Dhaawicidda Mooraalka Caruurta Iyo Dhibaatooyinka Ay Ka Qaadaan!

Ilmuhu waa hadiyad qaali oo Ilaahay bixiyo, waxuu ubaahan yahay in la ilaali mooraalka iyo dareenka maskaxdiisa. Dadka iyo bey’ada ku xeeran ilmaha ayaa ugeysan kara mooraalkiisa dareen ku dhisan dhaawac oo la dhibaatooda. Xasuusta iyo maskax ku haynta ilmuhu waa mid in badan kabadan midda dadka waaweyn. Dhaawaca soo gaara maskaxdiisa ayaa saameyn balaaran ku yeesha koriimadiisa iyo la dhaqankiisa bulshada. Ilaalinta maskaxda ilmaha ayaa ah mid waajib ah maadaama ay saameynteedu aad u darantahay.

Dhaawacaan ayaa noqon kara mid ay sababeen dadyow kala duwan kuwaasoo saameyn ku leh ladhaqanka iyo koriimada ilmaha. Waxaa kamid ah dadka dhaawaca u geysan kara maskaxda iyo mooraalka ilma, waalidiinta, macalimiinta, caruurta kale, burcadda sida xun uga ganacsata caruurta iyo waxyaabaha deegaanka ku xeeran sida isticmaalidda daroogada. Canaanta joogtada iyo hoos udhigada awooda ilmuhu waxay ku keentaa dareen ku xambaarsan shalayto iyo inuu noqdo mid aan lahayn kalsooni ku filan lana nool cabsi joogta ah. Ilmaha la nool waalid aad u dabeecad kulul ama wax kabarta macalin aaminsan dilka iyo canaanta ilmaha, waxuu noqon karaa mid aysan maskaxdiisu u qaangaarin sida caruurta kale ee la filka ah.

Hababka loo dhaawaco mooraalka ilmaha ayaa waxaa kamid ah, cayda, canaanta, dilka, ugu yeeridda magacyada ama naaneysaha uusan jeclayn, markhaati uga dhigida xaalado uusan u adkaysan Karin sida ciqaabta dilka ama dagaaladda. Ilmaha ay kala tageen ama isfureen labadiisa waalid ayaa laga yaabaa in mooraalkiisu ay wax iska badalaan maadaama uusan haysan naxariista labadiisa waalid oo wada jirta.

Cilmi baaris la sameeyey ayaa lagu ogaaday in kabadan 80 million oo caruur ah loo geysto dhaawaca mooraalka sanad walba meelo kala duwan oo kamid ah dunida. Caruurta ku nool wadama faqriga ah ama la nool waalidiinta uu hooseeyo dhaqaalaha soo gala ayay warbixintani cilmi baarista ah sheegtey inuu mooraalku hooseeyo aysana u fakirin sida ciyaalka kale ee iyaga la filka ah.

Astaamaha ay dareemaan caruurta loo geysto dhaawaca mooraalka ayaa waxaa kamid ah, inay noqdaan kuwo ka cabsada sheegida waxa ay u baahanyihiin, nebcaanshaha magacyada ama naanaysaha loogu yeero, isla hadal joogta ah, fakar, cuqdad iyo dabeecad xummo.

Mooraalka oo la dhaawaco ayaa ugu danbeyn keenaya inuu ilmuhu noqdo mid aysan hagaagsanayn waxbarashadiisa, mid lanool walwal lagana yaabo inuu nafsadiisa halis galiyo sida inuu is daldalo, inuu noqdo mid gala danbiyo isagoo ka falcelinaya sida ay ula dhaqmaan waalidka ama dadka noloshiisa ku taxaluqa iyo in maskaxdiisa ay marwalba kusoo noqnoqdaan oraahyada ama erayada dhaawaca ugeystay taasoo uga sii dareysa xaaladiisa caafimaad ee maskaxda.

See loo yareyn karaa ama loo joojin karaa dhaawicida mooraalka ilmaha

Jawaabta su’aashaan ayaa ah mid leh faa’ido aad  ubalaaran maadaama ay hal meel kusoo uruurinayso qofobada lagama maarmaanka ah ee joogteynta iyo ilaalinta mooraalka ilmaha. Waxaa aan shaki kajirin in waalidka ugu fiican ay marmar canantan ama dhaawici karaan mooraalka ilmu, waana lagama maarmaan in marwalba sasabida ilmuhu ay noqoto qodobka ugu danbeeya ee lagu saxayo khaladka loo geysto. Ilmaha oo laga ilaaliyo waxyaabaha balwada ah ee uu leeyahay aabuhu sida sigaarka iyo qaadka waa mid kor u qaadi karta fakarkiisa iyo fahamkiisa nololeed. Waxaa lagama maarmaan ah in ilmaha laga yareeyo canaanta, cayda iyo magacyada uusan jeclahan. Ilmaha oo laga farxiyo lana siiyo wax uusan filanayn waqti uusan filanayn ayaa kor u qaadi karta kalsoonida iyo jacaylka uu uqabo waalidkiisa.

Waalidiinta ayaa noqon kara qodobka koowaad ee kor loogu qaadayo mooraalka ilmaha, waxaa kamid ah in mararka qaarkood ay u sheegaan wax qoyska dantiisa ah si uu ra’yigiisa ugu darsado xataa hadii aysan waxaasi jirin, tan ayaa siyaadin karta xal uhelida maskaxdiisa mashaakilo fara badan. Dardaaran iyo tallada ay ilmaha siiyaan macalimiintisa iyo dadka ka waaweyn ayaa ah mid wax weyn kusiyaadisa fakarkiisa iyo hiigsigiisa nolosha.Inkastoo aysan wanaagsanayn in la dhaawaco mooraalka caruurta ayaa waxaa dhici karta in markii uu ilmuhu koro, maskaxdiisa iyo mooraalkiisu noqdaan kuwo ka bogsada daanooyinkii loo geystay.

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *