In cuntada aynu cunayno la iska maydhaa waa arrin caafimaadka u fiican dhaqan ahaanan tan iyo carruurnimada lagu barbaariyo ubadka. Waxa aynu naqaannaa in dadka cuntada kariya rag iyo dumarba ay badankoodu cuntada ay karinayaan maydhaan karinta ka hor, laakiin cilmi ahaan, waxaa la xaqiijiyey in cuntooyinka qaar aanay u baahnayn in la maydho. Iyo in cuntooyinka qaar maydhistu ku sababto in ay cuntada oo dhan ku faafto/gaadho bakteeriyada ku nool oo marka hore laga yaabo in ay meel keliya ku urursanayd.
Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda MBC qaybteeda ka faalloota arrimaha caafimaadka, waxa khubaro caafimaad ka soo xigatay in ay cuntooyinka hoos ku qorani ka mid yihiin cuntada aan u baahnayn maydhista ama maydhistu dhibaato ku keeni karto.
Beedka:
In kasta oo uu beedku leeyahay qolaf sare oo aan cuntada ka mid ahayn, sidaa awgeed dad badani dareensan yihiin in aanu maydhis u baahnayn, haddana waxaa in badan ka dhacda cunto-kariyeyaasha in ay maydhaan beedka iyaga oo diidaya in ay gacantoodu taabato, kadibna cuntada kale gaadho.
Waxa ay khubaradu sheegeen in aan loo baahnayn in beedka la sii maydho, marka la karinayo ama tallaagada la gelinayo. Sababtuna waa beedka oo marka horeba Alle u sameeyey maaddo ka hortagta faafitaanka bakteeriyada oo dusha sare qolafka ka mid ah. Waxa ay khubaradu sheegeen in maydhistu ay dilayso ama tirtirayso maadaddaas, taasina ay bilow u noqonayso in bakteeriya aad u badani ku dhalato.
Hilibka digaagga:
Khaladka ugu weyn ee ay khubaradu sheegeen in cunto-kariyuhu galaa waa maydhista la maydho hilibka digaagga ka hor inta aan la karin. Waa qalad ay xeeldheereyaashu sheegeen in uu khatar ku yahay caafimaadka. Maydhista hilibka digaaggu waxa ay sababtaa in bakteeriyada hilibka digaagga dushiisa saaran gaar ahaan bakteeriyada lagu magacaabo Salmonella oo hilibka digaagga ku nool.
Waxa ay khubaradu ka digeen in bakteeriyada Salmonella awood ay u leedahay in ay si dhaqso ah ugu faafto weelka iyo guud ahaan kijada oo dhan, sidaa awgeed waxa ay ku taliyaan in hilibka digaagga marka tallaagadda laga soo saaraba aan la sii dhigin meel kale oo kijada ah ee toos daba loo saaro. Digaagga oo la isku dayo in si caadi ah loo maydhaa waxa keliya ay sababaysaa in bakteeriyadu ku wada faafto hilibka maadaama oo aanay biyaha caadiga ahi dilayn iyo in bakteeriyadaasi gaadho gacmaha cunto kariyaha oo uu meelo kale sii gaadhsiiyo, weelka biyaha lagu shubay iyo kijada oo dhanna gaadho. Waxaa iyaduna muhiim aada ah in dab aad u badan lagu kariyo, si ay bakteeriyadu u dhimato. Xeeldheereyaal badanina waxa ay ku taliyaan in hilibka digaagga inta aan la shiilin ama si kale loo samayn, marka koowaad biyo aad u kulul lagu rido.
Hilibka xoolaha:
Waxa ay khubarada caafimaadku ka digeen in la maydho hilibka nooc kasta oo uu yahay, waaxa aanay sheegeen in maydhista hilibku ka qayb qaadato in bakteeriyada ku dul nooli ay ku faafto weelka iyo goobta lagu dul dhaqayo, gacmaha qofka iyo guud ahaan kijada. Sida ugu fiicani waa in biyo aad u kulul lagu rido, kadibna biyahaas uun laga rogo.
Maydhista baastada:
Dadka qaar ayaa dhaqan u leh in ay baastada maydhaan. Waxa ay khubaradu sheegeen in baastada lagu sameeyo maaddo ah ta suurtogelinaysa in ay marka dambe nuugto ama uu gudaha u galo maraqa iyo dhadhaanka ama qoyaanka kale ee lagu samaynayaa. Waxa se ay khubaradu sheegeen in baastada la maydhi karo marka la kariyo kadib haddii loo baahdo.
W/D: Kamaal Marjaan