Cudurka Tayfoodh (Typhoid Fever)

cudurka tayfoodhka tiiFow tayfoodh tiifowgaInta aynaan guda gelin cudurkan Tayfoodhka waxa xusid mudan in aynu wax ka taataabano kuwa iyagana ay keento deris ku noosha Tayfoodhka keenta, kuwaas oo aan ahayn Tayfoodh (Non Typhoid Salmonella), kuwan oo ah kuwa ugu badan cudurada faafa, Hase yeeshee ka fudud xumada Typhoid ee rasmiga ah.

Salmonella Sp waxa la isugu gudbin karaa xayawaanka iyo dadka iyo dadka oo u gudbiya dadka. Xanuunka ay keenaan waa mid fudud, xadidan oo sahlan. Habkan loo baadho ee cudurka laga eego qaybta cad ee dhiiga ee loo yaqaan (Serum), waxa look ala saari karaa in ka badan 1400 nooc. Tusaale waxaynu u soo qaadan karnaa Paratyphi B, wuxuu xanuun ku keenaa xayawaanka oo qudha oo aan dadku ku jirin,

Salmonella enteritidis sero teype pullorum, wuxuu weeraraa digaaga, inkasta oo mararka qaarkood xanuun ku keeni karo xoolaha. Dhammaan noocyada faraha badan ee aynu kor ku soo xusnay ayaa dadka dhiigooda lagu arki karaa iyagoo aan waxyeelo badan u lahayn. Hase yeeshee xummada dhabta ah ee (Typhoid fever) waa mid halis badan oo mar qudha wada gaadhi karta dad farabadan, isla markaana u baahan in la karintiimeeyo dadkaa uu haleelo cudurkan Typhoid. Cudurkan waxa keena deris ku nool la yidhaahdo Salmonella Typhi oo bedkeedu celcelis ahaan noqonaya (Range Size 2-3mmx0.6mm), qiyaasta micron la yidhaa. Kani waa mid dadka u khaas ah oo leh xumad, madax xanuun, daal, qufac iyo marmarka qaarkood finan yar yar oo ka soo baxa afka iyo caloosha.

Isha ugu weyn ee fiditaanka cudurkan Tayfoodh waa qofka qaba oo dulinkan salmonella typhi oo cadadkeedu badan yahay qashan saara sida saxarada iyo kaadida, inkastoo qiyaas aan badnayn lagu arko mataga, candhuufta iyo dhareerka. Qofka xanuunkan qaba saxaradiisa waxa soo raaca qiyaas dulin ah 106 pergram, taas oo keeni karta marka qofku dibada ku saxaroodo in degaanku wisikhoobo. Deris ku nooshan salmonella typhi waxay ku noolaan kartaa muddo todobaadyo ah biyaha, barafka, boodhka iyo kudaafadaha qalaley. Biyaha iyo cuntada ayaa si toos ah ama aan toos ahayn u sadheysa saxaradaaa iyo kaadidaa belaysani oo ah meesha 1-aad ee cudurkani ka fido.

Waxa marar badan dunida ka dhacay in uu dilaaco (Epidamic), xumada tayfoodhka ah oo ka dhalatay biyaha oo sadhoobay, ka dib markii tuunbooyinka ama beebabka biyaha qaada oo la kala furay dhexgaleen ciid iyo saxaro ay ku jirto deris ku nooshani. Waxa kale oo dhacda in daadadku soo qaadan dulinka cuddurkan, iyagoo keenaya ceelasha, barkadaha iyo meelaha biyo fadhiisinada oo ay halis tahay in la cabo biyaha, iyada oo aan la karkarin. Cuntada iyo waxyaalaha kale ee dadku quudanayo ayuu dulinkan soo gaadhsiiyaan siigada, dabeysaha, digsiga, jiirka iyo cayayaankada kale. Sidoo kale, ayaa kalluunka oyster iyo ka loo yaqaan shelfish laga qaadaa cudurkan, marka kudaafada iyo xashiishka lagu shubo baddaha xeeligooda.

Ilaa hadda xanuunkan tayfoodh waa mid muhiimad balaadhan u leh dunida aan tayada nadaafada degaanka iyo caafimaadka bulshada aan kor loo qaadin, taas oo lagu yarayn karo fiditaanka cudurkan. Cudurkan waqtiga uu qofka ka soo baxaan calaamadihiisa u horeeya ilaa markii ugu horeysay ee oqfka deris ku nooshiisu jidhka soo gashay oo loo yaqaan (Incubation period), waa 8-14 cisho. Meesha ay ka gudubto ama ka gasho waa caloosha, qiyaas yar oo salmonella typhi ah ayaa dhakhso u gelaysa, iyada oo marba marka sii dambaysa intay dhambalanto sii tartmaysa una gudbaysa midhicirka yar, ka dibna nudaha qaarkoodna waxay u tallaabaan durdurka dhiiga oo ay tagaan beerka, beeryarada iyo dhuuxa. Qanjidhka Bile-ka ayaa ka masuul ah in uu dib ugu soo daadiyo hab-dhiska qashin saarka dulinkii oo xajmigiisu badan yahay oo oo wajigii labaad soo glaay.

