Dabeecado Qaarkood Waalli La Moodo Balse Xiriir Weyn la Leh Caqli Badnida

dadka maskaxda badan, fariidnimada

Qaar ka mid ah dadkii ugu maskaxda badnaa ee dunida soo mara Albert Einstein iyo Charles Darwin waxa ay lahaayeen habdhaqanno cajiib ah sida gooni u joogga iyo goor dambe seexashada. 

Inkastoo dadka caadooyinkan leh loo arko inay yihiin kuwo lala yaabo, haddana daraasado aya ala xiriiriyaymaskax badnida. 

Sababtuna waa caadooyinkeenna maalinlaha ah waxa ay saamayn weyn ku leeyihiin caqligeenna, waxayna bedeli karaan habka aan fakarno. 

Xeeldheerayaasha cilmunafsiga ayaa soo bandhiga caadooyin qaarkood waalli la moodo balse astaan u ah dadka maskaxda badan, waxayna kala yihiin: 

Naf la hadalka: 

Inaad isla hadasho macnaheedu inaad waalan tahay, waxay tilmaan u tahay inaad ka caqli badan tahay qofka caadiga ah. 

Inkastoo isla sheekaysiga ama isla-hadalka la moodo ceeb, balse daraasado badan ayaa iftiimiyay  inuu faaidooyin waaweyn u leeyahay maskaxda, waxaa ka mid ah; inuu yareeyo stress-ka, inuu wanaajiyo xasuusta qofka iyo diirrad-saaryihiisa iyo inuu dareemo farxad.

Goor dambe seexashada: 

Waxaa la arkay in dadka habeenkii goor dambe seexda ee howlaha u yaalla si firfircoon u  qabsan kara saacadaha dambe ee habeenkii ee loo yaqaanno “night owls” ay yihiin dad aad u maskax badan. 

Daraasad sannadkaan bilowgiisa la daabacay oo lagu sameeyay 26 kun oo qof waxaa lagu arkay in dadka habeenkii goor dambe seexda ay kaga sare mareen imtixaannada garaadka dadka fiidka hore seexda. 

Qaar ka mid ah dadkii maskaxda badnaa ee dunida soo maray sida Darwin and Marcel Proust waxay lahaayeen caadada goor dambe seexashada ee habeenkii. 

Isku dhex daadsanaanta: 

Dadka qaar uma dulqaadan karaan qol, xafiis ama miis isku dhexdaadsan, laakiin dadka maskaxda badan makala jecla. Inay arkaan warqadaha, buugaagta iyo qalabka kale ee goobta shaqada ee isku dhexdaadsan waxay caawisaa hal-abuurkooda, fikradahooda iyo muskilad xalintooda  

Su’aal badnaanta: 

Dadka maskaxda badan waxay caan ku yihiin xiisaha aan kala joogsiga  lahayn ee ay u qabaadan inay wax ka ogaadaan dunida ku hareeraysan. Waa dad suaalo badan, waxayna su’aalohooda loo arki karaa macno darro laakiin waxay rabaan inay wax walba fahmaan. Baahida ay u qabaan cilmiga kuma koobna maaddo gaar ah. Maskaxdoodu waxay ku foogan tahay islamarkaana suaalo iska weydiinaysaa wax kasta oo ay la kulmaan. 

Gooni u joogga: 

Dadka qaar gooni u joogga waxay ula mid tahay xabsi. Waxay jecel yihiin inay markasta bulshada ku dhex  jiraan, waxayna firfircoon yihiin marka ay dad badan ku jiraan. 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la arkay dadka caqliga badan inay raadiyaan gooni u joogga, waxayna farxad ka helaan inay naftooda waqti la qaataan. 

Tan macnaheedu ma ahan inay bulshada neceb yihiin ama ay yihiin khajilaad badan, balse waxay ka helaan inay si deggan u milicsadaan oo u qiimeeyaan fikradohooda iyo dareemadooda oo ay waqti ka qaataan hadalka badan si ay diiradda u saaraan fikirkooda iyo fikradahooda. 

Gooni u joogga waxa uu siiyaa fursad ay si qoto dheer ugu balbalaariyaan mowduucyada ay xiiseeyaan, inay ka fikiraan mushkiladaha adag iyo inay si hal-abuur leh ugu fikiraan maadaama aanay jirin wax jeedinaya. 

Akhriska badan: 

Wax akhrinta badan waa astaan kale oo lagu garto maskax badnaanta. Muhiimaddu ma ahan keliya tirada buugaagta la akhrinayo balse sidoo kale waa kala duwanaanta mowduucyada buugaagta. 

Dadka maskaxda waxa amateet aan dhergin u leeyihiin cilmiga iyo fikradaha, bugaagtuna badanaa waa habka ay doorbidaan inay ku quudiyaan baahidaan. 

Waxay wax ka akhriyaan  mowduucyo kala gedisan, taas oo u suurtagelisa inay dhinacyo kala duwan wax ka arki karaan iyo ballaariyaan aqoontooda dunidda 

Inkastoo arrintan dadka qaar ay u arki karaan waalli, waxaa muhiim ah in la ogaado halkii buug ee aad akhrido uu yahay tallaabo aad ku ballaarinayso aqoontaada dunida.  

Caadada akhriska joogtada ah ma ahan wax waqtiga la isku dhaafinayo, laakiin waa aqoon raadin iyo faham kobcin.

W/D: Hirsi Ahmed

Check Also

raali galin

Maxaa Sabab U Ah In Dadka Qaar Ay Ku Adkaato Raalligelinta??

Inkasta oo marar badan si cilmiya loo sheegay in raalligelinta ay u fiican tahay caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *