In badan ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadku ay soo saartaa warbixinno ka digaya khatarta ay kicista dhiiggu ku keento wadnaha, halbawlayaasha dhiigga, maskaxda iyo kilyahaba, waxayna hay’adda WHO ku baaqdaa in qofku uu raaco hab uu mar kasta ku dejinayo dhiiggiisa, iyada oo talooyinka ay soo jeediyaanna ay ka mid tahay in la joojiyo sigaar cabbista, jimicsi la sameeyo isla markaana ugu badnaan malqacadda shaaha mugged oo milix ah uu qofku ku darsado cuntada.
Muuska:
Dhakhaatiirta ku xeeldheer dhiig-karku waxa ay xaqiijiyeen in muusku uu hodan ku yahay curiyaha Potassium oo qayb libaax ka qaata shaqada wadnaha, sidoo kale muusku waxa uu kaalin muhiim ah ka qaataa nidaaminta wareegga dhiigga, arrimahaas awgeed ayaanay dhakhaatiirtu ku taliyeen in qofka dhiig-karka lihi uu maalin kasta cuno laba xabbo oo muus ah, iyaga oo sheegay in toddobaad gudihii uu isku arki doono dhiiggiisa oo boqolkiiba 10 hoos u dhacay.
Baytaraafka (Beetroot):
Cilmibaadhis kale oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa iyaduna daahfurtay in maadadda Nitrates oo ku jirta Beytaraafku (Waxaa afka qalaad lagu yidhaahdaa Beetroot sidaa awgeed dadkeenna qaar ayaa u yaqaanna Betruul) marka la cuno ay saacad keliya kadib si aad ah u dejiso dhiig-karka, weliba dejintaas oo keliya aanay ahayn ee ay muddo 24 saac ah dhiigga ka ilaaliso in uu kaco.
Toonta:
Xeeldheerayaal caafimaad ayaa xaqiijiyey in toontu ay wadnaha ilaaliso, si weyna u caawiso in dufanka (Kalastaroolka) dhiiggu uu hoos u dhaco isla markaana dhiigga ka ilaaliso in uu guntamo, iyada oo sida la og yahay haddii uu dhiiggu guntamo (Xinjiroobo) uu sababo in xididdada dhiiggu xidhmaan, oo qofka uu faaliga ku dhufto ama maskaxda uu dhiig kaga furmo. Cilmi baadhis caafimaad ayaa lagu ogaaday in qofka oo maalintii cuna laba xabbo oo toon ahi ay dejiso dhiig karka, wadnaha bad-qabkiisana ilaaliso.
Xusuusin: Mac-hadka Qaranka ee caafimaadka ee dalka Jarmalku waxa uu qiyaasta dhiig karka u aqoonsan yahay marka uu kicitaanka dhiiggu kor u dhaafo 140/90.
Diyaariye: Kamaal Marjaan