Cunnooyin Burburintooda Ay U Fududahay Dheefshiidka Oo Ku Haboon In Lagu Afuro

dheefshiidka, cuntooyinka afurka

Sannad kasta bilowga bisha soon iyo horraanteedaba waxa ay dhakhaatiirtu soo saaraan talooyin caafimaad oo qofka muslimka ah ka caawinaya in uu cibaadadan qaaliga ah guto, isaga oo dhinaca kalana ka helaya caafimaadkii jidheed ee ku jiray, kana fogaanaya khatartaha iman kara haddii qaladaad qofka ka dhacaan.

Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa talooyinkaas qaar ka mid ah oo ku aaddan cuntooyinka ku habboon in uu qofku ku afuro. Cuntadaas oo ay dhakhaatiirtu ku sheegeen mid caawinaysa caafimaadka guud, si gaar ahna jidhka ugu fududaynaysa in uu soo ceshado dareerihii uu maalinnimadii soonka ku waayey, kana fogeynaysa cillado dhinaca xiidmaha ah, gaasteri iyo calool istaag.

Cuntooyinka hoos ku xusan ayaa ka mid ah kuwa ay dhakhaatiirtu marar kala duwan ku celceliyaan in ay u fiican yihiin caafimaadka caloosha iyo xiidmaha ee xilliga soonka:

Khudradda:

Khudraddu waxa ay leedahay biyo badan, waxaa ka mid ah khayaarka, xabxabka, tufaaxa iyo salladhka, sidaa awgeed waxa ay jidhka ka caawiyaan in uu soo ceshado dareerihii uu ku waayey soonkii maalinnimo.

Khudradda noocyadeeda aan cagaarnayn waxa ay qoysaa jidhka, waxa aanay siisaa tamarta uu u baahan yahay, gaar ahaan waa xabxabkaCananaaska iyo Liin macaanta.

Shurbadda:

Shurbadda oo inta badan guryaha lagu kariyo xilliga soonku waxa ay hodan ku tahay dareeraha, in afurka la cunaana waxa ay caloosha ku baraarujisaa in ay qaabisho cuntada soo socota, waayo maadaama oo uu dheefshiidku maalinta oo dhan shaqo la’aa, waxaa dhibaato ah in hal mar isaga oo aan shaqadii ku wada baraarugin lagu bilaabo cunto shiidisteedu shaqo badan u baahan tahay. Shurbaddu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka qofka dejiya, sida fududna dheefshiidku u ridqi karo, si cuntada ka dambaysaa u soo gasho isaga oo sidii caadiga ahayd shaqada u wada bilaabay.

Timirta:

Timirtu waa ay jidhka siisaa tamar u soo bedda tamartii badnayd ee kaga luntay soonka. Waxa kale oo ay jidhka ka caawisaa in uu soo daayo dheecaannada dheefshiidka, taas oo fududaynaysa in habdhiska dheefshiidku baraarugo oo isu diyaariyo in uu si habsami ah u shiido cuntada ka dambaysa timirta.

Caanaha:

Caanaha waxaa ku jira maadadda Kalshiyaamta, iyo Barootiinno, waxa aana lagu tiriyaa cuntooyinka ka hortagga xanuunnada ku fiican. Caanaha waxaa ku jira bakteeriyo kala duwan oo u fiican caafimaadka caloosha, midhicirada iyo habdhiska dheefshiidka.

Cuntooyinkaas aynu soo sheegnay iyo in uu qofku cabbo biyo ku filani waa habka ugu wanaagsan ee uu si caafimaad qabta uga soo kaban karo tacabka iyo tamar darrada soonka, isagana ilaalin karo xaalado caafimaad darro oo qaladaad qofka ka dhaca awgeed ku iman kara.

Maraq khudrad ah:

Ku dadaal in aad cabto maraq ka samaysan khudrad aad u badan, sida khudradaha cagaaran ee ay ka mid yihiin Barakooliga, Koostada, faasuuliyaha cagaaran, dabacasaha, iyo guud ahaan khudradaha lagu ogyahay faytamiinnada iyo macdanaha muhiimka u ah jidhka. Maraq diirran oo khudrad ka samaysani waa cuntada ugu fiican dheefshiidka aan maalinta dheer wax shaqo ah soo qaban.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

noocyada madax xanuunka, goonjab, dhanjafka,

Noocyada Madax Xanuunka, Calaamadaha Lagu Kala Garto Iyo Hababka Loo Maarayn Karo

Madax xanuunku waxaa uu saameeya ku dhowaad kala bar dadka dunida ku nool, taas oo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *