Baqdinta laga qabo cunada in lagu cayila waxaa loo yaqaanaa “Anorexia nervosa” waa xaalad ku timaada dad badan, waxay la xariirtaa baqdinta uu qofku ka qabo cayilka, uuna iska ilaaliyo cunnada si uusan u cayilin. Qofka ayaa walwal ka muujiya inuu miisaanku u kordho. Xaaladdaan ayaa ah mid maskixiyan ah. Waxayna caan kutahay miisaanka jirka oo aad u hooseeya iyo cunnada oo aan oomateet loo hayn ama la iska ilaaliyo.
Hadii uu qofku ka fogaada cunnada ama uusan cunin xadi ku filan waxaa lasoo darsa xaaladdo caafimaad darro sida nafaqo la’aan, dhiigyari, calool istaag, wadna garaac, timaha oo bida, hurdo la’aan, dumarka oo caadada waaya ama dhiiga caadada oo ka badan inta caadiga ah, walwal iyo xaalado kale oo ay ka mid tahay anorexia.
Maxaa Sababa Anoreksia?
Sababta saxda ee xaaladdaan looma garanayo si wanaagsan, balse waxaa la’aaminsan yahay inay la xariirto habab badan oo is biirsaday sida xaaladdaha deegaanka iyo kuwa maskaxda.
Inkastoo aysan si dhab ah u cadayn, waxaa la aaminsanyahay inay jiraan hidda wadayaal usahla qofka inuu u nuglaado xaaladdaan. Dadka ubadan xaaladdaan caafimaad ayaa ah dumarka da’da yar, sababtuna waa inay ka fakaraan sidii aysan u cayili lahayn si ay u yeeshaan qaab wanaagsan, tan ayaa ah mid maskixiyan oo ka hor istaagta cunnada.
Yaa halis ugu jira?
Xaaladdaan la xariirta maskaxda ayaa ah mid saamayn balaaran ku leh dad badan oo bulshada ka mid ah. Waxaa kamid ah, dumarka da’da yar, dadka leh waalid ama qaraabo hoose oo xaaladdaan lasoo darsay, isbadala nolosha ku yimaada sida geerida qof la jecelyahay, deegaan cusub, furiinka, xariir qof aad jeclayd oo dhamaaday, orodyahanada, dadka xayeysiiya dharka ama ka shaqeeya warbaahinta modelada.
Waa maxay astaamaha?
Astaamaha iyo calaamadaha xanuunkaan ayaa ah kuwo la xariira caato saa’id ah, walwal, gaajo iyo baqdin laga qabo cunnada si aan loo cayilin.
Walwalka iyo cabsida ayaa ah kuwo runta ka fog oo khiyaali ah oo qofku naftiisa ku abuuro. Waxaa kamid ah astaamaha iyo calaamadaha anoreksia, miisaanka jirka oo aad u hooseeya, caato, daal, hurdo la’aan, dawakhaad, faraha oo midabkoodu buluug isku badalo, timaha oo luma ama daciifa, xaada jirka oo aad u jilicda, caadada oo la waayo amaka badan xadigeeda caadiga ah, calool istaag, qabow oo aan loo adkaysan karin, cabirka dhiiga oo hooseeya, iyo garaaca wadnaha oo aan talantaalli ahayn, cunnada oo laga caaganaado.
Side loo daryeelaa?
Daaweeynta xaaladdaan waa mid sahlan, waxayna la xariirtaa qaybo kala duwan sida nafaqada, wadnaha iyo maskaxda, hadii uu qofku yahay mid miisaankiisu aad u liito waxaa haboon in la dhigo isbitaalka inta uu ka soo noqonayo miisaanku ama laga arkayo calaamado isbadal wanaagsan ah. Dhakhtarada bartay cilmiga nafsiga ayaa ugu mudan inay la tacaalaan bukaanka si ay usoo kabsadaan.
Talo:
Cabsida laga qabo cunnada si aan loo cayilin waa mid khiyaali ah, cayilka oo la iska ilaaliyo waxaa ugu wanaagsan cunno isku dheelitiran oo la cuno iyo jimicsi, ha ka goyn jirkaaga wax uu u baahanyahay. Miisaanka oo dhuma ma noqon karo anoreksia oo keliya ee waxaa jira xanuuno badan oo la xariira, isku day inaad dhakhtar la xariirto hadii miisaankaagu saa’id u dhacayo.
–Barocaafiimaad