Cudurka Herbiska Ee Ku Dhaca Afka Iyo Xubnaha Taranka (Herpes Simplex)

Herbis waa caabuq uu keeno feyruska loo yaqaan Herpes simplex Virus. Feyruskaan ayaa sababa finan wata caabuq kuwaasoo ku dhaca inta badan afka iyo xubanaha taranka. HSV waxaa loo qaybiyaa laba nooc kuwaasoo kala ah HSV-1 iyo HSV-2. Waxaa ay masuul ka yihiin caabuqa ama finanka ku dhaca afka gaar ahaan bishimaha iyo xubnaha taranka. Caabuqaan ayaa caan ku ah cuncun waxuuna saamayn ku yeelan karaa xubnaha kale ee jirka. HSV-1 waa feyruska inta badan loo sababeeyo caabuqa ku dhaca afka halka HSV-2 loo aaneeyo caabuqa ama finanka ku dhaca dhaca xunahaha taranka.

Maxaa sababa Herbis

Caabuqaan ayaa ah mid lagu kala qaadi karo qaabab kala duwan, waana mid ku fidi kara taabashada. Caruurta uu ku dhaco feyruskaan ayaa macquul ah inay la noolaadaan feyruskaan inta ka hartay noloshooda. Feyruskaan ayaa waxaa sidoo kale lagu kala qaadi karaa dhunkashada, isticmaalida ama joogtaynta in wax lagu cuno hal saxan ama qaado waqti dheer, isla isticmaalida rooseetada ama kareemada afka iyo in lala sameeyo galmo ruux qaba caabuqaan.

Waa maxay astaamaha lagu garto ruuxa qaba

Herbis waa caabuq lagu ogaan karo si fudud. Ruuxa qaba xanuunkaan waxaa afkiisa ama xubnihiisa taranka laga arki karaa finin yaryar. Qofka ayaa dareema cuncun waxaana dhacda inuu marwalba xoqo. Qandho, murqo xanuun iyo calaamadaha kale ee harkabka ayuu dareemaa qofka qaba caabuqaan. Dadka uu caabuqani ka saameeyay xubnaha taranka ayaa waxay isku arkaan kaadida oo dhibta ama xanuun ay dareemaan xiliga ay kaadinayaan.

Yaa halis ugu jira Herbis

Qof walba waa uu ku dhici karaa herbis. Maadaama xanuunkaan uu ku fido siyaabo kala duwan oo ay kamid tahay taabashadu, waxaa la ogaaday in caruurtu halis meeqaamkeedu sareeyo ugu jiri karaan inay la darsaan xanuunkaan. Waana mid jiraya ilaa inta nolosha qofka ay jirayso. Dadka kale ee halista ugu jira ayaa waxaa kamid ah, dadka sameeyo galmada lana sameeya inkabadan hal qof. Dadka qaba xanuunada kale ee galmada la isugu gudbiyo ayaa leh jaanis ay kula kulmi karaan caabuqaan. Dumarka ayaa ugu badan raga caabuqaan marka loo eego faafidiisa. Hadii uu hooseeyo heerka difaaca ee jirka iyana waxaa la aaminsanyahay inay xiriir la yeelan karto la darsidda caabuqa HSV.

Hadii ay hooyadu qabto caabuqa ku dhaca xubinta taranka ee uu sababo HSV xiliga dhalmada, waxaa ay u gudbin kartaa ilmaha, tani waxay sababi kartaa in ilmahu uu la darso caabuqaan iyo khataro kaleba.

Daawo ma leeyahay herbiska

Waqtigan aynu joogno majirto daawo khaas u ah caabuqaan. Waxaa jira daawooyin lagu xakamayn karo astaamaha iyo calaamadaha ay kamidka yihiin finanka iyo cuncunku balse in la ciribtiro feyruskaan maahan mid wali ay ku guuleysteen bahweynta caafimaadku. Daawooyinkaa waxaa kale oo ay xakamayn karaan faafida caabuqa. Inta badan waxaa ay ku baabi’i karaan finanku iyadoo aan la dawayn waana kuwa soo noqnoqon kara marwalba.

Sidee looga hortagi karaa herbis

Maadaama aysan jirin daawo gooniya uu lagu dabiibi karo caabuqaan, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo ka hortag si looga feejignaado faafidiisa. Masuuliyada ka hortaga waa mid looga baahanyahay qofka la nool caabuqaan iyo dadka uusan wali ku dhicinba.

waxaa haboon in laga fogaado wadooyinka uu ku fidi karo caabuqaan, sida, inaan la isla isticmaalin maacuunka inta aan la dhaqin kahor, inaan la isla isticmaalin shukumaanada/tuwaalada, dharka, waxyaabaha dumarku isku qurxiyaan gaar ahaan kuwa wajiga ama bishimaha. Dadka qaba HSV-1 waa inaysan taaban dadka kale xiliga ay finankani kasoo baxaan. Waa inaysan samayn wax la xiriiro galmo ama dhunkasho. Hadii ay taabtaan finanka afkooda ama xubintooda taranka waxaa lagama maarmaan ah inay dhaqaan gacmahooda. Dumarka uurka leh ee qaba caabuqaan waxaa u wanaagsan inay qaataan daawooyin lagu xakamaynayo caabuqaan si aysan ugu gudbin ilmaha uurjiifka ah.

Talo:

Inkastoo uusan caabuqaan ahayn mid halis ah sida kuwa kale ee ay sababaan feyrusyada qaarkood, hadana waa mid uusan jeclaysanayn qofka la nool. Waxaa la fursanayn in la sameeyo ka hortag, iyadoo la raacayo qodobada ku saabsan sida looga hortagi karo ee kor ku qoran.

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *