Cillado Haddii Aan Gaadhiga Laga Hagaajin Khatar Wayn Ku Keeni Kara

Baabuurtu waxa ay ka mid yihiin gaadiidka aadamuhu u samaystay in uu u sahlo isu socodka, kana furto dhibta badan ee waayadii hore ka jiri jirtay adeegsiga gaadiidkii dabiiciga ahaa ee fardaha iyo awrtu ka mid ahayd. Inta badan gaadiidkaas hore ee dabiiciga ahaa waxa ay heli jireen daryeel badan, dadka adeegsadaana waxa ay ku qanacsanaayeen in uu yahay nafley iyaga la mid ah oo u baahan cunto, cabbitaan, daweyn iyo nasasho intaba, laakiin waxa aad mooddaa in maadaama oo gaadiidkan dambe uu bir yahay ama aynu nidhaahno aanu noole ahayn, in dad badani ay qalad ka fahmaan daryeelka uu u baahan karo.

Qodobka kowaad ee ugu muhiimsani waa in aynu ogaanno in gaadhigu mar kasta oo uu caafimaad qabo in uu u shaqayn karo si fiican, lana isticmaali karo waqti tobannaan sano gaadhaya. Baahida daryeel ee gaadhigu u baahan yahay kuma xidhna in uu cusub yahay, dhex-dhexaad yahay ama uu duugoobay, waayo xitaa marka uu cusub yahay gaadhigu waxa uu u baahan yahay daryeel iyo dayactir joogto ah.

Waxaa jira tallaabooyin lagama maarmaan u ah daryeelka gaadhiga, iyo in uu u adkaysto da’da, haddii la samayn waayana keeni kara suurtogalnimada ah in gaadhigu uu shaqadiisa sida laga rabo u gudan kari waayo.

Qoraalkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakad ka faalloota arrimaha cilmiga iyo dhaqanka oo Afka Carabiga ku baxda ayaa tirinaya tallaabooyin ay muhiim tahay in loo maro daryeelka gaadhiga isaga oo u kala horreysiinaya sida ay u kala muhiimsan yihiin:

1. Taayirrada:

Taayirradu waa meesha koowaad ee gaadhiga muhiimadda gaarka ah u leh, waa cagaha uu ku taagan yahay, hadba xaaladdoodu sida ay tahay waxaa ku xidhan; xawaaraha gaadhiga, socodkiisa biyaha, dhiidhiga, ciidda badan iyo dhulka sallaxa ah ee isku siman. Sidoo kale waxa ay taayirradu qayb aad u weyn ku leeyihiin quruxda gaadhiga iyo in uu si miisaaman oo isu dheelli tiran u socdo.

Haddii taayirradu aad u daaleen waxa ay keeni karaan qarax keena khasaare gaadhiga iyo naftada dadka saaranba khatar ku ah. waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in xaddiga naqas ee taayirka ku jiraa uu sidoo kale ka qayb qaato duugowga taayirka, taayirrada afarta gees ee gaadhiga oo naqaska ku jiraa aanu isu dheelli tirnayn ama taayirrada qudhooda oo kala weyn ayaa iyaduna khatar ku ah, gaadhiga.

Khubarada gaadiidku waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo uu gaadhigu socdo 10 Kun oo Kiiloomitir ay fiican tahay in afarta taayir ee gaadhiga inta la furo la isku beddelo, oo tusaale ahaan haddii uu gaadhigu yahay nooca Xagga hore ka dhaqaaqa; Labada taayir ee dambe ayaa xagga hore loo soo wareejinayaa iyada oo weliba talan taalli loogu xidhayo, (Mid kasta jiho aan ahayn tii uu markii hore ku xidhnaa) Labada xagga hore laga soo furo xagga dambe ayaa lagu xidhayaa loomana eegayo talan-taalli sida kuwa hore.

Gaadhiga afarta taayir ka dhaqaaqa (Four wheels drive) iyo kuwo labada dambe ka dhaqaaqa; Labada taayir ee hore ayaa la soo furayaa oo xagga dambe talan-taalli loogu xidhayaa, labada dambe iyagana xagga hore ayaa loo rarayaa laakiin qasab ma’aha in ay iyagu talan-taalli noqdaan.

Gaadhiga afarta taayir ka dhaqaaqa (Four wheels drive) iyo kuwo labada dambe ka dhaqaaqa; Labada taayir ee hore ayaa la soo furayaa oo xagga dambe talan-taalli loogu xidhayaa, labada dambe iyagana xagga hore ayaa loo rarayaa laakiin qasab ma’aha in ay iyagu talan-taalli noqdaan.

Khubaradu waxa ay sheegayaan in isku-beddelkaasi uu aad ugu fiican yahay dhowrista taayirrada, waxaa iyaduna muhiim ah in aynu ogaanno in haddii taayirka waqtiga uu warshadda ka soo baxay ay ka soo wareegtay Afar sano, aanay tayadiisu fiicnaanayn, xitaa haddii aan gaadhi lagu soo xidhin oo ay cusub yihiin.

Sababtuna waxa weeye: Rabadhka uu taayirku ka samaysan yahay marka uu muddo iska yaallo waa uu qallalaa, oo jileeca iyo dabacsanaanta ayaa ka luma, sidaa awgeed isku sii dhegsanaantiisa ayaa hoos u dhacda, oo waxa uu keeni karaa qarax ama qaradh iyo dillaac dhaqso ah.

2. Biriigga:

Waa arrin aynu wada garan karno in biriiggu uu ka mid yahay meelaha ay ugu muhiimsan tahay in aynu gaadhiga ka daryeelno, waajiba ugu horreeya ee gaadhiga innaga saarani waa in aynu iska hubinno saxamada biriigga, qaabka loo hubinayaana waa in la eego in ugu yaraan boqolkiiba 30 ay weli dhumucdoodii asalka ahayd ka sii nooshahay, (Saxamada Biriiggu waa ay lismaan oo mar kasta khafiif sii noqdaan, mar kasta oo ay sii khafiif noqdaanna waxaa hoos u dhacaysa awooddii ay gaadhiga ku qaban karayeen), haddii aad aragto in khafiifkoodu boqolkiiba 30 ka gaadhay intii asalka hore ay le’ekaayeen waxaa waajib ah in aad beddesho. Sida caadiga ahna beddelkoodu waa arrin aad u fudud, kharashkeeduna aanu badnayn.

Marka aad beddelaysana iska jir saxamada bireegga ee aan asalka ahayn ama tayadoodu liidato. Ogowna in bireegga tayadiisu ay xidhiidh la leedahay noloshaada iyo nolasha dadka kale ee aad gaadhiga ku dhex waddo ama aad ku siddo.

3. Istaarinka (Shookaanta oo isku dhan):

Sida aynu wada ognahay isteerinka gaadhigu ma’aha giraanta aynu gacanta ku wadwadno oo keliya, balse waa nidaam isu dhamaystiran oo isku xidhan, illaa suxullada hoose ee sababaya marka aad giraanta wareejiso in shaagga gaadhigu u leexdo dhinaca aad rabtay.

Mar kasta oo aad gaadhiga waddo waa in aad la socoto qaabka shaqo ee Isteerinka gaadhiga, in uu si habboon u wareegayo, in saliidda Power steering ee ku jirta gaadhigu tahay xaddi ku habboon iyo arrin kale oo muhiim ah oo ah in aad hubiso in isteerinku aanu dhinac isu dhufanayn.

Marka uu gaadhigaagu jid laami ah oo mudh ah (Toosan) marayo waxa aad isku dayda in aad dhowr ilbidhiqsi gacanta ka qaaddo Isteerinka, si aad u hubiso in isteerinka oo is wata illaa xaggiisa hoose uu si habsami ah u shaqaynayo, sidoo kale haddii taayirradu aanay isu dheelli tirnayn naqas ahaan isteerinku dhinac ayaa uu isu dhufanayaa.

4. Saliidda Injiinka:

Waxaa laga yaabaa in dad badani aanay dareensanayn in saliiddu marka ay gaadhiga ku raagto, ama ay meel ka liigayso uu xaddigeedu ka yaraanayo intii ay ahayd markii lagu shubay, waxa ka daran oo aanay dadka badankiisu ogeynba in saliidda oo ka hoosaysa ama yaraata heerkii saxda ahaa ee Mishiinka loogu talagalay, in ay keenayso cillad weyn oo dhinaca mishiinka ah.

Darawalka waxaa la gudboon in saliiddu ay joogto heerkii saxda ahaa, iyo in ay weli tahay mis uu sii isticmaali karo, ama beddel u baahan. Sida caadiga ah qiyaasta saliidda waxa aad ku garan kartaa calaamadda ku taalla mitirkeeda marka aad eegto, in ay gaadhay xilligii la beddelayena waxa aad ku garan kartaa nooca saliidda, waayo sida caadiga ah marka ay daasho waxaa ka taga dhegdegga oo biyo-biyo ayaa ay noqotaa, arrintaas oo khatar ku keenta Mishiinka, halka marka ay hoos u dhacdana ay ku keenta Mishiinka kulayl badan oo aakhirka uu qaadi kari waayo.

5. Indhaha:

Indhaha oo ah waxa ugu fudud ee gaadhiga laga daryeeli karaa waxa ay leeyihiin muhiimad weyn, kuwa hore iyo kuwa dambe kii ay tahayba waxaa qasab ah in darawalku uu ogaado bixitaanka indhaha gaadhigiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in indhaha gaadhiga oo aan si isu dheelli tiran labada dhinacba uga baxayn, ama qaarkood dameen in ay keeni karto in darawalku uu sida saxda ah wax uga arki kari waayo, gaar ahaan xilliga xawaaraha sare uu ku socdo. Waxaa iyaduna muhiim ah in darawalku uu ogaado in ay qalad tahay in uu shaaracyada ku dhex maro indhaha sare (Faska) oo u baxaya, waayo isagana waxba uma tarayaan darawalka gaadhiga ka hor imanayana dhib ayaa ay ku keenaysaa.

6. Suxullada iyo Ruqummada:

Sida aynu hore u soo aragnay Isteerinka gaadhigu waa nidaam isku xidhiidhsan illaa taayirka oo ka kooban qaybo mid kastaa hawlo u gaar ah leeyahay, dhinaca hoose ama dhinaca taayirka kuwa ugu xigana waxaa ka mid ah Suxullada / jiidayaasha iyo Ruqumta oo leh muhiimad weyn oo la’aantood aanu taayirku si sax ah halkiisa ugu jirayn.

Darawalka waxaa la gudboon in uu si joogto ah uga warhayo xaaladda suxullada, ruqumta iyo jiidayaasha gaadhigiisa, waana in aynu ogaanno in kala bixiddoodu ay keento khatar ah in aanu darawalku gaadhiga xakamayn karin, haddii xawaare yara sare uu ku socdayna keeni kara khasaare weyn.

By: Kamaal Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *