Daryeelka maqaarka ilmaha yar iyo dhalinta

Maxaa gaar ku ah maqaarka ilmaha yar oo dhashay?
Dhalashada ka dib maqaarka ilmaha wuxuu qaataa muddo inuu la qabsado adduunka ku cusub. Waxaa jira waxyaalla badan oo deegaanka ka jira oo ilmaha dhashay xasaasi u yahay intuu yar yahay. Si kasta arrini ha ahaatee, talaabooyin yaryar oo guriga laga qaado ayaa muhiim u ah si loo xaqiijiyo in ilmaha yar maqaarkiisu awoodo inuu la qabsado deegaanka.

Sidee loo dhaqi karaa maqaarka ilmaha dhashay?

Waa muhiim in ilmaha maqaarkiisa lagu mayro biyo diirran oo keliya. Waxaa dhici karta in saabuuntu ay qallajiso maqaarka ilmaha.

Biyaha qubayska oo loogu daro in yar oo saliid aan la carfin ah waxay caawin kartaa in maqaarku ahaado mid jilicsan oo aan jajabin.

Ka dheeroow xumbad qubayska sababtoo waxay qaadi kartaa saliida dabiiciga ee maqaarka, sdoo kale waa in laga dheeraadaa saabuunta la carfiyay iyo weliba dawooyinka bakteeriyada lagula dagaallamo madaama ilmaha ay ku keeni karaan cuncun. Waa in si deggan oo tartiib ah loo qallajiyo goobaha jirka uu ka laablaabmo sida kilkilaha dhagaha gadaashooda iyo surka qubayska kadib. Haddii maqaarku badanaa yahay mid qalalan wuxuu u baahan karaa kareemka jirka qooya dhowr jeer maalintii gaar ahaan qubayska ka dib.

Qoynta maqaarka ilmaha

In yar oo kareemka jirka qooya ah  oo tayo leh sida sorbolene, aqueous cream ama paraffin ayaa la adeegsan si loogu nadiifiyo goobaha naabiga sidoo kale kiriimyadaan waxaa loo isticmaali karaa jir qooyayaal ahaan qubayska kadib. Hadii maqaarka cunugaaggu uu yahay mid qalalan waa muhiim inaad ka fogaato isticmaalka saabuunta isla markaana aad si joogto ah u mariso kareemyada maqaarka qooya.

Maqaarka ilmaha iyo kulaylka kala duwan

Maqaarku wuxuu caawiyaa kontaroollaa kulaylka jirka. Ilmaha aadka u yaryar, kontaroolida kulaylka iyo qabowga aadka u badan waa uu ku adag yahay. Hawada diiran, nalka, dhar ilmaha ka waaweyn oo cudbi ah ama cudbi/synthetic isku jira ayaa ugu fiican.

Hawada qabow: cudbi iyo synthetic isku jira dharka ah ayaa la isticmaali karaa. Dharka ka samaysan dhogorta oo cudbiga lagu dulsameeyey wax shida ah ma leh.

Bartu badanaa kama muuqato marka ilmuhu dhasho. Waxaa siyaadaa midabka ay sameeyaan unugyadu “melanocytes”, Waxayna ku dhacdaa carruurta markay yar yihiin ayna u furan yihiin qoraxda siyaadada ah khaasatan meelaha ay ka midka yihiin camanka, gacmaha gadaashooda.
Baraha waxaa lagaga hortegi karaa qoraxda oo si fiican la isaga difaaco. Marku qoraxdu diiran tahay, dhar khafiifa, koofiyado, haraynta baraamka ilmaha lagu qaado (prams) iyo meel hara marka banaanka la joogo ayaa ah waxa ugu fiican oo looga hortegi karo Ilayska qoraxda “UV”.

Carruurta aadka u yar, lawshan khafiifa ayaa ka fiican kareemka culus. Haddii maqaarka ilmuhu qalalan yahay, waxaa laga yaabaa in lawshanka uu ka fiican yahay kareemku.

Daryeelka agagaarka naabiga

  • Si joogto ah u beddel naabiga
  • Isticmaal naabi ay tayadiisu sarreyso
  • Biyo kulul ayaa lagu dhaqi kara meelaha naabiga
  • Kareemka Aqueous ama sorbolene ayaa loo isticmaali karaa in lagu nadiifiyo agagaaraha naabiga.

Daryeelka timaha iyo ciddiyaha

Carruurta aadka u yaryar badankood, timuhu uma baahna shaambo. Haddii la doonayo in shaambo la isticmaalo, shaambada awoodeedu yar tahay ayaa ugu fiican, waana inaad sida iyo inta ugu yar isticmaashaa.

Cidiyaha ilmaha dhashay badanaa waa jilicsan yihiin waxaana laga yaabaa in aanay u baahan in laga jaro bilaha ugu horreeya.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *