Codadka Ubucda (Bowel Sounds)

Ubucda waxaa kujira xubno kala duwan oo laisku yiraahdo uurkujir. Xubnaha kala duwan ee kujira uurkujirta ayaa ah xubno oo ka qayb qaata burburinta iyo habaynta cunada soo gasha dheefshiidka, sidaa darteed waxaa dhaca mararka qaarkood in codad aan la garanayn ay ka dhex shanqaraan gudaha ubucda, xubnaha ubucda ee codadka sameeya waxaa kamid ah xiidmaha ama midhicirada waawayn iyo kuwa yar yar kuwaas oo codad soo daaya xiliga cuntada la dheefshiidayo.

Ubucda waxey caan ku tahay codad hoose oo u dhawaaqa sida codadka ay sameeyaan marka biyuhu ay ku dhex soconayaan tuubooyinka ay maraan.

Inkastoo codadka ubucdu ay badanaa yihiin kuwa aan wax dhib lahayn, hadana waxaan mar marka qaarkood dhici kara in codadkaas ay ka danbayso xaalad caafimaad oo lasoo deristay xubnaha ubucda kujira ee sababa codadka.

Astaamaha lagu garto:

  • Cod lamid ah sida dhalo biyo ka daadanayaan
  • Cod si joogta ah u soconaya
  • Codad cabsi leh oo dadka qaarkood u malayn karaan in bahal calooshooda ku jiro
  • Codad dhawaaq sare leh

Calaamadaha kale ee saamaynta ku yeelan kara xaaladan waxaa kamid ah:

Marka laga soo tago codadka ubucda, waxaa kaloo jiri kara astaamo kale oo muujin kara xanuun ka danbeeya arintaan. waxaana kamid ah asaamahaas;

  • Hawo badan oo buuxisa ubucda
  • Lalabo
  • Matag
  •  Shuban joogto ah
  • Calool Istaag
  • Saxarada oo dhiig yeelata
  • Miisaanka oo si lama filan ah uga dhaca bukaanka
  • Qofka oo isu maleeya inuu dharagsan yahay xili walba

Hadii aad isku aragtid astaamahan waxaan kugula talinaynaa in aad la xiriirtid dhakhtar si xaaladaada wax looga qabto.

Sababaha keena codadka ubucda

Codadka ubucda ee aad badanaa maqashid waxay inta badan la xiriiraan dhaq dhaqaaqa cuntada iyo hawada ee xiidmaha dhexdooda, marka mindhiciradu ay cunta dheef shiidayaan, calooshaado waxay soo saaraysaa codad la xiriira shaqada socota kuwaas oo qofku maqli karo.

Darbiyada xubnaha kujira ubucda waxay ka samaysan yihiin murqo, marka aad cunno cuntid, darbiyadu way soo ururayaan si ay iskugu qasaan una maroojiyaan cuntada ku dhex jirta xiidmahaaga si loo dheef shiido. Qaabka ay hawshaan u dhacdo waxaa loo yaqaanaa Peristalsis. Habkaan wuxuu masuul ka yahay codadka joogtada ah ee aad maqashid cuntada kadib. waxaa lamaqli karaa codadkaas saacado kadib cuntada iyo xataa habeenkii markaad seexan rabtid.

Gaajada ayaa sidoo kale sababi karta codadka noocaas ah. Marka aad gaajaysan tahay, waxaa jira dheecaan ama hoormoon laga soo dayo maskaxda kaasoo dareensiiya qofka in gaajo hayso oo uu wax cuno, kaasoo kadibna fariin deg deg ah u diraya mindhicirada/xiidmaha iyo caloosha. kadibna murqaha ku samaysan darbiyada ubucda ayaa samaynaya isu soo ururid taasoo sababaysa codadka aan maqalno markaan gaajaysanahay.

Codadka ubucdu waxaa loo kala qaybin karaan labo qaybood oo kala ah;

Codad naxuus ah (Hypoactive) iyo Codad jabaq sare leh (Hyperactive). kuwa nuxuuska ah ama codka hoose leh waxay badanaa astaan u yihiin in shaqadii xiidmuhu ay yaraatay, dheefshiidkiina uu gabo gabo marayo. Halka codadka dhawaqa dheer ay calaamad u yihiin in shaqada mindhiciradu ay bilow tahay ama in uu jiro shuban iyo wax lamid ah. Codadka dhawaqa dheer waxay kuwa kale ee naxuuska ah kaga duwan yihiin, waxay leeyihiin cod dheer oo xataa dadka kale ee kaa agdhaw ay maqli karaan.

Waxaa jiri kara in aad maqashid codad aan joogto ahayn oo xiliyada qaarkood dhaca, hadaba waa inaad ogaataa in codadka aan joogtada ahayn aysan wax dhiba lahayn.

Saan horay usoo sheegnayba codadka ubucda ee aad maqashid xiliyada aan soo sheegnay maahan kuwo dhib ku ah caafimaadkaaga, waa wax caadi ah, balse waxaa jiri kara codad gaara oo ay sababta ka danbaysaa ka duwan tahay xaaladaha aan soo sheegnay ee cuntada iyo gaajada.

xaaladaha kale ee sababi kara in codadka bukaanka ka yeerayaa aysan ahayn kuwo caadi ah waxaa kamid ah;

  • Dhaawac qofka soo gaara
  • Caabuq ku dhaca xiidmaha kaasoo dhib u keena neerfayaasha ubucda
  • Eerno
  • Xinjirowga dhiiga
  • • Maadada potassium ee dhiiga kujirta oo yaraata, taasoo sababysa xaalada loo yaqaan hypokalemia
  • Kansar
  • Xiidmaha oo xirma

Hadaan soo koobno codadka ubucda iyo siday dadka u saameeyaan; waxay badanaa ku xiran tahay khatarta ay ku keeni karto bukaanka, badanaa codadka ubucdu waa xaalad iska caadiya oo ay dadku ka siman yihiin, maahan xaalad u baahan inaad ka walwashid ama shaki kugu abuurta, balse hadii codadkaas ay yihiin kuwo kugu cusub ama aad iska dareentid astaamo kale oo aad isleedahay way wehelin karaan xaaladan, waxaad u baahan tahay inaad arintaas kala tashatid dhakhaatiirta si aad uga hortagtid halis caafimaad oo kugu soo wajahnaan karta.

Marar dhif ah, xaaladaha kale ee aad isleedahay way weheliyaan codadka waxay noqon karaan kuwo halis galin kara xaaladaada caafimaad hadii aan si deg deg ah loo dawayn. khaas haan, xiidmaha oo gufaysma ama si toos ah u xirma, waa xaalad aad halis u ah. xiidma xiranku wuxuu sababi karaa in unugyada xiidmuhu ay dhintaan hadii ay ka go do sahaydii ay u baahnaayeen sida dhiiga, dilaac ku dhaca darbiga xiidmaha ama mindhicirku sababtoo ah unugyada dhintay waxay sababi karaan caabuq ku dhaca gudaha ubucda, dhamaan xaaladahaas aan soo sheegnay waxey noqon karaan xaalado u baahan in deg deg wax looga qabto waxay u baahan yihiin in bukaanku uusan dhayalsan kaa feejignaado.

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *