Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

cuntooyinka kacsiga raga,

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha kacsi la’aanta iyo biyo baxa degdega ah. Tani waxa ay keentaa in ragga ay isticmaalaan dawooyinka kiimikada ah si u wanaajiyaan howl-gudashadooda sariirta.

Si kastaba ha ahaatee, dawooyinkani waxa ay sababaan kacsi waqti dheer qaata iyo cillado kale oo caafimaad. Hadaba uma baahnid inaad isticmaasho dawooyinkan waxyeellada badan si aad sare ugu qaado hamigaaga iyo howl-gudashadaada sariirta, waxaad si dabiici ah rabitaankaaga ugu kobcin kartaa cunnooyinka dabiici ah.

Cunnooyinkani waxa ay kobciyaan qulqulka dhiigga ee gaaraya xubnaha taranka, waxa ay sare u qaadaa tayada shahwada, waxa ay ka hortagaan kacsi la’aanta waxayna kordhiyaan doonista jinsiga. Hadaba cunnooyinkan waxaa ka mid ah

Lohodka (oysters):

Waxaa ku badan macdanta zinc, taas oo muhiim u ah soo saarista hormoonka testosterone iyo ilaalinta caafimaadka shahwada.

Shukulaatada madow:

Waxaa ku jira maadooyinka “phenylethylamine” iyo “serotonin” oo kordhiya farxadda iyo rabitaanka. Sida oo kale, shukulaatada madow waxa ay kordhisaa qulqulka dhiigga ee halbowleyaasha.

Lawska:

Lawska waxaa ku badan dufanka omega3 iyo maadada loo yaqaanno “L-arginine” kuwaas oo kobciya qulqulka dhiigga, islamarkaana caawiya howsha galmada.

Khudradda caleemaha cagaaran:

Caleenta koostada iyo sukuumada waxa ay faaido u leeyihiin kordhinta qulqulka dhiigga ee gaaraya xubnaha taranka, waxaa ku jira macdanta magnesium oo ballaarisa xididada dhiigga, sidaasna ku siyaadisa qulqulka dhiigga.

furuutka:

  • Miraha beeriska: Waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista, kuwaas oo kobciya wareegga dhiigga.
  • Afakaadhada: Waxa ay hodan ku tahay fitamiin E, potassium iyo dufanno caafimaad leh, kuwaas oo ka qayb qaata caafimaadka wadnaha iyo soo saarista hormoonnada.
  • Qaraha: Waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “citrulline” taas oo dejisa xididada dhiigga, qulqulka dhiiggana kobcisa.

Hilibka xoolaha iyo digaagga:

Waxaa laga helaa macdanta zinc iyo barootiin, kuwaas oo muhiim u ah ilaalinta heerka hormoonka “testosterone”.

Ukunta:

Waxaa laga helaa fitamiinnada B5 iyo B6, kuwaas oo caawiya dheelitirka heerka hormoonnada, stress-kana yareeya.

Toonta:

Waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “allicin” oo sare u qaada qulqulka dhiigga, sida oo kalena kobcisa howl-gudhashada galmada.

Sinjibiisha:

Waxa ay wanaajisaa qulqulka dhiigga ee gaaraya jirka, waxayna sare u qaadaa caafimaadka halbowleyaasha, sidaas awgeed waxa ay wanaajisaa doonista jinsiga.

Ugu dambeyntii cunista cunno isku dheellitiran, helidda hurdo kugu filan, jimicsi joogto ah iyo stress-ka oo aad maarayso waxa ay si wayn u kobcinayaan caafimaadka galmada iyo rabitaankeeda .

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *