Waxaa jira dad badan oo akhrisku uu ku adagyahay. Si kasta oo ay wax-u-bartaan marka ay noqoto in ay wax akhriyaan waxaa laga dareemaa carrab weyni, waxa ay akhriyayaan oo iskaga dhex daata, hingaadda qoraalka ereyada oo ku adkaata in ay dusha ka qoraan, xawaaraha akhriskooda oo yaraada ama ay awoodi waayaan in ay carrab fudud oo dhaqso ah wax ku akhriyaan, ku dhawaaqidda weedhaha oo iskaga dhex daata, ama weedhaha isku eeg oo qofka isaga darsamaha marka uu akhriyayo, qoraalka oo ku adkaada, ama qofka oo waxa uu akhriyey fahmi kari waaya iyo in aanay aragtidooda ereyada iyo ku dhawaaqistoodu isla jaanqaadayn. Laakiin Soomaalida iyo dad badan oo kale oo dunida ahiba uma yaqaannaan xaalad u baahan daweyn, halka qaybo ka mid ahina ku tilmaamaan in ay la xidhiidho awoodda aragga ee qofka oo daciif ah.
In qofka uu akhrisku ku adaadaa waxa ay dhacdaa marka ay dhibaato ka jirto maskaxda qaybteeda qaabilsan sharraxaadda luuqadda. Wax xidhiidh ahna lama laha daciifnimada aragga, balse waa xaalad caafimaad oo dhinaca maskaxda ah oo u baahan in qofka laga dabiibo. Marka aynu dhinaca fiican ka eegnana ma’aha xaalad wax dhibaato ah u geysata ama inoo tilmaamaysa in ay dhibaato ka jirto dhinaca awoodda fikirka maskaxda ee qofka, cilmibaadhayaasha baadhitaannada gaarka ah ku sameeyey awoodda maskaxeed ee dadka akhrisku ku adag yahayna waxa ay ogaadeen in heerka garaadkoodu uu caadi yahay ama aanu celcelis ahaan ka duwanayn ka dadka kale ee akhrisku u fudud yahay.
Waxa ay khubarada qaar sheegayaan in arrintani ay ku iman karto hidde, sidaa awgeed waxa ay ku taliyaan in haddii qoyska qof ka mid ahi xaaladdan oo kale qabo ay waajib tahay in labada waalid ay si gaar ah ugu baraarugsanaadaan awoodda akhris ee ilmaha, si ay taasi u caawiso in goor hore xaaladdan lagu baraarugo, wax ka qabashadeeduna ay u fududaato.
Xeeldheerayaal ka tirsan Maxadka Max Blank ee korinta garaadka aadamaha oo ku yaalla magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa isku dayey in ay fahmaan sababaha keena in qof akhrisku ku adkaado, si marka sababta la helo looga fikiro in xal buuxa loo raadiyo xanuunkan oo inta badan carruurnimo ku bilowda.
Baadhitaanno iyo shaybaadho kala duwan oo dadka xaaladdan qaba lagu sameeyey ayaa ay cilmibaadhayaashu ku ogaadeen in ay jirto qayb maskaxda ka mid ah oo shaqadeeda hore loogu ogaa fahamka, in ay sida oo kalana masuul ka tahay luuqadda iyo in dadka akhrisku ku adag yahay ay maskaxda qaybtoodaasi u shaqayso si ka duwan dadka kale.
Maxaa lagu gartaa qofka xanuunkan qaba
- Waxaa ku adag in uu isku xidho dhawaqa luuqadda iyo xuruufta.
- Waxaa ku adkaada in uu fahamo macnaha jumladaha.
- Waxaa lagu arkaa in uu ku adagyahay fahamka jumlado mararka qaarkood aad arkayso in ay aad u fudud yihiin.
- Waxaa dhibaato ka qabsataa garashada kelmadaha qoran.
- Waxaa ku adag in uu isku xidho kelmadaha isku qaafiyadda ama hab-dhaca ah dhinaca hadalka, tusaale ahaan waxaa ku adag in uu fahmo in, ‘Baabuur iyo bacalluul” ay isku qaafiyad yihiin dhinaca dhawaqa.
- Waxaa dhibaato ka haysataa xasuusashada waxa ay akhriyeen.
Dhibaatada ka dhalatay xanuunkan:
- Waxbarashada oo uu qofku ku dhibaato muto.
- Dhibaato dhinaca anshaxa iyo habdhaqanka ah oo qofka lagu arko.
- Shaqada oo ay la rafaadaan.
- Dhibaato ka qabsata dhinaca akhriska oo aan ka tagin xitaa marka uu qofku weynaado.
- Qofka oo naftiisa xaqira una arka in ay ka yara hoosayso dadka la midka ah.
Dabiibka ku habboon
- Waa in qofkan la siiyaa ama la mariyaa nidaamka dabiib ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Remedial Instruction’ oo looga jeedo in si dheeraad ah looga caawiyo waxbarashada.
- In qofka loo daweeyo nafsiyan oo tusaale ahaan la kobciyo fahamka iyo aaminsanaanta nafsiga ah ee uu isagu iska aaminsan yahay iyo in nafsaddiisa lagu beero kalsoonida ay tahay in uu naftiisa ay ku qabo.
W/D: Kamaal Marjaan