Cuntooyin & Cabitaanno Ay Fiican Tahay In La Joogteeyo Xilliga Ramadaanka Si Looga Hortago….

Soonku waxa uu jidhka ku keenaan ingag badan, iyo in dhalaalka dabiiciga ahi ka guuro. Sidaa awgeed waxaa lama huraan ah in aynu helno habka ugu dhow ee aynu ku soo magdhowi karno midabguurka ama hoos u dhaca midabka dabiiciga ah ee maqaarka ku yimi, oo inta badan sababteedu tahay hoos u dhaca ku imanaya nafaqada cuntada uu qofku ka helo, iyo duxda ama qoyaanka jidhku u baahanyahay oo ay dilayso biyo la’aanta (Harraadka) maalintii.

Haddaba waxaa muhiim ah in qofka soomani uu ka fikiro sida ugu dhaqsaha badan ee uu u soo kabi kari hoos u dhaca soonka dartii ugu imanaya quruxda maqaarka qofka sooman.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah noocyada cunto ee ay tahay in qofku uu isticmaalo xilliga ramadaanka si uu u soo buuxiyo hoos u dhacaas ku imanaya quruxda iyo dhalaalka dabiiciga ah ee maqaarka.

Biyaha:

Biyo ku filan oo uu qofku cabbaa waxa ay lagama maarmaan u yihiin in uu jidhku soo ceshado dareerihii uu ku lumiyey soonkii maalinnimada. Waxa ay sida oo kale biyuhu kaalin muhiim ah ka qaataan jilcinta maqaarak iyo in ay ka ilaaliyaan igagga, iyo coodhcoodhka. Qofku waa in uu ku dadaalo in uu cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalintii, si uu quruxda iyo caafimaadka maqaarkiisa u daryeelo ugana ilaaliyo ingagga.

Khudradda cagaaran iyo khudradda midhaha ah:

Dhammaan noocyada kala duwan ee khudradda caleenta ahi waxa ay hodan ku yihiin Faytamiin A iyo curiyeyaal macdan ah oo uu jidhku ka helayo nafaqada uu u baahan yahay oo dhan.

Khudraddu waxa ay jidhka u soo celinaysaa qayb ka mid ah nafaqooyinka uu u baahan yahay, waxa aanay ka ilaalinaysaa khatarta kaga iman karta fallaadhaha qorraxda ee ku dhacaysa. Labadaad dhibaato oo si gaar ah khatartoodu u badato xilliga soonka, oo uu maqaarku nugul yahay. Waxa lagula talinayaa qofka sooman in uu afurka kaddib cunto saldaato ay ku badan tahay khudradda caleenta ah.

Hilibka cas iyo hilibka cad:

Hilibka cas oo ah hilibka xoolaha iyo hilibka cad oo ah noocyada laga helo digaagga iyo kalluunku waxa ay ka mid yihiin ilaha aasaasiga u ah helidda Barootiinno saacadaha badan ee uu qofku sooman yahay siinaya barootiinno iyo tamarta muhiimka u ah. Waxa kale oo laga helaa maaddooyin liddi ku ah mariidka ama sunta cuntada ka samaysanta, curiyeyaal macdaneed nafaqo ah oo unugyada maqaarka ka ilaaliya in ay dhintaan iwm.

Laakiin waxa ay dhakhaatiirtu ka digeen in qofku uu isticmaalo hilibka dufanka / baruurta leh. Waxa kale oo laga digay digaagga maqaarka yar ee sare laga fiiqay (Laga dhilay) iyo kalluunka shiilan kuwaas oo dhammaantood uu ku jiro dufan dheeraad ah oo haddii uu jidhka galo, kaxaynaya dhalaalka iyo quruxda dabiiciga ah ee maqaarka.

Cuntada firiga leh:

Cuntada midhaha ah oo ah tan dadka qaar u yaqaannaan ‘Waddaniga’ ayaa ka mid ah cuntooyinka aasaaska u ah cunto qaadashada xilliga soonka.

Cuntadan oo ay ka mid yihiin, fuulka, biiniska, digirta, salbuukada, fuulka cad (Harakoo), qamandi, hadhuudh iwm, ayaa ah cuntooyinka galka leh oo qani ku ah macddanaha iyo faytamiinnada maqaarak quudiya, duxdana u sameeya.

Beedka (ukunta):

Beedku waxa uu hodan ku yahay faytamiin B6 iyo maadadda kale ee Biotin, sidaa awgeed waxa uu xoojiyaa dhismaha unugyada jidhka iyo ciddyaha. Sida oo kale waa uu ilaaliyaa caafimaadka iyo midabka dabiiciga ah ee ee maqaarka. Maadadda kale ee Selenium oo beedka laga helo ayaa iyaduna maqaarka ka ilaalisa baraha madow ee ku samaysma.

Afakaadho:

Afakaadhuhu waxa uu hodan ku yahay Faytamiin E iyo asiidho duexeed aasaasi ah oo maqaarka ka ilaalisa dhibaatada ka soo gaadhaya waxyaabaha dibadda kaga yimaadda maqaarka sida dhaawac ay dikhowga hawada iyo ingaggu ku keenaan  maqaarka. Waxa kale oo ku jira maaddooyin liddi ku ah mariidka oo maqaarka siiya muuqaal dhalinyaronimo kana ilaaliyaha calaamadaha gabowga.

Cabbitaannada dabiiciga ah:

Cabbitaanka laga miiro khudraddu, waxa uu hodan ku yahay faytamiinno kala duwan, sidaa awgeed waxa uu maqaarka ku kordhiyaa dhalaal dheeraad ah, waxa aanu kaalin aasaasi ah ka qaataa in uu gudaha hoose ka soo qooyi maqaarka. Ku dadaal in cabbitaannadaadu ay noqdaan kuwa dabiiciga ah ee la miiro, gaar ahaan ogow cabbitaanka cananaaska iyo shamaambka oo ka mid ah khudradda maqaarka dhalaalka iyo caafimaadka gaarka ah I siiso.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *