Nolol Wanaag

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q: 6), Maxaa Talo Ah?

Bilowga koowaad ee waxbarashada, waalidka iyo macallinkuba waxa ay ardayga u sawiraan yool ah, in dhammaadka waxbarashada uu xigo wejiga labaad ee nolosha oo ah badhaadhe iyo isku filnaanshiyo uu noloshiisa si madaxbannaan u maarayn kari doono. Waa higsi ujeeddo sax ah laga leeyahay oo sababa in ilmuhu aanu mar keliya ka daalin geeddiga dheer ee waxbarashada, waa se mindi …

Read More »

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q: 5), Caqabadaha Jaamacadda Haysta

Caqabadaha Jaamacadda Haysta: Marka laga tago caqabadaha iyo xakamayaasha haysta guud ahaan hay’adaha horumarineed ee dalka, waxaa jira kuwo u gaar ah tacliinta sare oo taako ku noqon kara gaadhitaanka heerka laga filayey, waxa aynnu ka xusi karno: 1. Dhaqaale xumo: Isha keliya ee ay jaamacaduhu dakhliga ka helaan waa lacagta waxbarashada ee ardayga laga qaado. Lacagtaasi kuma filnaan karto …

Read More »

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Qeybtii 4-Aad)

Jaamacadaheennu ma soo saaraan qof shaqo tegi kara? 2. MANHAJYO AAN CASRI AHAYN Siyaasadaha waxbarasho ee dawladaha adduunka dhismay waxa ay xoogga saaraan, in ay joogto u casriyeeyaan manhajkooda waxbarasho, si uu ula jaanqaado horumarka xawaaraha ku socda ee ay aadamuhu ka samaynayaan nolosha dhinacyadeeda, ay teknoolajiyadu ka mid tahay. Nasiibdarro se, guud ahaan nidaamka waxbarasho iyo gaar ahaan tacliinta …

Read More »

Filashada Jaamacadda Kadib: Run Iyo Riyo Iyama? (Qeybtii: 3-Aad)

JAAMACADAHEENNU MA SOO SAARAAN QOF SHAQO TEGI KARA? Jaamacadaheennu sannad kasta waxa ay soosaaraan boqollaal dhalinyaro ah oo dhammaystay heerarka kala duwan ee waxbarashada, laakiin runta nasiibdarrada ahi waa in dhalinyaradaas soo qalinjebinaysa aanay u carbisnayn shaqo in ay toos u bilaabaan, marka laga tago midhadh iyagu fursado kale helay. Sababaha keenaya waxaa ka mid ah gaabis badan oo nidaamka …

Read More »

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, cabsida iyo niyad-jabka ay tahay dikriga iyo adigoo Alle ku xirma, inta ka soo hartay waa Kaalmaati! Marka aad waqtiyada qaarkood aad dareentid in aanad riyo wacan arkin oo aanad ku riyoon, ama inaan salaadaada iyo ducadaada la aqbalayn, Markaad dareentid Ilaahay in aanu kula …

Read More »

Dabeecadaha Iyo Calaamadaha Lagu Ogaado Qofka Fariidka Ah

Warbixin ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera ayaa soo bandhigtay tilmaamo ay xeeldheereyaal kala duwani ka bixiyeen calaamado lagu garto garaad badnaanta qofka iyo xirfado u fudud qofka fariidka ah, oo ay ka mid tahay awood uu u leeyahay xallinta dhibaatooyinka. Tilmaamaha ay warbixintu sheegtay in lagu aqoonsan karo in qofka lagu arkay uu fariid yahay waxaa ka mid ah: …

Read More »

Hababka Looga Takhaluso Khajilaadda Badan

khajilaada badan

Ma tahay qof khajilaad badan? Ma raadinaysaa jidka ugu habboon ee aad kaga takhalusi karto khajilaadda? Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa tallaabooyin kaa caawinaya in aad ka takhalusto khajilaadda oo la isla qirsan yahay in ay nolosha bulsho ee qofka dhibaato ku tahay. Noqo Faduuli: Haddii aad og tahay in aad tahay qof khajilaad badan waxa aad ku dadaashaa in …

Read More »

Haddii Aad Isku Aragto Astaamahan Ogoow Waxaad Tahay Qof Af-Gaaban (Introvert)

qof aamusan, qof af-gaaban, afgaab,

Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah astaamaha aad ku ogaan karto haddii leedahay dabciga af-gaabnida, ama qof noloshaada ku jira uu leeyahay dabcigaan. Marka aad badan ku dhex jirto waxaa kaa dhamaada tamarta: Ma dareentaa daal iyo burbur marka aad waqti la qaadato dad badan? Kadib marka aad dad la soo joogto maalintii, ma u baahataa inaad …

Read More »

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii Labaad

Maxaa waxbarasho jaamacadeed laga dheefaa? Marka laga tago waxbarashada uu qofku ka korodhsanayo jaamacadda oo ah midda aasaasiga ah ee uu marka horeba u tegey, waxaa jirta faa’ido kale oo arday kasta oo dadaalaa uu ka helo. Waa raad togan oo ay jaamacaddu ku reebto nolosha qofka oo dhan, waxa aynu ka xusi karnaa; 1. in ay kobciso aqoonta guud …

Read More »

Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii 1-Aad

Dhammaysashada waxbarashada jaamacaddu waxa riyada ugu weyn ee waalidka iyo ilmihiisa midaysa. Waalidka waxaa u muuqda midhaha tacabkii uu ku dhowaad 20 sanno ilmihiisa gelinayey, dhinaca kalana waxa uu arkayaa dhammaadka itaalkii iyo tamartii ku jirtay oo gabaabsi sii noqonaya, markaasuu niyadda ku dhistaa in geedkii uu beeray (Ilmihiisa) haatan hadhac noqonayo oo uu hadhsan doono. Hadhsashada dantiisa ah oo …

Read More »

Caadooyin Qofka Ku Keeni Kara Caafimaad Darro Nafsi Ah, Xidhiidhkiisa Bulshana Burburiya

caafimaad nafsi

Waxaa jira aaminsanaan qaldan, anshax iyo hab-dhaqan aan habboonayn, qaab fikir oo aan sax ahayn iyo caadooyin haddaad qabatinto kugu keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo nafsi ah iyo mushkilado bulsho. waxaan  maanta akhristayaasheenna la wadaagaynaa dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay …

Read More »

Sidee Loo Akhriyaa Wax Ku Anfaca?

WAX AKHRIS KU ANFACA: Wax kasta waad akhriyi kartaa laakiin in aad fahamtaa waa arrin kale, fahamkaasi in uu noqdo mid hoos ugu dhaadhaca maskaxdaada oo dhaqankaaga iyo ficilkaaga ka muuqdaana waa arrinta ugu muhiimsan uguna adag. Wax kasta oo aad akhrido saddexdan xeer mari: AKHRI Akhrisku waxa uu ku siinayaa maskax furnaan iyo qalbi wanaag, waxa uu ku siinayaa …

Read More »

Caadooyin Ay Tahay Inaad Iska Goyso Inta Aanay Da’daadu Gaadhin 35

Qofku qaladaad badan ayaa uu gala inta uu nool yahay, inta badanna qaladaadkaasi waxa ay raad taban kaga tagaan caafimaadkiisa jidheed iyo ka nafsadeed labadaba, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in ay saamayn ku yeeshaan dadka ku xeeran. Qoraaga Yana Yakovenko oo u dhalatay dalka Ruushka ayaa ayaa maqaal ay dhowaan ku faafisay shabakadda FPR waxa ay ku tirisay caadooyin ay …

Read More »

Asbaabaha Ay Dumarku Uga Cimri Dheer Yihiin Ragga

cimri dheer,

Qormadan waxaynu akhristayaasha kula wadaagaynaa mawduuc xiise badan oo ay cilmibaadhayaashu daraasado kadib ku soo bandhigayaan sababo ay u arkeen in ay ka mid tahay kuwa keenay in raggu ay dhimashada kaga bataan dumarka, khubaradu waxa ay sheegeen in celcelis ahaan dumarku ka cimri dheer yihiin ragga qiyaas ah 5 illaa 10 sano. Haddaba sababaha ay khubaradani u arkeen in …

Read More »