Dabeecado Ay Dadku Ceeb U Maleeyaan, Balse Calaamad U Ah Dadka Maskaxda Badan

Maskax badnaantu waa sumad ka mid ah sumadaha dabiiciga ah ee aadamaha oo ah waxa ay noolaha kale kaga suntan yihiin, haddii ay inta dabiiciga ah ee aadamaha hoos uga dhacdana waa caafimaad darro khatar ah. Laakiin addanaha aadamaha dhexdiisu waa uu ku kala duwan yahay heerka fariidnimo ama maskax badnaanta qof kasta uu Alle u abuuray.

Sideedaba cilmibaadhistan iyo kuwa la midka ahiba ma’ noqon karaan hal-beeg rasmi ah oo lagu garto fariidnimada ama maskax badnaanta ilmaha iyo waxbarashadu in ay isku sidkan yihiin.

Waayo waxwa aynu xasuusannahay in caalimkii weynaa Albert Einstein yaraantiisii lagu tilmaami jiray carruurta fahamkoodu iyo guud ahaan garaadkoodu hooseeyo, carruurnimadiisiina uu hadalku aad uga raagay. Waxa ay taariikhdu ina bartay in Einstein uu xilligii waxbarashada ku dhacay maadadda xisaabta. Laakiin haddana marka aynu dib u eegno taariikhdiisii dambe waxa aynu arkaynaa isaga oo noqday cadceed u soo baxday cilmiga sayniska iyo xisaabta. Marka aynu arrintan eegno waxa ay maskaxdu is weydiin kartaa,

‘Haddaba maxaa keena in carruurta maskaxda badan qaarkood aanay u muuqan in ay waxbarashada la qabsanayaan ama loo qaato in ay saaxiibbadood ka garaad hooseeyaan. Sababo badan ayaa jira, oo qormadan aynu ku soo qaadanayno.

Madax adayg:

Dadka maskaxda badan fikirkooda iyo aragtidoodu waa ay cad yihiin, ma qarsadaan mana aqbalaan tanaasul. Arrintaas waxa ay yaraantooda ku noqotaa ceeb iyo in ay ku nacaan ehelka, asxaabta iyo guud ahaan dadka ku xeerani, laakiin ugu danbaynta waxa ay sabab u noqotaa in a ay horumar ballaadhan gaadhaan.

Gooni joogga oo ay jeclaadaan:

Dadka maskaxda badan waxaa lagu yaqaannaa in ay jeclaadaan gooni u joogga iyo in waqtigooda ay gaarkooda u qaataan.

Su’aal badnaanta:

Inta badan dadku qofka su’aalaha badan waxa ay u arkaan in uu yahay qof fahamkiisu hooseeyo, laakiin waxa ay culimada cilminafsigu caddeeyeen in su’aasha badani ay calaamad u tahay in qofku uu doonayo in arrinka uu si fiican u wada fahmo, oo xogta uu isku xidh-xidho, kadibna fikir xooggan kala soo baxo. Waana calaamadda lagu garto ruuxa garaadkae badan.

Xog sheegid badan:

Dadka maskaxda badan waxaa caado u ah in mar kasta ay xog iyo macluumaad cilmi ku dhisan sheegaan, weliba waxa ay xariif ku yihiin in sheekadooda ay ku dhex isticmaalaan xogta ay hayaan.

Xarakaadka badan:

Qofka maskaxda badan calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah in jidh ahaan uu u xarakaad badan yahay, tusaale ahaan ma jecla in muddo dheer uu meel keliya fadhiyo, balse hadba meel ama dhan ayaa uu u guuraa. Waxa kale oo lagu garan karaa safar jacayl iyo in abuur ahaan ay u jecel yihiin xakame la’aanta.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *