Warbixin ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa soo bandhigtay tilmaamo ay xeeldheereyaal kala duwani ka bixiyeen calaamado lagu garto garaad badnaanta qofka iyo xirfado u fudud qofka fariidka ah, oo ay ka mid tahay awood uu u leeyahay xallinta dhibaatooyinka. Tilmaamaha ay warbixintu sheegtay in lagu aqoonsan karo in qofka lagu arkay uu fariid yahay waxaa ka mid ah:
Gooni u joogga:
Qoraaga Emily DiNozzo ayaa maqaal ay ku qortay majaladda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee ‘The Healthy’ oo dalka Maraykanka ka soo baxda waxa ay ku sheegtay in cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Singapore ee Sayniska iyo kuliyadda dhaqaalaha ee London sahamin iyo tijaabooyin ay ka qaadeen 15 kun oo qof oo da’doodu u dhexeyso 18 sano illaa 28 in ay ku ogaadeen in dadka fariidnimada badani aanay farxad dareemin marka ay dadka badan ku dhex jiraan, balse ay jecel yihiin in ay gooni noqdaan oo hawlahooda qabsadaan ama ka fikiraan hadba qorshayaasha ay doonayaan.
Go’aan ka gaadhista dhacdooyinka:
In qofku xaaladaha ku soo kordha iyo duruufaha uu la kulmo xukun ka gaadhaa waxa ay ia mid tahay astaamaha ugu fiican ee horusocodka iyo guusha. Waxa ay ka hortagtaa in qofku ku hakado ka fikirka go’aan ka gaadhista xaaladdaas, waxa aanay fududaysaa in uu markaba uga gudbo xaaladda xigta ama hawsha kale ee hortaalla.
Cilmibaadhis natiijadeeda lagu qoray Joornaalka ka faallooda tijaabooyinka la xidhiidha caafimaadka nafsiga ah ayaa daahfurtay in dadka fariidada ahi ay awood maskaxeed u leeyihiin in dhacdooyinka la kulmaya ay si dhaqso ah ugu xidhaan kuwo hore oo soo maray oo la mid ahaa, sidaas awgeed go’aan ka gaadhistooda iyo xukunkooda si dhaqso ah u gaadhaan.
Fariiddada fawdo iyo isku dhexdaadsanaan lagama waayo:
Dr. Caarif Delfi oo ka tirsan Maxadka cilmiga neerfayaasha ee ‘Palm Beach’ ayaa sheegay in hal-abuurka iyo curintu ay tahay astaan ay ka siman yihiin dadka garaadka badani. Laakiin dabeecadda ay leeyihiin dadkuna inta badan aanay ku jeclaysan ayaa ah in ay yihiin dad fawdada iyo isku dhexdaadsanaanta hawluhu aanay dhibaato ku haynin.
Maskax badnaanta iyo xidhashada muraayadda indhaha
Arrimaha xiisaha leh ee uu cilmigu ka sheegay dadka maskaxda badan waxaa ka mid ah in xidhiidh ka dhexeeyo fariidnimada ama maska badnaanta qofka iyo xidhashada muraayadda indhaha.
Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Edinburgh ee Scotland ayaa lagu ogaaday in ay u dhowdahay in dadka maskaxda badan ay ku abuuranyihiin hidde-sideyaal aragga daciifiya. Tijaabooyin la sameeyey ayaa muujinaya in dadka maskaxda badani ay u baahashada muraayadda aragga boqolkiiba 30 kaga badan yihiin kuwa dhiggooda ah ee aan maskaxda badnayn.
Goor dambe seexashada habeenkii:
Cilmibaadihs ay samaysay kuliyadda London ee dhaqaalaha iyo cilmiga siyaasadda ayaa lagu ogaaday in dadka inta badan habeen soo jeedku ku badan yahay ama waqtiyada dambe seexdaa ay yihiin kuwa heerka celcelis ee maskaxdoodu uu sarreeyo.
Cilmibaadhayaasha oo baadhitaan ku sameeyey sababaha arrintan keeni kara ayaa sheegay in ay tahay arrin hidde raac ah oo uu dadku ka wato awoowyadii hore ee aadamuhu ka soo tafiirmay. Cilmibaadhayaashu waxca ay sheegeen in noloshii jirtay waqtiyadii hore ee aadamuhu ay awoowyadeen bartay faham ah in habeenka ay u aqoonsadaan waqti khatar badan.
Taariikhdu waxa ay ina bartay in dadkii hore si ay isaga ilaaliyaan cadowga dhinac kasta ay ka filanayeen ee habeenkii miran kara iyo xayawaanka dad qaadka ahaa ee habeenkii qadhaabta ay qasab kaga dhigtay in habeenkii ay saacado badan oo habeenkii ah soo jeedaan iyo in aanay guryaha aaminin ee ay bannaanka seexdaan.
Dabeecaddaas oo la falgashay hormoonnada aadamaha ayaa ay khubaradu sheegeen in ay dhaxalsiisay soo jeedka habeenkii, gaar ahaan kuwooda maskaxda badan ee dareenkoodu feejigan yahay.
Dr. Catherine Francine oo ah bare cilmiga neerfaha ka dhigta jaamacadda Longwood ee dalka Maraykanka, isla markaana madax ka ah waada daraasaadka neerfaha ee isla jaamacaddan ayaa sheegtay in qofka oo habeenkii saacado dambe shaqeeya ama sideedaba shaqeeya saacado ka badan saacadaha shaqo ee aadamuhu caadaystay in ay sababto in qofku uu yeesho hal-abuur dheeraad ah, isla markaana ay xoojiso fikirka curinta qofka.
La qabsi fudud:
Awoodda uu qofku u leeyahay la qabsiga hadba duruufaha iyo deegaannada ku xeeran, ayaa calaamad u ah heerka fariidnimadiisa iyo awoodda wacyigiisa oo ku filan in arrimaha hor yaalla uu ka arko jihooyin cusub oo kala duwan. In aad awood u yeelato aragtida xididdada dhibaatada iyo arrimaha kala duwan ee ay la xidhiidho ama saamaynta ku leh, waxa ay qofka u suurtagelisaa in uu helo xal aanay awoodin dadka kale in ay arkaan.
Furfurnaan iyo maad:
Haddii aad leedahay dabeecad aan ka diiqadoon kaftanka xun iyo ereyada aan nafta raalligelin ee laguugu soo tuuro, waxa aad tahay shakhsi garaad badan oo fariidnimo lagu tilmaami karo.
Sida ay caddaysay cilmibaadhis natiijadeeda ay faafisay majalad lagu magacaabo ‘Cognitive Processing’ jawaabta uu qofku ka bixiyo hadallada kaftanka iyo maadsiga ah ee aan raalligelin iyo dareen celinta wejigiisa laga arkaa waxa ay calaamad u tahay heerka fariidnimadaada iyo sarraynta garaadkaaga.
Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay yaqaannaan wax lagu magacaabo ‘Maadaysiga madow’ oo ah kaftanka laga maadsado arrimaha sharka sida geerida, xanuunka, iinta abuurka ah ee qofka oo ay curyaannimadu ka mid tahay iwm iyada oo la adeegsanayo ereyo qosol ah.
Waxa ay xeeldheerayaashu sheegayaan in qofku uu ka xanaaqi waayo ama xiiseeyaba kaftannada noocan ahi waxa ay calaamad u tahay in heerka celcelis ahaan fariidnimadiisu gaadhsiisan tahay ay sarrayso. Dabeecadda qallafsan iyo kulaylka oo qofka ku yar ayaa iyaduna ah calaamad muujinaysa fariidnimada qofka.
Diyaariye–Kamaal Marjaan