Cuntada Ay Cusbada Ku Yartahay (Low Sodium Foods)

Cusbadu waa macdan si dabiici ah looga helo cuntooyinka mar marka qaarkoodna lagu daro cuntooyinka. Cusbada waxay ka qayb qaadataa ilaalinta iyo miisaamida dheecaanada jirka kujira. Cunida cunto cusbadu ku yartahay waxay faaido wayn u tahay jirkeena, waxay kahortagtaa wadna xanuunka iyo dhamaan cudurada ku dhaca halbawlayaasha dhiiga qaada.

Hadii aad qabtid xanuunada wadnaha, dhiikar, ama hada kahor aad wadna xanuun kugu soo booday, waxaa khasab ah in dhakhtarkaagu kaala hadlo sidii aad u xadidi lahayd cusbada aad qaadatid maalin walba. Dhab ahaantii cunto cusbadu kuyartahay ayaa u fiican qof walba oo raba in wadnihiisu caafimaad qabo. Waa inaad isbartaaa in aad isticmaashid cuntooyin cusbadu kuyartahay oo caafimaad qaba si aad uga badbaadid khatarta ay keento cusbada badan.

Hadii aad rabtid inaad yaraysid xadiga cusbo ee aad cuntada kundarsanaysid si dhadhan ay u yeelato cuntadu, waa inaad isku daydaan inaadan isticmaalin wax kabadan 2000 oo milligram oo cusbo ah. Waa far iyo suul cusbo lagu qiyaasi karo. Waxaa hubaal ah hadii aad saas samaysid inaad kabad baadi doontid halista cusbadu u leedahay caafimaadkaaga.

Sidee u yarayn kartaa cusbada badan

  • Jooji dhamaan cuntooyinka cusbada leh ee aad qaadatid, sidoo kale yaree cusbada aad kundarsatid cuntada aad karisid.
  • Dooro oo gado cuntooyinka cusbadu ku yartahay. Waxaad heli kartaa cuntooyin aan ka koobnayn wax cusbo ah ama cusbadu ku yartahay, cusbadu inay yartahay waxaa lagu qiyaasi karaa waa inaysan ka badnayn 140 mg halkii xilli.
  • Mararka qaarkood waxaad suuqa ku arki kartaa waxyaalo lagu badalay cusbada oo ay kamid yihiin maadada botaashiyam, hadii aysan botaashiyam ku yarayn jirkaaga ha qaadan hana ku badalin cusbada.
  • Noqo mid hal abuur leh, isku day inaad ka maarantid cusbada, isticmaal waxyaalo dhadhan u yeelaya cuntada. Sida liin dhanaanta, basbaaska, toonta, khalka, iyo xawaajiga. Dhamaan waxyaalahaas waxay kaa ilaalin karaan inaad cusbo u baahatid waxayna ka qayb qaadan karaa in caafimaadkaagu wanaagsanaado.
  • Ka taxadar marka aad suuq wax ka gadanaysid isku day inaad akhrisid waxa ku qoran shayga aad gadanaysid, hadii xadiga cusbada kujira shayga aad gadanaysid uu ka bato 400 mg ama kasii badan ha gadan.
  • Cuntada gurigu way ka caafimaad badantahay markasta mida suuqa ama suuqyada casrigaa( super markets) laga gato. Hadii aad awoodid karso cuntadaada ama cun mida xaafada laga kariyay.
  • Ha u isticmaalin inaad cunto ku karisid biyaha la sifeeyay waayo cusbada ayaa ku badan.
  • Iska ilaali qaadashada dawooyinka cusbadu ku badantahay sida Alka Seltzer iyo Bromo Seltzer.

Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Haddii Jidhkaaga Ay Gashay Milix Badan Iyo Khataraha Ka Dhalan Kara

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *