Sida caadada ah sanad kasta xiligaan oo kale waxa ardayda dalalka reer galbeedka ay dugsiyada waxbarashada ku noqdaan bisha September kadib fasaxa xagaaga oo ku dhawaad ardaydu 3 bilood ay ka fadhiyeen waxbarashada, Sidaa awgeed Hafza Hassan ayaa natusinaysaa cunto u fiican ilmaha iskuulka aadaya, waalidkana u fudud.
Ilmaha inta badan waxay xiiseeyaan rootiga cuntada la dhex geliyo ee loo yaqaan sandwich-ka. Hafza ayaa nala wadaagaysaa 3 nooc oo loo samayn karo rootigaan.
Nooca koobaad: waxaa loo yaqaan Egg Salad Sandwich, waa ukun, khudaar shiidan iyo ansalaato la dhex gelinayo rooti
Nooca labaad: Waxaa loo yaqaan Tuna Salad Sandwich, waa kalluunka qacasadaysan, khudaar shidan iyo salad la lagu cunayo muufada bacaha ku jirta ee la yiraahdo flax pita bread
Nooca Saddexaad: Waxaa loo yaqaan Chicken Salad Sandwich, waa hilib digaag lagu darayo khudaar shiidan, cream cheese iyo ansalaato kadibna la dhex gelinayo rooti,