Da’da Aabuhu Saamayn Ayaa Ay Ku Leedahay Caafimaadka Ilmaha Uu Dhalayo?

Cilmibaadhiso caafimaad oo ay samaysay xarunta caafmaadka ee jaamacadda Standford ayaa muujiyey in ragga da’doodu weyntahay ay khatar ugu jiraan in ay dhalaan ubad caafimaadkoodu aanu buuxin.

Waxaa hore loo aaminsanaa in caafimaadka ilmuhu uu si weyn ugu tiirsan yahay caafimaadka hooyada, laakiin cilmibaadhistan cusubi waxa ay caddaysay in caafimaadka labada waalidba uu saamayn ku leeyahay caafimaadka ilmaha ay dhalayaan. Waxa se intaas dheer oo ay cilmibaadhistu muujisay in caafimaadka ilmuhu uu ku xidhan yahay da’da aabaha.

Cilmibaadhisahan dambe oo tijaabadooda lagu sameeyey carruur tiradoodu ka badan tahay 40 milyan oo caano-nuug ah, ayaa daahfurtay in da’da aabuhu ay saamayn weyn ku leedahay caafimaadka ilmaha.

Taas oo macnaheedu yahay in mar kasta oo da’da aabuhu ay sii weynaato ay kor u kacayso filashada ah in ilmaha dhalanayaa ay ku yeelato saamayn caafimaad oo aan fiicnayn. Gaar ahaan waxa si aad ah loo dareemay in da’da aabaha oo weynaataa ay ilmaha ku keeni karto khatar caafimaad darro oo dhinaca habdhiska neefsiga ah.

Cilmbibaadhistu waxa ay muujisay in khatarta da’da aabuhu aanay ilmaha oo keliya ku koobnayn, balse ay sida oo kale mararka qaarkood u gudubto xaaska uurka qaadaysa. Iyada oo la ogaaday in boqolkiiba 28 dumarka uurka u qaada saygooda oo 45 sano jir ka weyn ay halis u yihiin xanuunka macaanka, gaar ahaan marka la barbar dhigo ragga intaas ka da’da yar.

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay in inkasta oo ay shaki la’aan tahay in da’da weyni ay sideeda saamayn caafimaad darro ku leedahay lmaha, haddana aanay cilmibaadhisahan u dambeeyey caddayn sababta runta ah ee isku xidhaysa caafimaadka ilmaha iyo da’da aabihii, taas oo qasab ka dhigaysa in baadhitaanno intan ka si xeeldheer lagu sameeyo.

Dhinaca kalana intii cilmibaadhistan la waday waxaa soo baxday in sannadihii dambe da’da celcelis ahaan aabayaashu ay boqolkiiba 10 kor u kacday, oo halka sannado ka hor aabayaasha ilmaha u horreeya dhalaya iyaga oo 40 sano jir dhaafay ay ahayd boqolkiiba 4 keliya inay hadda marayso boqolkiiba 10.

Arrintan ayaa ay khubaradu aaminsan yihiin in ay xidhiidh la leedahay isbedellada dhinaca waxbarashada, shaqada iyo guud ahaan nolosha ah ee adduunka ku yimi sannadihii u dambeeyey.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

madax xanuunka qubayska

Sababaha Keeno Madax Xanuunka Qubeyska Iyo Qaabka Loo Yarayn Karo

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga jawaabaynaa madax xanuunka la dareemo markuu qofka madaxa dhaqdo ama qubeysto, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *