Cillada Akhris Kari Waaga (Dyslexia) Iyo Kaalinta Macallinka Iyo Waalidka

Dyslexia (U akhri ~Disleksiyaa) oo sida oo kale loo yaqaanno ‘Indho la’aanta ereyga’ ama aynu odhan karno ‘Akhris kari waa’ waa khalkhal dhinaca waxbarashada ah oo dadka qaar lagu arko. Wax akhriska ayaa qofka ku adkaada, taas oo ka dhalanaysa dhibaato ka haysata dhawaqa hadalka iyo Barashada sida la isugu xidhayo xarafka iyo ereyga (Decoding). Waxa kale oo loo yaqaannaa ‘Naafonimada waxakhriska’.

Disleksiyaa waxa ay ku timaaddaa kala duwanaanshiyaha abuurta ah ee habka ay maskaxda aadamuhu isugu dubariddu luuqadda dhismaheeda laga bilaabo xarafka illaa hadalka dheer ee isku xidhan.

Xaaladdani xidhiidh lama lahaa garaadsamaanta ama fariidnimada iyo doqonniimada iyo cillad kale oo maskaxda ah ama aragga iyo maqalka qofka. Sidaas awgeed Carruurta xaaladdan lihi sababteeda uguma guuldarraystaan waxbarashada dugsiga ama waxbarashada takhsuska ah. Laakiin marar badan in carruurtani ay waxbarashada ku hooseeyaan ama ku dhacaan waxaa sababa macallinka waxbaraya oo aan daraasayn ciladdan ilmaha haysa, kuna go’aan qaata in uu saaqid yahay ama aanu dadaalayn, kaddib marka uu arko awooddiisa wax akhriska ama qoraalka oo ka hooseysa heerkii laga filayey qofka heerkiisa waxbarasho ah.

Waxa kale oo sababta yeelanaya waalidka oo aan fahmin xaaladdan ilmaha haysa, sidaas awgeed uu ilmuhu waayo taageero nafsadeed iyo niyad u dhiska oo uu xaaladdan awgeed aad ugu baahanyahay.

Calaamadaha:

Xaaladdani dadka waxa ay saamayn kartaa iyada oo heerar kala duwan ah; mid sahlan, mid dhexdhexaad ah iyo mid aad u daranba. Waxaa fiican, isla markaana ay u badan tahay in la garan karo inta uu ilmuhu yaryahay, waxa se marar badan dhacda dayacaad ka timaadda waalidka ama macallinka awgii in aan la aqoonsan, Haddaba calaamadaha waxaa ka mid ah:

Xilliga Dugsiga Ka Hor

Ilmuhu inta aanu waxbarashada bilaabin, calaamadahan ayaa lagu garan karaa in uu xaaladdan leeyahay.

  1. Hadalka oo waqtigiisa aad uga dib dhaca
  2. Barashada ereyada cusub oo uu gaabis ka yahay
  3. Dhibaato dhinaca dhismaha hadalka iyo saxnaanshiyaha naxwaha iyo dhawaqa ah. Waxaa iyaduna ka mid ah ilmaha oo weedha dhexdeeda is weydaariya ama ku dawakha weedhaha isu eeg dhawaq ahaan.
  4. Xusuusta ereyada iyo akhriskooda, lambarrada iyo midabbada oo ku adkaada.

5. Heeso carruureedka iyo ereyada qaafiyadda leh ee carruurtu ku ciyaarto oo ku adkaada.

Da’da Dugsiga

Marka ilmuhu uu waxbarashada bilaabo ayaa ay si cad uga muuqan karaan calaamadaha xaaladda Dyslexia, waana sababta uu macallinku u yahay qofka ugu hor ogaan kara.

  1. Akhriskiisa oo ka hooseeya intii da’diisa iyo waxbarashadiisa laga filayey
  2. Dhibaato ka qabsata fahamka iyo dhadhaminta hadallada uu maqlo.
  3. Helidda ereyada ku habboon waxa uu doonayo in uu yidhaahdo oo ku adkaada, ama dhismaha jawaabta weydiimaha fudud oo uu hore u waayo.
  4. Dhibaato ka qabsata xasuusashada sida ay isu xigxigaan dhacdooyinka iyo waxyaabaha uu la kulmayo ama goobjoogga u yahay, haddii uu is yidhaahda dib uga sheekee.
  5. Dhibaato dhinaca aragga iyo mararka qaarkood xitaa maqalka ah oo ka qabsata kala soocidda waxyaabaha ay isaga eeg yihiin iyo waxa ay ku kala duwan yihiin ereyadu.
  6. Ereyada aan aad loo isticmaalin ama ku cusub oo ku dhawaaqistoodu dhib ku noqoto.
  7. Higaadinta oo ku adag
  8. Ka shaqaynta waajibaadka dugsiga ee la xidhiidha akhriska iyo qoraalka oo waqti aan caadi ahayn ka qaata.
  9. Carruur badan waxaa lagu arkaa caqabad dhinaca fahamka afka ah (receptive language)
  10. ilmaha oo ka warwareega ama diida hawlaha iyo waajibaad kasta oo xidhiidh la leh akhriska ama hadal dheer.

Da’yarta Iyo Dadka Waaweyn

Da’da 10 jirka iyo ka weyn oo illaa dadka waaweyn ah, calaamadaha xaaladda Dyslexia lagu garto waxa ay in badan wadaagaan kuwa aynu soo xusnay, laakiin waxaa u dheer:

  1. Barashada afafka qalaad oo ku adkaata
  2. Kor u akhriska oo ku adkaada
  3. Akhriska iyo qoraalka oo uu gaabis ku noqdo.
  4. Higaadinta ereyada oo dhibaato ka haysato
  5. Magacyada iyo ereyada oo uu si qaldan ugu dhawaaqo, ama soo cel-celinta ereyada oo ku adkaada.
  6. Sheekooyinka in uu soo koobo ama si urursan u soo gudbiyo oo ku adkaata.
  7. Xallinta masalooyinka xisaabta oo ku adkaata.
  8. Mararka qaarkood waxaa dhacda in uu fahmi waayo waxa uu qofka kale akhriyayo ama waxa uu dhegeysto.
  9. Dhibta ugu caansanina waa in qofka ay ku adkaadaan isticmaalka ereyada iyo hawraarta si ay macne buuxa oo la fahmi karo u sameeyaan.

Guud ahaan xaaladaha ugu muhiimsan waxaa lagu ogaadaa waxbarashada Bilowga ah ee dugsiga, sidaas awgeed waa waajib in macallinku uu u feejigan yahay la socoshada xaaladaha ardaydiisa si goor hore loo ogaado ilmaha xaaladdan leh, kaddibna loo caawiyo. Waayo xaaladdani wax dhaawac ah ma gaadhsiiso doonista iyo xiisaha uu qofku u qabi karo waxbarashada, haddii aanu nafsiyan dhibaato ugala kulmin macallinka, ardayda ama waalidka, sidaas awgeedna aanu u nicin.

In kasta oo calaamadahan lagu arkay dadka xaaladda Dyslexia leh, laakiin haddana marag buuxa uma noqdaan in qofka lagu arko ee kastaa uu qabo xaaladdan, sidaas awgeed baadhis iyo u fiirsi qota dheer ayaa loo baahan yahay si loo ogaado in uu qofku qabo.

Sababaha Keena

Disleksiyaa (Dyslexia) waxa ay ku timaaddaa sabab shakhsi ah oo la xidhiidha kala duwanaanshiyaah qaybaha maskaxda aadamaha u qaabilsan wax akhriska. Waana sababta hidde-sideyaal gaar ah oo saamayn ku yeesha qaabka ay maskaxdu u maarayso, iyo geeddiga ay mariso akhriska iyo luuqadda. Sidaas awgeed waa ay dhici kartaa in xaaladdani ay noqoto mid la hidde raaco.

Qofka lagu arko Disleksiya ama dhibaato dhinaca akhriska iyo guud ahaan waxbarashada ah, waa in fiire gaar ah loo yeesho taariikhda qoyskiisa. Si gaar ahna loola socdo si goor hore xal loogu helo.

Xaaladaha Ka Dhasha:

Disleksiya waxa ay qofka ku keentaa dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin:

Dhibaato dhinaca waxbarashada ah: Wax akhrisku waa xirfadda aasaaska u ah dhammaan waxbarashada heerarkeeda kala duwan, haddii ilmuhu uu leeyahay Disleksiya, isla markaana aanay waalidka iyo macallinku ka war helin, xaaladdiisana ka wada socon, waxa ay u badan tahay in uu waxbarashada ku guuldarraysto iyo in uu faciisa ka faquuqmo.

Waxa ay ilmaha ku keentaa cillad dhinaca horumarka luuqadda ah (Developmental language disorder (DLD)), taas oo ah in ilmuhu uu awoodi kari waayo in uu luuqaddiisa kobciyo, xilliga dugsiga iyo kaddib.

Ilmaha Disleksiya qaba waxa uu dareemaa xaalad nafsiya oo ah in caawimo uu u baahan yahay aanu ka helayn waalidka, macallimka iyo cidda kale ee ku xeeran. taas oo ku abuurta cuqdad.

Sida oo kale waxa uu dareemaa in la faquuqayo oo aan la siinayn danayntii uu mudnaa, sidaas awgeed waxa uu bilaabaa dhaqanno u uu arkayo in ay dareenka iyo indhaha ku soo jeedinayaan; qalqaalinnimo, rabshad badnaan imw. ama waxa uu bilaabaa taas lidkeeda oo ah in uu u arko in dadku wada necebyihiin, sidaas awgeed uu colaad qaato, kana dheeraado cid kasta oo ay ahayd in uu ka agdhowaado, sida macallinka iyo waalidka.

Arrimahan oo dhami xaaladda ayaa ay sii xumaynayaan, xalkeedana fogeynayaan.

Waxaa isla qodobkaas hore raacaya dhibaato kale oo ah in ilmaha lagu arko, xaalad nafsi ah oo keenta fududay iyo xarakaad aan dabiici ahayn, dhega adayg, maahsanaan iyo in aanu dhaqso ugu baraarugin waxa hareerihiisa ka jira iyo gaar ahaan qawaaniinta ay tahay in uu raaco, sida xeerarka fasallada waxbarashada iyo dhugmada oo ku yaraata (attention deficit hyperactivity disorder (ADHD)) arrintani waxa ay sababtaa in macallinku u qaato arday qalqaalli ah, kaddibna ciqaabta lagu badiyo ama aanu la garab istaagin taageeradii niyadda ahayd ee uu u baahnaa ilmuhu.

Dhibaatadaas dhinaca afka ahi waxa ay raad xun ku yeelataa bulsho dhexgalka qofka, iyo koboca iyo horusocodka waxbarashada. waxa aanay marar badan abuurtaa in qalad laga fahmo xaaladda ilmaha oo loo qaato in uu hayo xanuunka ‘Autism ka’ keli noolenimada, ama naafo dhinaca garaadka ah uu yahay, iyo xitaa mararka qaarkood xaalado kale oo daweyn u baahda.

Dhibaatooyin bulsho: Xaaladdan oo aan lala tacaalini, waxa ay qofka ku keentaa isku kalsooni la’aan iyo in uu qofku is aqoonsan kari waayo, dabeecad xumo iyo la macaamilka dadka oo aanu ku fiicnaan, il-nugayl, cadaawad iyo in qofku uu si fudud u boodo, iyo saaxiibbada, waalidka iyo macallimiinta oo uu inta badan iskaga fogaado.

Dhibaatooyin da’ weynida lagu arko: ilmaha yar oo awoodi waaya wax-akhriska ama fahami waaya waxa uu akhriyaa, wax waxa ay keentaa in uu weynaado isaga oo aan gaadhin halkii uu gaadhi karayey. Arrintani raad xun oo riiq dheeraada ayey ku yelataa waxbarashada, nolosha bulsho iyo dhaqaale ee qofka.

Goorma Ayaa Ay Tahay in Xaaladda Dhakhtar Loo Geeyo?

Xaaladdani dhibaatada ugu badan waxa ay ilmaha ku keentaa marka uu dugsiga bilaabo, tusaale ahaan dugsiga Barbaarinta ee akhriska iyo xafidista lagu baro iyo fasalka koowaad ee dugsiga. Haddii ilmahaaga aad bilowgaba xaaladdan ku aragto ama sideedaba aad dareento in heerka akhriskiisu uu ka hooseeyo inta laga filanayey, dhaqso ugala tasho dhakhtarka xaaladaha nafsiga ah ee Carruurta ku fiican,, gaar ahaan xaaladda Disleksiyaa.

Dawo:

Xaaladdan oo cilmi ahaan la ogaaday 1960 kii ma laha dawo rasmi ah, laakiin qiimayno iyo baadhitaanno weli bilow ah oo lagu sameeyey waxaa lagu ogaaday, in taageerada maskaxeed ee ilmaha la siiyaa ay si weyn u caawiso, sida oo kale haddii qofku uu weyni isku ogaado in uu la tacaali karo.

Mar kasta oo goor hore la ogaado, kaddibna qaab nafsi ah loo caawiyo qofka, loogana hortago in ay fogeyso, waxa ay soo dhoweynaysaa in uu la noolaan karo iyada oo aan dhaawac gaadhsiin msutaqbalkiisa.

Qofka weyni isku ogaada, isaga waxaa la gudboon in uu si nafsi ah ula tacaalo, lana tashado khubarada si uu galdaloolooyinka ka dhasha xaaladdan u dabooli karo.

DHAMMAAD

Mayo Clinic iyo wakaalado kale

Ururin iyo turjumid: Kamaal Marjaan

Check Also

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *