Curyaamidda hurdada (Sleep Paralysis)
Waligaa adigoo hurda ma lakulantay xaalad kula noqota layaab iyo fajaciso? Adigoo ogaa inaad seexatay halmar indhaha makala qaaday adoo aan xubin jirkaaga kamid ah dhaqaajin karin? Ma is tiri shaydaan baa kusoo weeraray? Malagu ciijiyey? Ma is tiri maanta ayaad alleysatay? Hadalku makaa soo bixi kari waayay? Illaa iyo hada waxii kugu dhacay ma ogaatay?!!
Xaaladaan curyaamidda hurdada oo ay la kulmaan in badan oo dadka ka mid ah, ayaa saamayn badan ku reebta dadka qaar maadama ay ka fakaraan in waxii halleeley ay mar walba u imaan karaan xiliga hurdadooda. Waa xaalad badanaa dhacda marka uu qofku daalanyahay ama uu ku jiro riyo, xaaladdaan waxay la xariirtaa awooda murqaha oo lunta si kumeel gaar ah. Waqtiga ay dhacayso arintaan ayaa ah xiliga qofku uu ku jiro hurdada, waxaana dadka qaar ay isku qabaan inay soo jeedaan oo ay la socdaan wax walba oo dhacaya, tan ayaa la isku raacsanyahay inay tahay riyada uu qofku ku jiro.
Dhumida awooda murqaha waxay keenaysaa in qofku inta uu hurdada ku jiro ama uu indhaha kala hayo uusan awoodi karin maamulidda dhaqdhaqaaqa jirkiisa. Hadalka ama codku inuu soo baxo ayaysan dadka qaar awoodi karin, waxaana ay la xariirtaa murqaha ku xayndaaban dhuunta oo dhumiya awooda. Astaantaan waxaa lagu tilmaamaa in mararka ugu badan ee la arko ay tahay waqtiga u dhaxeeyo bogashada hurdada iyo diyaargarowga toosida. Dadka qaba xaalada loo yaqaano Narcolepsy ayaa iyagu inta badan lakulma astaanta sleep paralysis.
Maxaa sababa baralaatada hurdada
Marxaladaan ayaa waxay timaadaa xiliga qofku uu hurdo khaasatan markuu ku dhex jiro waqtiga loo yaqaan Rapid eye movement- REM. Xiligaan ayaa ah marka uu qofka murqihiisu ay dabcaan isla markaansa uu qofku ku dhex jiro riyo, waxaana dhaqdhaqaan ay samaynayaa indhahu kaasoo aan ahayn mid joogto ah. Waxaa ay xaaladani imaan kartaa markii oo qofku aad u daalanyahay uuna seexdo isagoo aan ogeyn xili uu gam’ay waxaana loo yaqaana hypnagogic sleep paralysis, sidoo kale waxaa xaaladani dhici kartaa markii uu qofku hurday in badan uuna isku dayayo inuu hurdada ka kaco, waxaa loo yaqaanaa xiligan Hypnopompic Sleep Paralysis. Dad badan ayaa horey u aaminsanaa in marxaladaan ay sababan shaydaanka ama cirfiidka, mana jirin xaqiiqo loo hayo waana arin khiyaali ah. Inkastoo ilaa maanta ay jiraan meelo laga aaminsanyahay fikirkaas hadana sleep paralysis waa qodob aan bahda caafimaadku sababayn karin. Dhafarka badan ayaa la ogaaday inuu qayb ka yahay sababaha keena xaaladaan.
Waa maxay astaamaha iyo Calaamadahu
Astaanta laga wada simanyahay ayaa ah inaan qofku dhaqaajin karin xubnihiisa jirka, taasoo loo sababeeyo dabaca ku yimaada awooda murqaha. Dadka qaar ayaa sidoo kale waxaa ay dareemaan in xabadka laga saaro wax aad u miisaan weyn ama in la ciijiyo xiliga ay lakulmaan marxaladaan ayna adagtahay inay neefsadaan. Waxaa dadka la kulma xaaladaan lasoo darsa cabsi ku aadan hurdada.
Daawada
Majirto daawo ay leedahay curyaamidda hurdada, maadaama aysan ahayn xanuun uu qofku latacaalayo ama kusoo noqnoqda. Calaamadaha iyo astaamaha xaaladaan ayaa ku kooban sariirta, mana jirto cabasho danbe iyo astaan danbe oo muuqanaysa marka laga reebo cabsi. Xiliga hurdada oo la joogteeyo ama joojinta dhafarka badan ayaa ah qodob muhiim ah. In la joojiyo cabida kafeega xiliga uu qofku doonayso inuu seexdo laba saac kahor iyo in maskaxda la ilowsiiyo dareemada aysan naftu jeclaysanayn ee ku soo noqnoqnaya ayaa la aaminsanyahay inay horseedi karaan hurdo ka madax banana sleep paralysis.
Hadii ay jirto wax baqdin ah ama argagax ah waxaa haboon inuu qofku la xariiro dhakhtar quseeya psychiatry. Waxaana uu ka heli karaa talo iyo daawo wax kabadali karta cabsida uu ka qabo hurdada ama sariirta.