Cuntooyinka Daaweeya Hargabka Iyo Ifilada

Maraqa Doorada/Digaaga (Chicken Soup): Maraqa laga sameyo doorada/digaaga ayaa ah daawo u roon hargabka marku kugu dhaco. Aqoon baaris ayaa sheegeysa in maraqa digaaga oo kulul uu hormariyo waxtarka timaha sanka ku yaal ‘cilia’, kuwaaso ka ilaaliya in bakteeriyada iyo virus inaad qaadid.

Toon (Garlic): Hadey kaa heyso inaa cuntid toon, waxa ku darsan karta maraqa ama cuntada kale aad sameysatid in fiican. Toonta ayaa nafis jirkaga ka helaa hargabka.

 

Malabka: Xabeebta wuu u fiican yahay malabka , hadii aad leedahay dhuun cun cun ama riiraxyo waa mid aad ugu wanaagsan malabka wuuna daaweeyaa hadii aad joogteyso. malabka waxuu hodan ku yahay maadooyinka enzymes iyo fiitamiino. Malabka saafida ah waxa uu jirka ka ilaaliya jeermiska.

 

Sanjabiil (Ginger): Calool xanuun? lalabo? Sanjabiisha ayaa ah daawo guri taasoo had iyo goor ka jabisa xanuunada yaryar. Daraasad ayaa sheegeysa in uu dajiyo huritaanka jirka uu ku sameeyo hargabka isla markana qandhada ka dajiyo.

Shaah Kuleel (Hot Tea): Shaaha cagaarka aha ama kan madow rinjiga ah ayaa ka dajiya xanuunka iyo cuncunka dhuunta. Cilmi baarayaasha jaamacada Harvard ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday 5 koob oo shaah ah oo maalintii la cabo inay jirka ka difaacdo hargabka iyo jeermiska. Shaaha aad cabayso  ku darso qaando malab ah iyo liindhanan.

Qorfaha (cinnamon): qorfuhu waxaa uu leeyahay faaidooyin badan oo dhanka caafimaadka ah waxaana ka mid ah inuu dilo bakteeriyada gaar ahaan kuwa dhuunta iyo hawo mareenka.

 

Moos (Banana): Mooska ayaa caloosha u fiican, caloosho socotana hargabka ayey ka dadajisaa waliba caruurta. Sidoo kale mooska ayaa u fiican lalabada, mataga, iyo calool qushqushka.

Check Also

caafimaadka kelyaha

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *