“Iskuuladu waa dayeyn
Dammiinimaday dhigaan
Dartay uma soo lug gu’in” ~Hadraawi.
Markaan dib u xusuusto sannadihii dugsiga, waxa ay iila muuqataa in gebi ahaanteen, carruurnimadii, waxa aan qaban jirnay uu ahaa wax-akhris, wax-qoris, wax-barasho si niyad ah, oo dedaal ah oo aynu fadhinnay uun kursiga iyo miiska iskuulka ama ka guriga halka wakhtigii la la qaadan lahaa asxaabtu ay sii baaba’aysay sannad walba. waxa aan si adag ku xasuusan karaa aniga oo aanay gacantayda wax buug ahi ku jirin. Carruurta casrigan waxa ay haystaan kansho aad u yar, aroorta hore ilaa casar-liiqa waxa ay ku dhammaystaan dugsiga, haddana waxa ay ku daba-qabtaan waxqabadkii dugesiga kadib. Miridhada u soo hadheyna waxa ay ku buuxiyaan cayaaraha Koombuyuuterrada iyo shabakadaha bulshada.
Ilmo walba barihiisa ugu horreeya, ha noqdo mid lacag ku qaata ama yuusan ku qaadan e, waa waalidkiis kaas oo si joogto ah wax u soo barey waana sidaas oo kale haddii dib loogu laabto sooyaalka aadanaha. Tani waxa ay u muuqan kartaa caqli gal, haddii aan idhaahdo qof walba wuxuu bari karaa waxa ay iska og yihiin iyagu. Jiilal badan ayaa ku soo baxay habkaas iyadoo loo adeegsanayo habkan korriinka iyo waxbarashada caadiga ah. Waqtiyo hore waxaa jiray faylasuufyo ama hal-abuurro heer sare ah, oo aragtiyahooda iyo fikradahooda aan la fahmin. In ay ku guulaystaan si ay u horumariyaan falsafaddooda, waxa ay ku xidhnayd hammigooda, awooddooda, iyo kartidooda si ay dadka ugu qanciyaan dhabnimada weedhahooda.
Shaki la’aan, inta ugu badan waalidiintu waa kuwo u baqa musaqbalka carruurtooda, kaas oo ay si guud u aamineen in uu ku bilaabmo waxbarashada. Carruurtu waxa ay ku dhashaan kaliya falcelin, waxayna ka bilaabmataa halkan; sida wax loogu cuno qaaddo, koobna wax loogu cabo, sida loo hadlo iyo sida loo socdo, xitaa sida looga falceliyo xaalado kala gedisan. Waxa aan u akhrinnaa buugta iyo sheekoyinkii aan la kornay. Tani waxay dhammaataa illaa inta ay ka gaadhayaan da’da dugsiga marka aynu u wareejinno waxbarashadoodii Barayaasha dugsiga, dadka way ku adkaataa in ay ogaadaan ad-adaydgooda iyo daciifnimadooda, midabbada ay xiiseeyaan.
Waydiinta muhiimka ah in la is waydiiyo ayaa ah in waxbarashada dhaafsiisan caadooyinka guud ay noqonayso nooca aynu soo wada marnay illaa jiilal badan: ee ah 2+2=4 iyo HOOYO in loo higgaadiyo H-O-O-Y-O? Ma jirto doorasho muhiim ah iyo wada-tashi aan la oggolayn. Carruurta waxa dhab ahaan lagu qasbaa in ay aqbalaan waxa cunno ahaan la siinayo. Waxa ay nu ku ururinaa maskaxaha carruurteenna macluumaadyo fara badan kuwaas oo xataa lagayaabo in aanay u baahnayn mustaqbalkooda qaangaadh ahaaneed. Carruurta yaryar laga yaabee in ahaanshiyahoodu uusan ahayn waxbarasho uun, laakiin dabiici ahaan waa kuwo wax baadha, garaadaysta, oo daymo leh, waxa ay jecelyihiinna waxa ay u bartaan si fudud, iyagoo iska indho tiraya mawduucyada, wixii ka baxsan bedka ay xiisaynayaan.
Waxbarashada aan ahayn dugsiga caadiga ah, mararka qaarna loo yaqaan dugsiyada lagu baro ilmaha waxa uu jecel yahay (fun-schooling), waxa la odhan karaa waa kan ugu rajo wacan, halka aanay waxbarashadu ahayn hadafka ugu qiimaha badan, laakiin ay si guud u saamaynayso waxqabadka maalin laha ah ee carruurta ee muhiimka u ah waxa ay xiisaynayaan. Dabcan ma aha uun in aad fasal la fadhiisanayso carruur kale, ood shanqadh la’aan iyo feejignaan u dhagaysanayso baraha si aad u hubiso in aadan waxba seegin, adoo u malaynaya in hadhow lagu waydiinayo.
Inantaydu waxa ay baratay wax-akhrinta iyada oo 4 jir ah, halka aanan warba uga hayn waxa ay ku wacan tahay. Waxa aan xasuustaa waydiimaheedii ay marba mar i odhan jiratay side loo akhriyaa erayga ama ereygan. Maalin inta ay soo qaadatay buug ayay tidhi “hadda ayaan akhrinayaa”. Waxa aan u maleeyey in ay ula jeeddo in ay isku madadaalinayso, rogiddeedii bogagga iyo ka sheekayn teedii sheeko xariir aan u akhrin jiray. Si kedis ah, waxaanba u xaqiiqsaday in dhab u AKHRINAYSO. Waan la ashqaraaray oon ku bilaabay waydiin, waata aayar ii sharraxday in ay si dhab ah u rabto in ay ogaato waxa lagu qoray buug taallay khaanadaha qolka walaalkeeda ka wayn, kuwaas oo aanay cidi u akhrin.