Waqtiga uu xanuunku marayo marxalka 2-aad iyo 3-aad, ka dibna waxa bukooda beeryarada oo uu dhagax ku samaysmaa. Waxa kale oo dhacda in dulinku waxyeelo u geysto midhicirka, taas oo marmarka qaarkood keenta in mindhicirkii qarxo oo dhiig ka furmo. Dhiig-furankan mindhicirka ayaa ku dhaca 2%, taas oo ah xaaladaha ugu xun ee cudurku keeno, taas oo ay horsed u yihiin calool xanuun iyo dibiro dhanka midi gee caloosha ah iyo gariir, ka dibna waxa la arkaa calaamadii ugu horeysay ee dhiig-furanka oo ah in marqudha heerkulkii bukaanku hoos u dhaco, isla markaana garaacii wadnuhu bato. Dhiig-furankani wuxuu dhacaa mar ama ka badan, ka dibna heer-kulkii jidhku wuxuu ku noqdaa meel caadi ah, hadii aanu dhiig bax u dhiman bukuhu. Beerka ayaa barara bukaanka, dadka qaarkoodna waxay yeeshaan qufac qalalan oo sida oofta ah, qandho, xumad iyo saxa-xumo.

Calaamadaha cudurkan todobaadka 1-aad xumadu had iyo jeer waa calaamada ugu horeysa, taas oo marna kacaysa marna degaysa, sida saacada. Todobaadka ugu horeeya, ka dibna hamuumta ayaa lunta garaaca jidhka dhamaantiis ah ayuu bukaanku yeeshaa, madax xanuun u badan qaybta hore ee madaxa iyo margiyada ayuu yeeshaa, saddex marka loo qaybiyo bukaanka cudurkan laba ka mid ah ayaa yeesha qufac aan soo baxayn, halka 10% ay yeeshaan goror ama sanka oo dhiig ka furmo. 10% waxay yeeshaan shuban, halka 10% dadku saameeyey xanuunkani noqdaan sidayaal inta noloshooda ka hadhay. Todobaadka 2-aad xumadii ayaa soo noqota, inkastoo ay ka yar tahay sidii todobaadkii hore.

Halbeega heerkulka jidhkuna wuxu noqdaa hada iyo jeer 104f0. Ubucda ama uur ku jirta ayaa xanuunta bukaha, dawakhaad ayuu yeeshaa, maskax wareer, daal, dibiro iyo awood daro ayaa ku dhacda, bukuhuna waa todobaadka xaalkiisu ugu daran yahay. Dhibco yar oo cascas oo qiyaastoodu tahay 2-5mm ayaa ka soo baxa caloosha dusheeda, kuwaas oo aan gaadhin 20 dhibcood, dhibcahaas ama finankaas waxa lagu arkaa ilaa 80%, waxaanay ku baaba’aan muddo 2-4 maalmood gudahood. Bukaanada uu cudurkani haleelo qaarkood wuxu ku keenaa in khalkhal uu galo habdhiskii wareega dhiigu, qaarkoodna wuxuu ku keenaa in timuhu go’aan oo ay yeeshaan bidaar.

Xanuunkani wuxuu ku soo noqdaa (relapse) 8-10%. Laba todobaad ka dib marka uu bukaanku qaato daawada lidka ku ah cudurka sida Chloramhenicol, inkastoo soo noqoshada cudurka calaamadihiisu ka sahlan yihiin kuwii markii hore, kuwaas oo sii socon kara ilaa saddex todobaad oo kale, waxa kale oo dhici kara in hadana xanuunku soo laba kacleeyo oo mar saddexaad qofka ku soo noqdo. Baadhista shaybaadheed ee xummadan tayfoodhka, habka loo koriyo il-ma-qabatayga ee (culture) 90% ayaa laga helaa dhiiga bukaha todobaadka ugu horeeya ee xanuunka, 50% dhiigooda waxa laga helaa cudurka todobaadka hore dhamaadkiisa, laakiin todobaadka 4-aad in badan lagama helo dhiiga halka saxarada marxalad kasta oo xanuunku marayo laga helo.

Laba ilaa saddex bilood ka dib markii ugu horeysay ee xanuunkani bilaabmay, bukaanka uu xanuunkani hayo 5-10% ayaa saxaradooda il-ma-qabataygan salmonella typhi la socota. Sidoo kale 3% dadka ka mid ah ayaa qashin saara dullinkan muddo sannad gaadhaysa. Xumadani dadka qaan-gaadhka ah ayay kaga badan tahay caruurta, ragga iyo dumarkana waxay ku badan tahay dumarka. Xanuunkani wuxu leeyahay tallaal, qiyaastiisa dhimashada aad ayay u badnayd. Hase yeeshee intii la soo saaray daawada chloramphenicol cudurkan dhimashadiisu way ka yaraatay sidii hore, waxaana lagu qiyaasaa celcelis ahaan 10%. Cilmiga saynisku wuxuu si fiican u iftiiminayaa in cudurada lagaga hortagi karo nadaafada degaanka iyo ta qof ahaaneed. Bal akhristow u fiirso sdia ay diinteena islaamku inoogu bayaamisay 1400 oo sanno ka hor waxtarka dahaarada.

Dahaarada macnaheedu xaga luuqada waa nadaafada, nadaafada jidhka ama dharka ama meesha aad joogto, waxaana lagu wariyey xusida dahaarada qur’aanka dhexdiisa in ka badan sodon maalmood oo ay ka mid yihiin, illaahay wuxu ku yidhi aayada 222-aad ee suuratal Al-baqara “Ilaahay wuxu jecel yahay dadka u toobad keenista badan, wuxu kaloo jecel yahay kuwa is daahirinta badan”. Wuxu rasuulku yidhi (NNKH) “Nadaafadu waxay kuugu yeedhaysaa iimaanka, iimaankuna saaxiibkii waa kii la jira janada”. Waxa uu illaahay ku yidhi Aayadaha 1, 2, 3, 4-aad ee suurada Al-muda-thir “kan is dedayow kac, dadkana u dig, rabigaana weynee, dharkaagana daahiri”. Waxa rasuulka (NNKH) yidhi “Illaahay waa wanaagsan yahay, wuxuuna jecel yahay wanaaga, waa nadiif, waxaanu jecel yahay nadaafada, waa kii karaamayn badan jecelna karaamaynta, waa deeqsi, wuxuuna jecel yahay deeqda, degaankiina nadiifiya”. Wuxuu illaahay ku yidhi Aayada 6-aad ee Suurada Al-Maa’idah “Illaahay idinla dooni maayo in uu dhib idin kor saaro, wuxuuse idinla rabaa in uu idin daahiriyo”.

Waxa kale oo nadaafada ku soo arooray xadiisyo aan la tirin karin, waxaana ka mid ah “Lama oggola salaad aan qofkeedu daahir ahayn”. Aayadahan iyo axaadiistaas oo dhami waxay ina tusayaan sida uu islaamku ugu dedaalay nadaafada una adkeeyey ilaalinteeda, sababtoo ah nadaafadu waa aasaaska quruxda iyo caafimaadka jidhka, waana ujeedada ugu weyn ee islaamku inagu toosinayo, wuxuuna u aqoonsan yahay in uu dadka baro nadaafada, sida islaamku qabana qofka aadamiga ahi sharaf iyo qiimo midna ma laha hadii aanu ku dedaalin nadaafada, waxaana laga rabaa in uu nadaafada ugu dedaalo, cuntadiisa, sharaabkiisa, dharkiisa iyo muuqaalkiisa guud ahaaneed, waana in uu qofku ka dheeraado wixi u keenaya magac xumo iyo mansab xumo iyo arag xumo. Waxayse xambaarsan tahay dadnimada iyo qadarinta qofku waxa ay tahay. Waxaynu ogsoonahay fiditaanka xumada Typhoid inay ku fido saxarada iyo kaadida qofka qaba oo si toos ah ama si dadban u gaadha cuntada iyo biyaha aynu quudano.

Maadaama ay siyaabahaas ka mid yihiin kuwa lagu qaadayo cudurkan iyo qaar kale oo badanba islaamku wuxuu ka reebay qofka muslimka ah inuu ku saxaroodo iyo in uu ku kaadsho biyaha loo arooro, si aanu dhibin dadka kale, waxaa jaabir laga weriyey (RC) in rasuulka (NNKH) uu reebay in lagu kaadsho biyaha fadhiya. Sidoo kale waxa Abu Hureyra laga soo weriyey illaahay raali ha ka noqdee in uu yidhi rasuulku (NNKH) qofku yaanu ku kaadshin biyaha fadhiya, dabadeedna yuu ku maydhan.

Markii ay labada gacmood noqdeen xubnaha ugu shaqo badan jidhka ee wax walba taaban kara ayuu islaamu amray in la joogrteeyo nadiifintooda cuntada ka hor iyo ka dib labadoodaba, waxaana ka mid ah nadaafada gacmaha weysada in ay nadiifinta gacmuhu waajib tahay, waxa tusaale u ah in uu yidhi rasuulku NNKH “Qofkii seexda iyadoo hilib ka urayo farahiisa ee la asiibo yaanu canaanan naftiisa mooye cid kale”. Waxaynu fahamsanahay in cunista cuntada lagu cuno gacmo aan nadiif ahayn ay cudduro keeni karo, waxaa markaa inagu waajib ah in aynu caruurta baro ujeedada islaamku ugu wacyi geliyey caalamka ka hortaga cudurada oo ay gacmahooda nadiifiyaan cuntada ka hor iyo ka dib. Ujeedada islaamku kuma koobna labada gacmood oo la nadiifiyo, laakiinse rasuulku NNKH wuxu inagu dhiirigeliyey in aynu iska jarno cidiyaha, waana arin sune ah, sababtuna waxa ay tahay cidiyuhu waxay dhib u geystaan caafimaadka dadka.

W/Q: Wacays Axmed Maxamuud Barre Adduunyo

Check Also

khudrado, wadnaha

Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Wadnaha

Wadne xanuunku waa sababta koowaad ee dunida maanta loogu dhinto waxaana la aaminsan yahay in …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *