’da.
  • Saxan turanturooday: tan waa midda ugu badan, dhalinyaro iyo dad waynba waa lagu arki karaa, waxa ugu badan ee keeno waa jugta, culeys qaadista, fadhiga qalloocan iyo cayilka caloosha. saxanka booskiisa wuu ka sibxan karaa, waxaana loo yaqaanaa “slipped disc”, badankiis wuu soo bixi karaa, waxaana loo yaqaanaa “herniated disc” ama banaanka ayuu imaan karaa, waxaana loo yaqaanaa “prolapsed disc” intaba waxay keenaan astaamo isku mid ah laakiin waxay ku kala daran yihiin cadaadiska ama dhaawaca ay neerfaha ku hayaan.
  • Saxan caabuqay: waa cilladda loo yaqaano “Discitis”, haddii carjawda ay caabuqdo “infection” ama hurto “Inflammation”, xanuunka wuxuu u gudbaa neerfaha ka ag-dhaw, qofkane wuxuu dareemaa isla astaamahii aan kor ku soo xusnay.

Maxaa keeno cilladdaan?
Waxa ugu badan ee keeno xanuunkaan waa jug cusub ama mid hore oo qofka gaartay, wax culus oo si kadis ah lagu qaaday, caabuq lafdhabarta ku dhacay, cirbad si qladan dhabarka loogu duray iyo jimicsi aan haboonayn.

Yay badanaa ku dhacdaa cilladaan?

  • Dadka cayilan, weliba dadka ka cayilan caloosha.
  • Dadka halista ugu jira dhaawacyada sida cayaartoyda.
  • Dadka murqahooda aysan awood lahayn.
  • Dadka aan jimicsiga samaynin
  • Dadka fadhigooda aan toosnayn.
  • Dadka sigaarka cabo.
  • Haweenka dhashoyda ah ama foosha ku dhibaatoodo.
  • Suuxdinta dhabarka markii qofka la qalayo.
  • Dadka qabo xanuunnada roomaatisamka iyo riixa.
  • Dadka dhabarka looga joogjoogsado.

Inkastoo ay cilladaan ku dhici karto qof walba, laakiin haddii aad ku jirtid liiska kore waad u nugushahay.

Astaamaha lagu garto cilladaan:

  • Xanuun u badan dhabarka qeybta hoose, barida iyo bowdyaha, xanuunkaan oo daran markaa foorarka ka soo toostid, markii muddo aad fadhisid, markii aad qufacdid ama hindhistid, qaabka xanuunka loo dareemo marka ugu horayso waa sidii sakiin ama baangad oo kale in dhabarka lagaaga dhuftay ama inuu dhabarka ku kala go’ay, intaa ka dib xanuunka badankiis waxaad ka dareemi doontaa murqaha dhabarka, barida, canjirrada iyo murqaha lugaha hoose.
  • Kabaabyo laga dareemo lugta ama gacanta, waxay dadku ku kala duwan yihiin meesha laga dareemo iyo qaabka loo dareemo, waxayna ku xiran tahay dhaawaca saxanka intuu la egyahay.

Dhibaatada ugu badan ee laga dhaxlo cillada saxanka waa cillad kaloo yaqaano “Sciatica” ama xanuunka neerfaha sinta ku dhaca oo aan horay ugu faahfaahinnay qoraal gooni ah, waxay cilladaan timaadaa markuu diskiga cadaadis saaro neerfaha loo yaqaano “Sciatic nerve”. Akhriso qoraal ku saabsan: Xanuunka Neerfaha Sinta Iyo Lugta (Sciatica), Waxa Keeno Iyo Sida Loo Dabiibo

Sidee lagu ogaadaa xanuunkaan inuu ku hayo?

Waxa ugu muhiimsan ee lagu ogaado waa in dhakhtarku kula yeeshaa waraysi qoto dheer, kadibne wiisito isagoo dhabarka iyo lugahaba ka fiirinayo astaamaha lagu garto cilladaan. (Nasiib xumo dhakhaatiirta qaarkood waqti ku filan ma siiyaan bukaannadooda, sidaa darteed cudurro badan oo waraysi iyo wiisito lagu garan karo ayaa lagu wareeraa).
Markuu dhakhtarka kaaga shakkiyo xanuunkaan wuxuu kuu diri doonaa sawir dhabarka lagaa saaro. waxaa laga yaabaa in raajo laguu diro inkastoo sawirka ugu habboon ee xanuunkaan warbixintisia oo faahfaahsan lagu ogaan karo uu yahay sawirka MRI sida aad uga jeedid sawirka kore ee dhianca midig xiga.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?

Marka ugu horeyso oo aad isku aragtid cilladaan waa in aad samaysaa tilaabooyinkaan soo socdo si looga hortago dhibaatooyin hor leh:

  • Si aayar ah u qandaci meesha xanuunka uu ka bilawday ama ku duug saliid kulul adigoo aanan wax xoog ah isticmaalin.
  • Qaado xanuun baab’iye si xanuunka uu kaaga yaraado.
  • Naso inta uu xanuunka uu kaa fuqayo. ha samaynin wax dhaqdhaqaaq ah, hana jucin dhabarkaaga, yaanan lagugu joogjoogsan

Intaa ka dib hadduu xanuunka sii jiro ama qeybaha dambe ee jirka kabuubyo aad ka dareentid waa in si dhakhso ah dhakhtar u la xiriirtid, dhakhtarka wuu ku waraysan doonaa, kuna wiisiteyn doonaa, kadibne sawir ayuu kuu diri doonaa.

Dhakhtarka wuxuu kuu qori doonaa daawo murqaha dhabarka dabciso, daawo neerfaha ka ilaaliso dhaawaca, daawo bararka saxuunta yareyso, xaaladaha qaarkoodne cirbad ayuu kaaga duri doonaa saxanka cilladdysan (waa inuu dhakhtarka aqoon u leeyahay sida loo duro diskiga).

Dhakhtarka wuxuu kaloo kuu diri doonaa duugista “physiotherapy” waana in qofka ku duugayo uu noqdaa qof xirfadle ah oo aqoon u leh sida saxniga booskiisa loogu celiyo.

Intaa ka dib dadka badankood way ka roonaadaan xanuunkaan, laakiin dad yar ayaa u baahdo in qalliin lagu sameeyo si neerfaha looga qaado cadaadiska.

Mararka qaar jugta oo xoogan awgeed, neerfaha ama xangullaha ayaa gaari karo dhaawac halis ah taasoo qofku la naafoobi karo ama dareenka uu ka tagi karo qeybta hoose jirka, markaas qofka kaadida iyo saxarada ma kontarooli karo.

Sidee looga hortagaa inuu xanuunkaan kugu soo noqdo?

  • Ha taagnaanin muddo dheer.
  • Ha qaadin wax culus
  • Iska ilaali foorarka kadiska ah.
  • Baro fadhiga saxda ah, dhabarkaaga ha toosnaado marwalboo fadhido.
  • Ka fogow cayilka, miisaankaagane xakamey.
  • Ka fogow jimicsiga culus sida biro qaadista, lagdinta iyo wixii la mid ah. ku badalo socodka iyo dabaasha.
  • Ku dadaal calooshaada in aad socodsiiso, badso cabitaanka biyaha.
  • Ha isku fiirsanin qufaca siyaadada ah, fadlan dhakhtar la xiriir.
  • Ka fogow in lagugu joogjoogsado ama uu ku daliigo qof aan aqoon u lahayn.

Ma jiraan qaab dabiici ah oo aan ula tacaali karo cilladaan?

Way jiraan dad badan oo wax iskaga gartay isticmaalka subaga idaha iyo geedka huruudka, wixii isbadal aad ku dareentidne nala socodsii.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

Somalidoc.com

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *