Nolol Wanaag

Halkudhegyo Laga Faaidayo Casharro Muhiim Ah Iyo Waayo-aragnimo

halkudhegyo, hadalo xikmad leh

Duruufaha adduun ee maalinlaha ah iyo waayoaragnimada qofku korodhsanayaa waa casharo muhiim u ah nolosha qofka la kulmayaya iyo dadka kaleee uu u sii tabinayo. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa halkudhegyo dad caan ahi ka tageen oo waano ka noqon kara waayaha adduunka. Sharafta noloshu maaha maaha in aanad weligaa kufin, balse waa in aad kici karto mar kasta oo …

Read More »

Ahmiyadda Ay Leedahay In Aroorta Hore Hurdada Laga Tooso

aroorta hore, subaxda hore, hurdada

Dhaqannada kala duwan ee dunidu, waxa ay isku waafaqsanyihiin, in aroor hore toosku uu ka mid yahay tiirarka muhiimka u ah guusha. Dad kala duwan oo guulo ka gaadhay himilooyinkooda nolosha, ayaa iyaguna isku waafaqay in afarta aroornimo oo la tooso subaxdii ay ka mid tahay sababaha muhiimka ah ee guusha ay gaadheen. Xeeldheeraha Maraykanka ah ee Steve Burns, maqaal …

Read More »

7 Sirood Oo Qofka U Horseeda Horumar Iyo Guul

dadka guulaysta, guusha, guul,

Qof kasta waxaa ku beeran hammi ah in uu guul gaadho, ruuxa bulshadu ku qiimayso sarraynta iyo karaamaduna waa kan laga arko guul uu ka gaadhay hawl uu u gacan qaaday ama si guud nolosha. Cilmibaadhis lagu sameeyey furayaasha guusha loo kaashan karo ayaan  akhristayaasha u soo turjunay qodobbada ugu muhiimsan guushaas: 1. Himilo cad: Sirta koowaad ee guusha noloshu …

Read More »

3 Talo Ka Qaado Ninka Dunida Ugu Maalqabeensan!

Qaar badan oo ka mid ah maalqabeenka iyo dadka guulaystay ee adduunka ayaa marka hoos loo dayo noloshooda gaarka ah waxaa la ogaadaa in hurdada habeennimo aad ugu yartahay iyo in ay tobannaan go’aan maalin kasta qaataan, iyo midda ka sii daran oo ah in aanay naftooda waqti u helin. Laakiin Jeff Bezoz oo ah ninka dunida maanta ugu maalqabeensan …

Read More »

Waayuhu Wuxuu I Baray…

xikmado, waayaha nolosha,

– Waxaa uu waayuhu I baray in dadka kuwa iigu waxyeelka badani ay yihiin kuwa aan kalsoonidayda oo dhan siiyey. – Waxa uu waayuhu I baray in shay kastaaba ku bilowdo yari dabadeedna koro (Weynaado) Masiibadu se ay ku bilaabanto weyni kadibna ay yaraato, sidaa awgeed marka ay masiibo dhacdo ay tahay in aan u sabro inta ay yaraanayso. – …

Read More »

Sababaha Keena Wahsiga Iyo Shaqo Dib U Dhigashada & Hababka Loola Dagaallamo

wahsiga badan

Imisa jeer ayaa ay kugu dhacday in buug ama qoraal kale oo aad xiisaysay haddana aad dib u dhigatay akhriskiisa, adiga oo nafta u sheegaya in hadda aanad waqti kugu filan haysan. Wahsiga, shaqo dib u dhigashada iyo maahsanaantu waxa ay ka mid yihiin caadooyinka iyo dhaqannada ay inta badan ee dadka dunidu maanta ka cawdaan. Caalimka cilminafsiga ee William …

Read More »

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Arday wanaagsan oo guulaysta

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday wanaagsan oo aflaxa?”. Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo. Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo …

Read More »

HERE’S HOW READING CAN EMPOWER YOU

Depending upon whom you are trying to have a conversation about reading with, more than half of the time, it can be said that most people receive two kinds of responses which are totally opposite to one another. Some people get so excited at the mere mention of reading that they literally have no other choice but to start jumping …

Read More »

Haddii Aad Raadinayso Farxad Sannado Ah Lacag Ururso, Haddii Aad Doonayso Mid Weligeed Ahna Dadka Baahan Caawi

Waxaa jira halkudheg afka Shiinaha ku jira oo yidhaahda, “Haddii aad doonayso farxad saacad ah, qadada kaddib seexo. Haddii aad doonayso mid maalin dhan ahna kalluumaysi u bax. Haddii aad raadinayso farxad sannad ah, waxa aad u baahan tahay lacag, laakiin haddii aad doonayso mid noloshaada oo dhan ah, qof caawi” Cilmibaadhiso caafimaad ayaa daahfurtay in qofka oo caawiya dadka …

Read More »

Hababka Loo Kaydsado Fikradaha Iyo Hindisayaasha Ku Soo Dhaca Maskaxda

fikradaha, fikrad, fikirka maskaxda,

Waxa aynu maraynaa duni xawaaraha horumarka ay ku socoto iyo isbedellada togan iyo taban ee joogtada ahi ay u ekeysiiyeen, in waqtigu uu intii hore ka dheeraynayo. Cadaadis dhinac kasta oo nolosha ah taabanaya ayaa joogto ugu sii kordha qof kasta, arrimahaasi waxa ay qasab ka dhigayaan in qofku uu joogto maskaxdiisa uga faaruqiyo hadba wixii afkaar iyo hindiseyaal ah …

Read More »

7 Arrimood Oo Ay Tahay In Aanad Samayn Marka Aad Cadhaysan Tahay & Sababta

cadho, cadhada, xanaaqa,

Qof kasta oo garaadkiisu sarreeyaa waa uu garan karaa in cadhadu ay tahay xaalad daciifnimo ah oo uu qofku maro, haddii kale waxa aynu cadhada ku macnayn karnaa dareen raadayn taban ku yeesha caqliga oo sida badan qofka ku dirqiya in uu qaato go’aamo qaldan ama khatar ah, sidaa awgeed qof kasta oo cadhooda talada u horreysa ee la gudbooni …

Read More »

Boost Your Productivity: How a Clean Workspace Makes All the Difference

clean workspace, hygiene, productivity

In today’s fast-paced work environment, staying focused and productive can be a challenge. But what if one of the simplest ways to boost your productivity was right in front of you? A clean and organized workspace can make a huge impact on how efficiently and effectively you work. Here’s a deep dive into why a tidy workspace matters and how …

Read More »

Hababka Kor Loogu Qaado Xusuusta Akhriska

xasuusta, wax akhriska

1. Xog ma ka haysaa? Buugga aad si fiican uga faa’idaysan kartaa, waa buugga aad faham iyo xog hore ka haysato mawduuca uu ka hadlayo. Waa haddii aanu ahayn buug loogu talagalay waxbarasho (Manhaj) iyo buug loogu talagalay dadka aan mawduucaas waxba ka fahamsanayn, ama buug sheeko ah. Tusaale ahaan haddii aad akhriyeyso buug ka warramaya dagaalkii labaad ee adduunka, …

Read More »