Dabcan waxa suurogal ah in carruurta la jeclaysiiyo wax aanay xiiso u qabin, laakiin muhiimadda ugu wayni ay tahay in loo dooro fursad qiimo leh oo dabacsan, maxaa ku jaban caruurtu mihnaddooda ay ku baadhi lahaayeen adduunkan, halka aynu ku xidhnay miiska wax-akhriska ee aan uga dhignay in ay si niyad leh uga bartaan buugta habka adduunkan loo qorsheeyey?
Muhiimadda ugu balaadhan ee dugsiga mihnaddu waa in carruurtu ay xilli walba ku jiraan waxbarasho, ma aha uun kaliya in ay ka bilaabmato 9-ka illaa 5-ta: waxa ay si dabiici ah u yaqiinsanayaan dhinaca ay xiisaha u qabaan, waxa ay helayaan habka ugu fudud iyo shqsiyadda ay u baahan yihiin si ay waxaas uga soo dhalaalaan, xataa waxa ay dejisanayaan shaqo joogto ah, haddii ay dareemaan in ay daruuri tahay…. Sida qof kasta oo qaangaadh ah, oo rajeynaya in uu waxbarto, uu sameyn lahaa. Haddaba, maxay tahay sababta ay carruurta ugu dhaqmaan si ka duwan?
Mid ka mid ah qoraayada aan xiiseeyo, waa Gerald Durrell e, muu soo marin waxbarashada dugsiga, markii uu ahaa wiil da’yar, waxa uu waalidkiisa kula doodi jirey baahida ay leedahay nidaamku dugsiga ahi. Gerald walaalkiisa ka wayni, wuxu ku odhan jiray Gerald, xammaasadda uu u hayo dhirta ubaxlayda ah iyo xayawaannadu in ay tahay uun “mid ku meel gaadh ah oo uu iskaga tegi doono marka uu yar koro,” sidaa darteed, waxa uu u baahan yahay in uu barto xisaabta, suugaanta, juquraafiga, taariikhda, iqk, halka ay hooyadood ugu warcelin jirtey “xammaasadda uu u qabo dhirta iyo xayawaannadu ay soo bilaabmatay isaga oo 2 jir ah, dhammaadkeedu aanu u muuqan sannadahan iyo wax dhowba.” Markii ay ku soo laabteen dhammaadkii 1930-meeyaddii, Gerald waxa u caddaatay sida ay u adkayd in shaqo la helo xilli yar ka hor dagaalkii 2-aad, laakiin isagu waxa uu si fudud u raacay wixii uu xiisaynayay oo waxa uu caawimaad ahaan shaqo uga bilaabay meelo lagu gado xayawaannada, beerta xayawaanka iyo safarrada loogu kuurgalo ururinta duurjoogta, waxa ay u noqotay casharro joogto ah oo waxa uu si qoto dheer u sii dhexgalay cilmiga maaddadii uu jeclaa. Muddo ka dib waxa uu noqday qofka ugu caansan dabeecadyahannada iyo duurjoogyahannada. Waxa loo aqoonsaday asaasaha ururro daryeela duurjoogta sida [Durrell Wildlife Conservation Trust, iyo the Durrell Wildlife Park], waxa uu qoray tobaneeyo buugta maadda ah, yeelkeede, haddana xambaarsan macluumaad badan oo cilmiyeed.
Dabcan, waxa ay leeyihiin faa’iidooyin iyo khasaare, taageero iyo nacab waxbarashada soo jireenka ah iyo tan mihnadda ahiba. Hayeeshee, waayadan danbe waxa taageero aad iyo aad ah ay ugu muujiyeen kan danbe. Maahan wax fudud, dabcan, waxa aad u adag in aad buriso fekrad soo jireen ah oo aad ku dhiirato go’aan aad leedahay. In aad raacdo fekrad iska caam ah, halka, ilamahaagii yaraa ee dugsiga mihnaddu uu u korayo isagoo si buuxda ugu diyaarsan mustaqbalka, carruurtaaduna noqondoonaan kuwo noloshooda oo dhan waxbarta, iyaguna wax is bara, halkii ay ka sugi lahaayeen in uu qof kale wax baro.
- Kaliya waxa loo baahan yahay in la ogaado shuruudaha ka dhigaya mihnadda mid hadaf leh, sida in heerka ku-fooganaanta waalidku ay ku xidhan tahay dabeecadda gaarka ah iyo jaad-gooninimada carruurta, helidda agabka, dhiirranaanta ilmaha ama waxqabadyada is-dhexgalka dhammaan qoyska, hellida dhagaystayaal balaadhan iyo awoodda Saykoolojiyeed ee waalidka iyagoo raacaya go’aankooda iyadoo loo eegaynin diidmo badan oo ka imaanaya waxbarashada caadiga ah si uu u noqdo qof aqoon leh, faraxsan oo waxwalba ku filan.
W/Q: Kristina Khabalashvili
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan
Tixraaca: https://www.fetelina.com/do-we-really-need-schools